HomeProf. David Shinn oo ka hadlay Faa’iidada a Go’aamadii Istanbul, Macaamilka Somaliland...

Prof. David Shinn oo ka hadlay Faa’iidada a Go’aamadii Istanbul, Macaamilka Somaliland ee Shirkadaha Caalamka iyo Danaha Turkiga ugu jira wada-hadallada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

David-ShinnWashington (SLpost)- Safiirkii hore ee dalka Maraykanka u fadhi jiray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, David H. Shinn, ayaa iftiimiyey muhiimadda ay Somaliland u leedahay xidhiidh iyo wada-shaqayn ay la yeelato shirkadaha caalamiga ah, isaga oo ku dooday in la-macaamilka shirkadaha caalamiga ah Somaliland ka taageerayso horumarka dhinaca dhaqaalaha.

Prof. David Shinn oo wakhtigan  Maaddada Xidhiidhka Caalamiga ah ka dhiga Jaamacadda George Washington ee dalka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadlay saamaynta ay Somaliland ku leedahay natiijada go’aamadii ka soo baxay Shirkii magaalada Istanbul ku dhexmaray ergooyinka Somaliland iyo Somaliya.

Prof. Shinn waxa uu tilmaamay in go’aamadii lagu gaadhay Istanbul ay guul u tahay Somaliland iyo Soomaaliya, maadamaa oo sida uu sheegay ay ku ajburayso in wada-xaajoodku sii socdo, waxaanu ku dooday inaanay jirin dano qarsoon oo Turkigu ka leeyahay.

Prof Shinn oo Waraysi Khaas ah uu leeyashay Wargeyska HIMILO isaga oo ku sugan dalka Maraykanka, waxa uu sheegay inaanu jirin waddan kaga habboon dalka Turkiga dhex-dhexaadinta labada waddan ee Somaliland iyo Somaliya, isaga oo ku dooday haddii Turkigu ku fashilmo wada-hadallada inaan si fudud lagu helayn waddan buuxin kara kaalinta Dawladda Turkiga oo uu sheegay inay beesha Caalamka u metalayso dedaallada wada-hadallada Somaliland iyo Somaliya.

Wareysiga uu Wargeyska Himilo la yeeshay Prof. Shinn oo dhinacyo badan taabanaya, ayaa u dhacay sidan:

HIMILO: Go’aanadii ka soo baxay wada-xaajoodkii Somaliland iyo Soomaaliya ee Istanbul, dhinacee baad isleedahay guul bay u tahay Somaliland mise Soomaaliya?

SHINN: Dhab ahaan, waa khariidad muhiim u ah wada-xaajoodka ergada Somaliland iyo Soomaaliya ku sii wadi karaan wada-hadalka iyo balaadhinta go’aamadii hore loogu gaadhay London, Dubai, Ankara iyo Istanbul I. Waa guul muhiim u ah labadaba Somaliland iyo Soomaaliya, sababtoo ah waxay ku ajburinaysa wada xaajoodka.

S: Miyuu keenayaa odhaahda ah ‘in dhammaan mushkiladaha iyo khilaafyada gebi ahaanba lagu dhameeyo dariiq nabadgelyo,’ inay so oaf-jarto sheegashada Puntland ee qeybaha Somaliland, hadday tahay Soomaaliya ama Maxkamadaha caalamka?

J: Ilaa inta sheegashada qeybaha Somaliland lagu raadinayo nabadgelyo, ma arko in qodobkani joojinayo fursada ah in dhinaca shaciga lagu raadiyo. Hadaad ujeeddo maxkamad caalam ahi, si kasta, labada dhinac waa inay ku heshiiyaan marka hore raacitaanka dariiqaa.

S: War saxaafadeedkii dalka Turkigu ku soo dhoweeyey heshiiskii lagu gaadhay Istanbul, ma loo arki karaa khiyaamo ama laba-wejiyeynta siyaasada Turkiga ee ku aaddan Somaliland ama Soomaaliya?

J: Hadalka wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkiga waxay u muuqataa mid hagaagsan kuna haboon. Waxaan qabaa inay ka turjumayso sida Turkigu isugu deyayo inuu noqdo dhexdhexaadiye waxtar leh oo dhexdhexaad ah. Ma arko dano qarsoon oo u leeyahay.

S: Ma filaysaa in la macaamilka shirkado badan oo caalamka ah inay Somaliland wax ka tarayso gaadhitaanka aqoonsi caalami oo ay hesho?

J: Inkasta oo badashada la macaamilka shirkado caalami ah ee Somaliland taageerayso horumarka dhaqaalaha, isla markaana u keenayso xayeysiin dheeraad ah oo Somaliland ka hesho beesha caalamka, ma filayo in talaabadani saamayn ku yeelan karto aqoonsiga caalamka. Xukuumadaha ayaa gaadha go’aamada aqoonsiga caalamka, maaha shirkadaha.

S: Ilaa intee ayaad saadaalin kartaa inay wada-xaajoodka labada dhinac socon karo, isla markaana, haduu guuldaro noqdo gebagebada, maxay beesha caalamku ka qaban kartaa soo dhexgalka qorshahan?

J: Wada-xaajoodkani waxaan qabaa inuu muddo qaadanayo inta natiijooyin la taaban karo muuqanayaan. Labada dhinac, waxay ku heshiiyeen Istanbul magacaabida xubnahii ka mid noqon lahaa guddida maamulka hawada muddo 45 maalmood. Hadii taasi dhacdo, waxay iftiimin doontaa in guulo la taaban karo la gaadhayo. Waxay abuuraysaa is-aamin dhexmara Somaliland iyo Soomaaliya.

Turkigu si muuqata waxa uu ugu metelayaa beesha caalamka dedaalkiisan. Hadii dedaalkaasi guuldaraysto, ma arko waddan kale oo beesha caalamka ah oo si degdeg ah u buuxinaya kaalinta Turkiga.

XIGASHO: Wargeyska HIMILO

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories