HomePUNTLAND: Askari Saddex Sarkaal Ku Dilay Buuraha Galgala

PUNTLAND: Askari Saddex Sarkaal Ku Dilay Buuraha Galgala

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

 

Boosaaso(SLpost) – Sarkaal ka tirsanaa ciidanka daraawiishta maamulka Puntland ayaa maanta toogasho ku dilay saddex sarkaal oo ciidanka daraawiishta Puntland ka tirsanaa, isagoo sidoo kalena dhaawacay saddex sarkaal oo kale oo iyaguna ka tirsanaa ciidamada Puntland sida uu sheegay abaanduulaha ciidankaasi.

Toogashadan waxay ka dhacday aagga buuraleyda Galgala ee Puntland, wuxuuna ahaa askariga dilka geystay sarkaal xigeen, isagoo falkan geystay xilli ay ciidamadu goob lagu shaaheeyo ku sugnaayeen, waxaana isla goobta lagu toogtay askarigii falkaas geystay.

“Ciidamada oo shaah cabaya ayuu askarigan soo kacay, isagoo rasaas ku furay ciidamadii goobta ku sugnaa… waxaana dhintay sarkaal iyo laba sarkaal xigeen, iyadoo sidoo kalena ay dhaawacmeen sarkaal iyo laba sarkaal ku xigeen,” ayuu yidhi abaaduulaha ciidamada daraawiishta Puntland ee aagga Galgala, Col. Shire Cumar Cali oo la hadlayay VOA-da isagoo ku sugan buuraha Galgala.

Sidoo kale, Col. Shire Cumar ayaa intaa ku daray in askariga dilka geystay uu damcay inuu cararo, balse ciidamadii kale ee aaggaas ku sugnaa ay rasaas ku fureen taasoo keentay inuu isaguna isla goobta ku geeriyoodo.

“Askariga toogashada geystay iyo askarta kale ee ku dhintay iyo kuwii dhaawucu kasoo gaadhay ma jirin wax khilaaf ah oo dhex-yaallay, laakiin askarigan oo sarkaal xigeen ahaa madaxa ayuu ka xanuunsanaa,” ayuu hadalkiisa ku daray Col. Shire

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories