HomeQaabkii toogashada - Taxanaha Soomaali waa walaalo, Q. 3aad

Qaabkii toogashada – Taxanaha Soomaali waa walaalo, Q. 3aad

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

blank“Dad reer miyi ah oo laga soo qabqabtay miyiga ayaa la keenay Hargeysa si loogu toogto. Dadkaas masaakiinta ahaa waxa lagu qasbay inay gashadaan dhar ay dawladdu u bixisay “Dirayska SNM”, waxaana la safay tiyaatarka iyada oo isla halkaas uu ka dhacay gaardiskii ciidanku.

Saraakiishii bandhigga qabanaysay waxay yimaaddeen guriyihii dadka, waxaanay nagu amreen in aanu tagno “bedka” oo ahayd halka ay toogashadu ka dhacayso.

Waxay ahayd qof waliba inuu ka soo qayb-galo, tukaankii la arko isaga oo furan xoog ayaa lagu xidhayay. Haddii aad doonayso in aanad tegin, waa in aad iska laaluushtaa tabeelaha, si aanu kuu sheegin.

Tabeelluhu wuxuu ahaa nin ay dawladdu u xil saartay inuu ka war hayo oo uu la socdo dhaqdhaqaaqa toban kasta oo guri, cidda u soo hoyata, cidda soo martida iwm. Ninkaas ayaa la odhan jiray Tabeelle, wuxuuna la shaqayn jiray sirdoonkii Afweyne.

Qof kasta oo gurigaaga soo martiya, hooyadaana ha noqoto e waxa aad u soo sheegaysay Tabeelaha, haddii ay dhacdo inaad weydo ninkaas tabeelaha ah, qofkaasi hooyadaana ha noqdo e gurigaaga ma aad keeni karayn, habeenkaasna dibadda ayuu u hoyanayay!

Nidaamka Tabeellaha waxa lagu dhaqi jiray uun Woqooyiga oo qudha, Koonfur kama uu jirin. Runtii, wuxuu ahaa nidaam gumeysi oo toban goor ka foolxumaa kii Ingiriiska.

Aan ku noqdo toogashadii e, baabuurta basaska ayaa dadka soo guraysay oo geynaysay halka toogashadu ka dhacayso, lacagta baskana waxa iska bixinaya isla qofka, iyada oo xiitaa aanu qofna doonayn inuu toogashadaas ka qayb-galo.

Toogashadu inta badan waxay dhici jirtay isla maalinta qofka la soo xidho ama ugu badnaan maalin ka dib xidhitaanka, waxaana inta badan xukumi jirtay Maxkamadda Ciidanka. Dabcan, dad rayid ah ayaa la saari jiray maxkamad ciidan. (HRW, bogga 45aad)

Macne ma ay lahayn inuu qofku dambi leeyahay iyo in aanu lahayn, hal-hayska maxkamaddu wuxuu noqday “ama qab, ama ha qabin, ama waa lagu qabadsiin”. Macnaheegu ay tahay xiitaa haddii qofka dambi lagu waayo, in dambi loo samaynayo, illaa iyo ay isku macne noqdeen labada eray ee “toogasho” iyo “maxkamad” (Ibid)

Intii ay socotay gaardiskii ciidanka iyo toogashadiiba, waxaa na looga digay in aanu kaantaroolno innamdayada haddii kale ay cawaaqib la kulmi doonaan (yacnii waa in aanay rabshad samayn wiilasha lagu qasbay inay daawashada ka soo qayb-galaan).

Basaasiin ayaa daawanaysay dadka wajiyadooda si ay u akhristaan dareenkooga, qof kasta oo laga arko calaamado muujinaya inuu u murugooday dadkaas la tooganayana wuxuu la kulmayay dhibaato.

Dadka aan sacabbin, ama aan muujin inay ku faraxsan yihiin dilkaasna iyaga qudhooda ayaa eedaysnaa, waana la ciqaabayay”, ayay tidhi Sahra Axmed Carte oo ay Humar Rights Watch ku waraysatay Landhan, 17 June 1989-kii.

Maxamed Cali Cabdillaahi ayaa isaguna sheegay in kol kasta oo ay SNM jabiso ciidanka dawladda ay dili jireen reer miyi meelahaas jooga. Ka dib ay soo qaadi jireen maydkooga oo ay magaalooyinka ku dhex daadin jireen iyaga oo dadka ku odhan jirnay waxaanu dilnay Itoobiyaan e, kaalaya oo soo eega”.

Maalintaas, si la mid ah kumanaan maalmood oo kaleba, waxa dhiiggooga la qubay dad aan waxba galabsan. Xiitaa kuwa la tooganayay illaa iyo kolkii qoriga lagu tooganayo ay caaradiisu ku fiiqnayd, kama ay jawaabi karayn sababta loo tooganayay.

Hargeysa, dadka waxa lagu toogan jiray buurta dhanka bari ka xigta halka ay immika ku taallo Kafateeriyada Masalla View (eeg sawirka hoose).

Xigasho:

Human Rights Watch, a government at war with its own people (Bogga 122 – 123)

Qore: Maxamed Sharma’arke

Sharmaake91@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories