HomePuntland: Ciidammo Maraykanku Sameeyey oo ka soo horjeestay Amar ka soo baxay...

Puntland: Ciidammo Maraykanku Sameeyey oo ka soo horjeestay Amar ka soo baxay Madaxweyne Deni

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Ciidammada la dagaalanka aragagaxisada iyo amaanka ee Maamul-goboleedka Puntland, ayaa shaaciyey inay gebi ahaanba isaga baxeen furimaha dagaalka ee Buuraha deegaannada Buuraha Gal-gala iyo Calmadow ee gobolka Bari ee ay ku sugan yihiin Kooxaha argagixisada ee Daacish iyo Alshabaab.

Taliska Ciidamada PSF ayaa go’aanka shaaciyey maanta kaddib markii madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Deni uu isbedel ku sameeyey hoggaanka ciidankaas, isla markaana waxa goobihii ay ciidamadu ka hawl-gali jireen la geeyey Ciidamo horleh oo ka tirsan kuwa Daraawiishta ee maamul-goboleedkaas.

blankSaraakiil ka tirsan hay’ada PSF oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso, waxa ay go’aanka ay kaga soo baxeen furita dagaalka ku sababeeyeen isbeddelka lagu sameeyey hoggaanka ciidanka oo aan loo marin sifo sharci ah iyo xeerka ciidammada, iyagoo tallaabadaas ku tilmaamay mid aan ku habboonayn in loogu abaal-celiyo maadaama ay naftooda u soo hureen difaacista amniga Puntland.

Ciidammada PSF ayaa wakhtiyo kala duwan dagaallo ku dhex-mareen Buuraha Galgala iyo Calmadow iyo gobolka Bari kooxaha Al-shabaab iyo Daacish oo fadhiisimo ka dhigtay Buurahaas.

Hay’adda PSF ayaa taageero dhaqaale iyo mid ciidanka ka hesha Dalka Maraykanka.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Arbacadii toddobaadkan xilka ka qaaday Agaasimihii Hay’adda PSF Maxamuud Cismaan Diyaano, waxaanu beddelkiisa xilka u magacaabay sarkaal lagu magacaabo Sarreeye guuto Maxamed Amiin Cabddulahi Xaaji Khayr.

Agaasimaha Xilka laga qaaday, ayaa ku gacan-saydhay inuu xilka wareejiyo, waxaana ilaa Khamiistii shalay magaalada Boosaaso ku sugnaa Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan oo halkaas u joogay inuu xilka u kala wareejiyo labada masuul.

Wasiirka Amniga ee Puntland ayaa maanta sheegay inaanay ilaa immika u suurtoobin inay xilka u kala wareejiyaan labada masuul sababo la xidhiidha masuulka xilka laga qaaday oo ku gacan-saydhay inuu xilka wareejiyo.

Wasiir Gallan ayaa ku amray ciidanka PSF in aanay ka amar-qaadan Agaasimaha xilka qaadista lagu sameeyay, waxaanu u soo jeediyey inaany ka soo bixin xeradooda inta laga xallinayo muranka taagan.

Dhinaca kale, Taliyaha Guud ee Ciidanka Puntland Jeneral Yaasiin Cumar Dheere ayaa isaguna baaq u diray sarkaal xilka laga qaaday oo ugu baaqay inuu xilka wareejiyo. Waxa uu taliyuhu sheegay inaanay magaalada Boosaaso u baahnayn colaad iyo xiisad dagaal, islamarkaana aysan dowladdu diyaar u ahayn arrintaas haddii aan laga fursan waayin.

Waxa jirta cabsi xooggan oo laga qabo inuu dagaal u dhexeeyo PSF iyo ciidamada Puntland ka dhaco magaalada Boosaaso haddii maamulku xoog iyo qasab u adeegsado xil-wareejinta agaasimaha xilka laga qaaday.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories