HomeProf.Samatar Muxuu ka Yidhi Hadaladii uu Dr. Bulxan Dhawaan ku Weeraray?

Prof.Samatar Muxuu ka Yidhi Hadaladii uu Dr. Bulxan Dhawaan ku Weeraray?

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargiesa(SLpost)- Prof Axmed Ismaaciil Samatar ayaa lala yeeshay waraysi dhinacyo door ah taabanaya, Sidoo kale waxa wax laga waydiiyey hadallo uu dhawaan saxaafadda u soo mariyey Dr. Bulxan oo Hargeysa joogaa.

Prof Samatar waxa uu su’aashaa uga jawaabay si xeel dheer, waxaana uu yidhi isaga oo ka hadlaya sida loogu soo jawaabo “Aniga dhibaato caynkaas ah oo ay igu haysaa ma jirto. Dad badan baa markaan hadlo iga daba hadla, waa caadi oo dhibaato iiguma jirto, waana dadka way u banaan tahay. Anigu ma galo Idaacadaha iyo internatka ay dadka soomaalidu ku kaftamaan ama isku caayaan ama waramada ay isku tuurtuuraan, Laakiin haddii ay aniga iga faaloonayaan waxa aan ka hadlo iyagay u taalaa taasi”

Isaga oo isla su’aashaa sii wada oo ka hadlaya aqoonta ay isku leeyihiin Dr. Bulxan ayaa waxa uu yidhi “Aniga iyo Dr. Bulxan aqoontayadu mid gun dheer maaha, maraykan shirarkaanu iskugu iman jirnay laakiin aqoontayadu mid intaa ka sii weyn isku maanaan lahayn. Intii aan aqaanay waxa uu ahaa nin mutaclim ah oo weyn jaamacaddo waaweyna ka soo baxay, si wanaagsan wax u bartay oo arimahan Psychologyga iyo psychiatricga digtooraa(PhD) ku qaatay oo buug weyn ka qoray ninkii la odhan jiray Frantz fanon ee dhakhtarka maskaxda ahaa. Anigu waaban akhristaa buugaa oo guriga ayuu ii yaalaa oo mar mar baaban tixraac ku sameeyaa.
Markaa anigu Dr. Bulxan sidaasaan u aqaanay oo nin noo tirsan dhanta aqoonta ayuu ahaa, laakiin dhawr iyo labaatan sano mucaamilo maanaan yeelan. Isma baannu aragba marka laga tago markii aan sanadkan inna dhaafay Hargeysa safarka ku tagay, ayaannu maalin si lama filaan ah halkii hudheelkii Maansoor oo aan deganaa ugu kulannay. Aniga oo qolo la fadhiya ayaa isaga iyo qolo kalena soo galeen, waannu isa salaannay waxaan laba/saddex daqiiqo ka badnayn. Intaas ayaannu is dhaafsanay mudo dhawr iyo labaatan sanadood ah, markaa meel uu ku sugan yahay iyo ayaatiinkiisu wuxuu ku sugan yahay toona ma ogi mudadaa dhawr iyo labaatanka sano ah, waxaanse filayaa in uu nin caafimaad qaba oo sidiisii u muuqda yahay; ixtiraam weyn baanan u hayaa”

Prof Samatar oo isla su’aashaasi ku gudo jira ayaa waxa uu ka waramay arimaha uu ka hadlay iyo aragtida Dr. Bulxanba, waxaannu yidhi “Ta labaad ee aan ku darayaa waxa weeye Anigu waxa aan ka hadlaa hadalkan uu soo xigtay ee malaha damqayna uu yahay siyaasadda dibadda ee Somaliland oo aan doonayo  in ay guul weyn keento. Afar iyo labaatan(24) sanadood ayaannu meel ku xidhanahay, waannu ka daalnay in uu albaabku dusha ka xidhan yahay ummaduna way ka daashay. Markaa in laga hadlo arintaasu meesha ay ka jaban tahay iyo sida loo hagaajinayo waa su’aal wakhtigeedu muddo badanba na hor taagnaa. Anigu taasaan ka hadlay, waan isku dayey in aan macneeyey waxa maqan, waan isku dayey in aan soo dhigo ra’yi daweyn kara oo Somaliland siyaasadeedaa dibadda ee la yidhi fadhiid bay noqotay dhaqaajin kara ayaan soo dejiyey, markaa hadduu Dr. Bulxan hayo taa tu ka duwan oo inna gayn karta dhulka aynnu doonayno ee ku saabsan siyaasaddaa arimaha dibadda, Waa Siyaasad qaran (Public policy) shakhsi maaha. Markaa haddii tiisu hagaagsan tahay oo ra’yi cusub uu hayo waannu raacaynaa ummaduna way raaci. Halkaa weeyaan halka tartanku taagan yahay, ummadaa Somalilandna waxa aannu jecelnahay aniga iyo Bulxanba in aannu dadka iyo ummadaba jecelnahay, si wanaagsan aannu u jecelnahay oo aannu doonayno in ay sii badhaadho. Markaa iyaguna nagama filayaan haddii aannu nahay aqoon yahan da’ waliba jooga aannu nahay, ee waxa ay naga filayaan geedo dhaadheer in aannu ahaanno ee aannaan jaleelo noqon”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories