HomeProf Samatar waxaanu leenahay ceeb calayk, siday reer Somaliland kuu Qadariyeen ee...

Prof Samatar waxaanu leenahay ceeb calayk, siday reer Somaliland kuu Qadariyeen ee aay kuu soo dhoweeyeen umaad ixtiraamin – W/Q: Cali Dhimbiiil

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

samatarWeli waxay is weydiinayaan reer Somaliland maxaa ku kalifay prof Samatar inuu huruufo dadkii sida niyad wanaaga ahayd ugu soo dhoweeyey wadanka Somaliland, ee uu in badan dagaal diplomacy iyo siyaasadeedba kula jirey.  La garan maayo ilaa hada waxa uu u humiliates gareeyey dadkii maalintaa sida wanaagsan ee qalbiga furan u soo dhoweeyey, iyagoo runtii iskaba ilaawey qaladaadkii mucaaridnimo ee uu hore uga galay wadanka uu asal ahaan ka soo jeeday.

Wuxuu sameeeyey maalintaa waxay ahayd wax lala yaabo, madaama uu wadan Somaliland la yidhaahdo joogo hadana calankoodii aanu wax ixtiraam ah u hayn.  Mida kale ma sidaasbuu  nin aqoonyahan ah oo diplomacy iyo protocolka aduunka wax ka garanaya ku ahaa, ileyn wuxuunbaa la xeeriyaaye.

Prof Samatar had iyo jeer wuxuu isku soo ag sawiraa calanka Maraykanka iyo kan Somalia, markaa sideebay ku noqotay inuu wadankii sharfay ee soo dhoweeyey uu ugu abaal gudo xumaan iyo aflagaado uu ku leeyahay calankaa iga fogeeya oo hay saarina, isagoo weliba aad ugu nuux nuuxsanaya inaanu ka raali ahayn.  Taasi waxay ku tusaysaaa in aanu qadiyada reer Somaliland ka raali ahayn oo weliba wax ixtiraam ah u hayn.  No wonder in prof Samatar loogu hadal hayn badan yahay internet discussion forums, especially Facebook iyo wixii la mid ah, oo dadka intooda badani aay u fasisheen inuu prof Samatar weligiiba ahaa laba wajiile aan meelna raacsanayn.

Runtii dadka reer Somaliland waa dad iska qalbi furan, oo jecel cidii wax la qabsanaysa inay soo dhaweeyaan, oo isaga denbi dhaafaan.  Laakiin waxay ahayd in qorshe fiican, oo aan xad gudub danbe lahayn aay isla meel dhigi lahaayeen dawlada Somaliland iyo prof Samatar, intaanay u ogolaan inuu uu dib ugu soo noqdo wadanka .  Hadaba prof Samatar hadii aay weli qadiyadii Somali weyn maskaxdiisa ka sii qiiqayso, dee waxay ahayd inuu sugo halkay xaaladii Somaliweyn ee uu aaminsanaa iyo tan Somaliland ku danbayn doonto, si uu markaa dhinicuun isugu biyo shubto.

Prof Samatar waxaanu leenahay hadaad huruuf iyo xumaan aad noogu bedeshay wanaagan kugu soo dhoweyney maalintii u horeysey, waxay noola eegtahay hadaanu nahay reer Somalilandka wadankan soo xoreeyey ee naf iyo maalba ku waayey, inaanu kaa fiirsan doono wixii iminka ka danbeeya.

Anigu shakhsi ahaan waxaan laba yaabanahay sida aanay saxaafada reer Somaliland badidoodu u arkayn inuu prof Samatar Khalad weyn ka galay Somaliland maalintii u horeysey ee uu cagaha soo geliyo ee calankii dulmiga ka saray reer Somaliland ee tawhidku ku qornaa uu laad iyo feedh kala hor yimid.  Somalidu waxay ku maahmaahdaa ‘’waxa uurku qarsanayey afkaa kaa xada’.

Kama danbeyntii waxaan prof Samatar  u soo jeedinaynaa wadankayaga iyo wuxuu ku suntanyahayba aadbaanu u jeclenahay oo u qadiranaa, adigana qaladaadkaaga aad ilaa iyo hada naga gashay waanu kuu tirinaynaa 1 iyo 2………………. waanaan kaa horeynaa ee la soco aboowe, weliba apology ayaan kaa sugaynaa hadaad inaba xishoonaysid.

Ali Abdi Dhinbiil

Ali.dh@hotmail.co.uk

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories