Home"Prof Geedoole, Intii aad Wasiirka ahayd Ma jiraa Qalad aad Bulshada kaga...

“Prof Geedoole, Intii aad Wasiirka ahayd Ma jiraa Qalad aad Bulshada kaga gashay Masuuliyadda oo aad Maanta Qiranaysaa?”

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirkii hore ee Wasaaradaha Waxbarashada iyo Beeraha Somaliland Faarax Cilmi Geedoole, ayaa taageeray inay dowladda Somaliland la wareegto keenista iyo gacan-ku-haynta Shidaalka oo ay markii hore Shirkado ganacsi keeni jireen, dhawaanna Xukuumaddu sheegtay inay la wareegtay iyadu, waxa uu sidoo kale soo dhaweeyey nidaamka ay waxbarashada dowladda u dejinayso dowladdu ee ay sheegtay inay ku tayeynayso waxbarashada dugsiyada ay maamusho.

Prof: Geedoole oo Weriye Cabdifataax Ismaaciil Mursal ku waraystay Barnaamijka Xog-wadaag ee ka baxa Baddacas24tTV, waxa uu ka jawaabay su’aalo kala duwan oo intii barnaamijku socday lagaga weydiiyey arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin kuwa wakhtigan dalka ka taagan iyo xilligii uu isagu xilka Wasaaradaha Waxbarashada iyo Beeraha ee Xukuumaddii Siilaanyo hayey qaladaad ka dhacay hadduu jiro iyo in kale.

Waxa uu Geedoole sheegay inay Siyaasiyiinta Garabka Badbaadada Waddani la baxay ee uu ka midka yahay samaysan doonaan Shirweyne haddii ay Maxkamaddu go’aan degdeg ah soo saari weydo, isla markaana ay furan doonaan Xafiisyada gobollada iyo degmooyinka dalka Somaliland ee ay ku metelayaan Xisbiga, sida uu ku dooday.

Faarax Geedoole waxa uu sheegay inay ku qanci doonaan qaraarka ay Maxkamaddu soo saarto, haddii uu ka farxiyo iyo haddii uu ka nixiyaba, maaddaama oo ay markasta sharci u ayidsan yihiin go’aanka Maxkamadda sare ee dalka, waxa uu naqdiyey Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga Waddani oo 29-ka bishan ka furmi doona magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories