HomeProf Samatar Iyo Dr Maxamed Cabdillaahi Oo Ka Cudur Daartay Ka Mid...

Prof Samatar Iyo Dr Maxamed Cabdillaahi Oo Ka Cudur Daartay Ka Mid Ahaanshaha Gudiga Aqoonsi Raadiska

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa(Geeska)-Prof Axmed Ismaaciil Samatar iyo Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, oo ahaa wasiirkii hore ee khaarajiga, ayaa si rasmi ah uga cudur daartay inay ka mid noqdaan guddiga ictiraaf raadinta Jamhuuriyadda Somaliland ee uu Madaxweyne Siilaanyo magacaabay bishii hore.

1

Ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in Prof Samatar iyo Dr. Maxamed, ay siyaabo kala gooni gooni ah Madaxweyne Siilaanyo ugu soo direen dhambaalo ay kaga cudur daarteen xilka uu u magacaabay ee ka mid ahaanshaha guddiga. Warka uu Geeska Afrika helay wuxuu sheegayaa in labada masuul cudur daarkooda sabab uga dhigeen iyagoon wakhti u hayn hawsha loo xilsaaray oo ay sheegeen inay tahay mid culus, iyagoo geesta kale Madaxweyne Siilaanyo uga mahadceliyay magacaabista.

Ka sokow, qoraalka cudur daarka ah, warar kale ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in labada masuul qawadeen guddiga oo la sheegay in iyadoon lagala tashan warbaahinta loo mariyay in lagu daray guddiga, waxaanay wararku sheegayaan in labada masuul aaminsanyihiin inaan guddiga lagu xulin tallo culus, taasina sabab u noqotay inay ka cudur daartaan inay ka mid noqdaan guddiga ictiraaf raadinta ee uu Madaxweynuhu magacaabay. Tirada guddiga oo aad u badan ayaa sidoo kale la sheegayaa inay dhaliileen.

Prof Axmed Ismaaciil Samatar iyo Dr. Maxamed Cabdillaahi, ayaa ka mid ah dadka ugu culus ee uu Madaxweyne Siilaanyo guddigaas ku daray, lamana garanayo in Madaxweyne Siilaanyo magacaabi doono bedelkooda iyo in kale.

Maxamed Cabdillaahi iyo wasiirkii hore ee khaarajiga Maxamed Biixi Yoonis oo aan isgu guddigan ku jiran, ayaa warar uu Geeska Afrika helay sheegeen inay hore u diideen in la sameeyo guddi qaabkan oo kale ah, iyagoo ka cabsi qabay in hawlgalada guddigan iyo kuwa wasaaradda arrimaha dibaddu  isku dhacaan, maadaama oo aan weli la samayn xeer kala xadaynaya.

Prof Samatar iyo Dr. Maxamed Cabdillaahi, oo aanu isku daynay inaanu la xidhiidhno si aanu warkan uga xaqiijino ayaanay noo suurtogelin inaanu helno.

Xigasho Geeska

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories