HomeProf Gees oo ka warramay Hannaankii Maamul ee Marxuum Cigaal ku debbaqi...

Prof Gees oo ka warramay Hannaankii Maamul ee Marxuum Cigaal ku debbaqi Jiray Xukuumaddiisa iyo Mansabyada ay Beeluhu ka helaan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Sannadkii 1999 aniga oo ah Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland ee Dawladdii Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, ayaa Madaxweynuhu Digreeto soo saaray uu ku magcaabayo jaggadii Guddoomiyihii Guddiga Caddaaladda, Wasiirkii Caddaaladda, Dastuurkuna waxa uu dhigayaa in Guddomiyaha Maxkamadda Sare uu yahay Guddoomiyaha Guddiga Caddaaladda.

Haddaba, aniga oo ka mid ahaa Guddigii isku daray labadii nuqul ee Dastuurka Qaranka ee midna uu sameeyey Khabiirkii Soodaaniga ahaa ee Dr. Khaliil oo markii dambe madax ka noqday aftidii laga qaaday Soodaanta Konfureed ee ay waddanka cusub ku noqotay iyo nuqulkii uu samayey Guddigii uu u xil-saaray Golaha Wakiilladu. Markii aanu arrintaas ka doodaynay, waxa qoraal noo soo diray Guddoomiyihii Maxakamad Sare oo ahaa nin aqoon sharci leh oo qoraalkiisa kaga digay inaan Maxkamadda Sare iyo Guddoomiyaheed aan la gelin Maamulka Maxkamadaha ee ay ku koobnaadaan Garsoorka oo keliya. Taladiisii lama qaadan.

geesHaddaba, si cabashada dadwenyuhu ka cabbanayaan Maxkamadaha uu wax uga qabto ayuu Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal tallaabadaas u qaaday. Arrintii cirka ayey u baxday oo Golihii Wakiilladu oo ahaa kii ugu xilkasnaa ee ina soo mara oo ay hagayeey Guddoomiyayaal waxgarad ah sida Mudane Axmed Qaybe iyo Cabdiqaadir Jirde waa ka booday, waxayna ku eedeyeen xukuumadda gaar ahaan Madaxweynaha inuu Dastuurkii jebiyey.

Guddi ayuu magacaabay Madaxweyne Cigaal oo uu madax ka ahaa Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo markaas ahaa Wasiirka Maaliyadda, si ay Golaha Wakiillada ugala hadlaan arrintan. Waxa arrintii genafka ku dhuftay oo diiday xitaa inay soo galaan Xarunta Golaha Xildhibaanada Golaha.

Arrintu markay halkaas gaadhay, ayaa waxa soo dhexgalay Golaha Guurtida, waxayna soo jediyeen in la wadahadlo saddexda Gole oo Guurtidu dhexdhexaadin samaynaso, iyada oo fadhigii laga dhigay Madaxtooyada: toban xubnood oo Golaha Wakiilladu soo dirtay iyo Guddigii Wasiirrada ahaa oo aan ka mid ahaa ee u Cigaal hore u magcaabay iyo Shirguddoonka Golaha Guurtida iyo xubno u Xaaji Cabdi Waraabe ka mid yahay.

Waxa kale oo kulanka fadhiyey Madaxweyne Cigaal iyo Madaxweyne-ku-xigeenka oo Daahir Rayaale iyo Mudane Axmed Qaybe oo ahaa Guddomiyaha Golaha Wakiillada. Dooddii waxa furay xubnihii ka socday Wakiillada oo Guurtidu u martiqaaday oo iskaga daba noqday gefka Dastuuriga ah ee ay Xukuumaddu u badheedhay. Xukuumadda xubnihii Wasiirrada ahaa iyana difaac ayey galeen. Shirguddoonkii Guurtida oo lagu yaqaanno weligeed inay xukuumadda iyo Madaxweynaha taageerto waxay xaajadii ku noqotay af-kala-qaad oo way ku dhici wayday inay sheegto halka eedo jirto.

Markii hadalkii la isku celceliyey oo Madaxweyne Cigaalna uu aamusan yahay, ayaan hadalkii u holaday oo aan hadlay. Waxa aan markaas ka madax ahaa Guddi soo diyaarinayaa wax-ka-beddelka Dastuurka ee xukuumaddu u gudbinayso Golayaasha intaan aftida loo bandigin Dastuurka. Nuqulka aanu gacanta ku haynay waxa la hordhigayey Golaha Wasiirrada oo ka doodayey, dabadeedtana ansixinayey intaan loo gudbin Golayaasha Baarlamanka.

Xog-ogaalnimadaa awgeed ayaan ku dhiiraday hadalkaygii oo aan idhi; “Haddii aanu xukuumadda nahay waa ka noqonay qaladkii dhacay, waxa aanu ka codsanaynaa Golayaasha Baarlamanku inay wax nagala qabtaan wax-ka-beddelka Dastuurka ee aan soo gudbin doono.” Dadkii ayaa iswada eegay, Madaxweyne Cigaal yaa isaguna yaabay oo yidhi; “War horta qalad maanaan samayn, hase yeeshee sidaas Gees sheegay waa ka noqonay arrintii.” Dadkii ayaa neefi ka soo wada booday, khilaafkiina halkaas ayuu ku dhammaaday.

Markii aan gurigii tegay ayaan isla yaab dhiiranantayda Madaxweynihii oo fadhiya oo aanan la tashan ayaan awooddiisii ku dhawaaqay, bal edeb-darradaa day iyo Madaxweyne Cigaal oo arrintii ka xanaaqin ee qaatay, saw wax lala yaabo ma ah. Xaggee ayey ka dhacdaa? Waxay ahayd sida Afrika iyo Soomaalida looga bartay inuu bartaas xilka igaga qaado baratakoolka aan jebiyey, balse waxa uu doorbiday in ay talo sax ah ahayd.

Waxa kale oo iyana jirtay in Madaxweyne Cigaal oo aad isaga dhawri jiray Wasiirrada ka soo jeeda Beelaha Darafyada ee aan Isaaqa ahayn, kumana dheerayn jirin xil-ka-qaadidooda, balse waxa uu caydhsan jiray Wasiirrada Isaaq ah, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Beeshiisa Habar/Awal. Halkaas waxa kaaga muuqanaysa falsafadiisa waxay ku dhisnayd.

Fogaynta reerkiisa illeyn waa ay ku qasban yihiin inay u hiiliyaan mar kasta sida Xeerka Qabiilku dhigayo, soo-dhowaynta reeraha kale, gaar ahaan kuwa aan Isaaq ahayn iyo inuu sadbursiinyo u oggolaado.

P

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories