HomeQaabkii ay Ku bilaabmeen Dacwado Lagu Soo Oogey Korneyl Tuke Oo Lagu...

Qaabkii ay Ku bilaabmeen Dacwado Lagu Soo Oogey Korneyl Tuke Oo Lagu Xidhay Dalka Maraykanka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ciidammada Ammaanka ee dalka Maraykanka ayaa xabsiga u taxaabay isla markaana baadhitaan ku wada Yuusuf Cabdi Cali (Tuke) oo ah sarkaal ka tirsanaan jiray Ciidamadii dowladdii Maxamed Siyaad Bare ee Soomaaliya.

Sarkaalkan oo ku magac-dheer Korneyl Tuke, ayaa gudaha gudaha dalka Mareykanka kaga socdaa baadhitaano la xidhiidha dacwado ka dhan tacaddiyo kala duwan oo uu geystay sanadihii 1980-meeyadii, waxaanay xad-gudubyadaas intooda badani ka dhaceen Gobolladii Woqooyi ee dalweynihii laysku odhan jiray Jamhuuriyaddii Soomaaliya.

Xeer-beegti Maraykan ah ayaa Saddex sanno ka hor Korneyl Tuke ku xukuntay inuu jidh-dil u geystay wiil dhallinyaro ah sannadkii 1987-kii, balse wuxuu beeniyay.

Xilligii dowladdii Siyaad Barre ee 1980-meeyadii waxaa Soomaaliya ka dhacay xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo uu qayb ka ahaa Yuusuf Cabdi Cali (Tuke) oo madax ka ahaa guuto ciidan oo caan ahayd, fadhigeeduna ahaa magaalada Gabiley ee Somaliland.

Sannadkiii 1992-dii waxa Korneyl Tuke laga caydhiyey dalka Canada oo uu qaxootinimo ku joogay ka dib markii la soo bandhigay Muuqaallo dokumentari ah oo markhaati ka noqday inuu ka dambeey dilal iyo xad-gudubyo dad shacab ah loo geystay.

Markii laga caydhiyey Canada waxa uu iska dhiiby dalka Maraykan, waxaanu shaqo ka helay shirkadda tagaasida ee Uber. Sannado kaddib, waxa isa soo tarayey eedaymaha xad-gudubyo lagu eedeyey Korneyl Tuke.

Kornayl Tuke waxa uu ka mid ahaa saraakiishii ciidankii qaranka Soomaaliya ee dowladii Maxamed Siyaad Barre madaxda ka ahaa, waxaanu ka mid ahaa sarakiil tababar fiican kusoo qaatay dalka Maraykanka, sida uu sheegay qareenka u doodaya oo lagu magacabo Joseph Peter.

Korneyl Tuke ayaa ahaa Taliyihii guutada shanaad ee milatariga Soomaaliya, waxaana lagu eedeeyay inuu masuul ka ahaa tacaddiyo ka dhan ah bani’aadanimada oo uu ka geystay Gobolka Gabiley, iyadoo xad-gudubyada lagu eedeyey ay dhaceen sanadihii 1970-meeyadii ilaa 1980-meeyadii, sida ku xusan warqadaha dacwadda laga gudbiyay.

Horaantii buburkii Dolwaddii Kacaanka, Korneyl Tuke waxa uu ka mid noqday saraakiil sarsare oo qaxootinimo isaga dhiibay waddamada reer galbeedka, gaar ahaan dalka Canada oo dowladda dalkaas ay muddo kadib ogaatay in loo haysto eedeymo la xadhiidha xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda bani’aadamka.

blankGacan-kudhiigle Tuke, ayaa u wareegay wadanka Maraykanka, kadib markii warbaahinta CBC ee Canada ay baahisay barnaamij lagu soo bandhigay gabbood-fallada uu geystay, waxaana qaabka uu ku tagay dalka Maraykanka ka danbaysay xaaskiisa oo u soo saartay Dal-ku-galka Maraykanka oo ay dhalashadiisa heshay sannadkii 2006-kii.

Muwaadiniinta u dhashay Somaliland ee daba-socday Korneyl Tuke, ayaa dacwaddiisa u wareejiyay dalka Mareykanka, waxaana warbaahinta CNN ay baahisay muuqaal laga duubay sanadkii 2016-kii, kaas oo muujinaya booliska Maraykanka oo Kornayl Tuke ka kaxaynaya goobtii uu ka shaqaynayay oo ahayd garoonka caalamiga ah ee Dulles ee Woqooyiga Gobolka Virginia.

Tallaabada ay Ciidanka Boolisku ku kaxeeyeen, ayaa ka dambaysay kadib markii xubin katirsan Aqalka Virginia ay dalbatay in la caddeeyo sababta qof dambi loo haysto looga shaqaalaysiiyay garoonka diyaaradaha ee gobolkaas, taas oo keentay in shaqada laga eryo.

blank
Dhibbane Farhan iyo Garyaqaanadii u doodayey oo ku faraxsan go’aanka Maxkamadda

Sannadkii 2019-kii maxkamad madani ah ayaa Kornayl Tuke ku xukuntay inuu bixiyo ganaax lacageed oo dhan Nus Milyan dollar ah ka dib markii lagu eedeeyay inuu jidh-dilay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Farxaan Maxamed Taani sannadkii 1987-kii.

Maxkamaddu waxa ay go’aamisay inuu Korneyl Tuke mag-dhow dhan $500,000 (Shan Boqol oo Kun oo Dollar) siiyo dhibbane Farxan Maxamed Taani oo sheegay in da’diisu ahayd 17-sanno jir markii isaga iyo dad kale oo shacab ah ay ciqaab-wadareed u geysteen ciidamo uu watay Korneyl Tuke oo uu sheegay inuu dhowr xabbaadood ku dhuftay ka hor intii aan meyd ahaan looga tagin balse nasiib-wanaag uu ka badbaaday.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories