HomeProf Cali Khaliif iyo Hoggaamiyeyaasha Kooxda Khaatumo oo Firxad kaga baxay magaalada...

Prof Cali Khaliif iyo Hoggaamiyeyaasha Kooxda Khaatumo oo Firxad kaga baxay magaalada Saax-dheer, si Habqan ahna ku galay Buuhoodle

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Buuhoole (SLpost)- Hoggaamiyeyaasha Kooxda nabad-diidka ah ee Khaatumo, ayaa firxad ku soo galay magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolkaas, ka dib markii ay ka soo baxsadeen degamada Saaxdheer ee gobolka Sool oo ay muddooyinkii u dambeeyey ku sugnaayeen.

Ninka ku magacaaban Madaxweynaha Kooxda Khaatumo Maxamed Yuusuf Jaamac (Indhosheel) oo hoggaaminaya malleeshiyo-beeleedyo iyo siyaasiyiin kale, ayaa dorraad subaxnimada ka soo baxay magaalada Saax-dheer oo ku taala Xuduudka Somaliland la wadaato Itoobiya, gaar ahaan Hawdka gobolka Sool, ka dib markii ay deegaankaas gaadheen cutubyo ka mid ah Ciidamada Qaranka Somaliland oo fadhiisimo ka samaystay, taasina ay sababtay in ay u baxsadaan magaalada Buuhoodle.

galaydhHoggaamiyeyaasha Kooxda Khaatumo oo ay weheliyaan siyaasiyiin uu ka mid yahay Siyaasiga ruug-caddaaga ah ee Cali Khaliif Galeydh, ayaa markii hore ka firxaday magaalada qadiimiga ah ee Taleex oo ka tirsan gobolka Sool, ka dib markii ciidamada Qaranka Somaliland la wareegeen gacan ku-haynta magaaladaas oo uu ka socday shir aanay dadka deegaanku isku-mawqif ka hayn ujeeddadiisa isla markaana xukuumadda Somaliland uga baqatay isku-dhac iyo nabadgelyo-darro shirkaasi ku keeno shacabka ku dhaqan deegaanka.

Indho-sheel waxa uu sheegay in Ciidamada Qaranka Somaliland fadhiismo ka samaysteen deegaanka Kala-baydh oo u dhexeeya Laascaanood iyo Saax-Dheer, balse ma sheegin sababta ay deegaankaas uga yimaaddeen inay la xidhiidho culays iyo baqdin ay ka dareemeen milatariga Somaliland.

“Way Jirtaa in Maamulku (Somaliland) iyo Ciidankiisiiba inay joogaan Saax-dheer. Magaalada Kala-baydh waxa jooga cusubyo ka tirsan ciidamadooda (Somaliland), wixii aanu ka yeeli lahaynna halkan ka sheegi mayno,” Sidaa waxa idhi Maxamed Indho-Sheel u warramayey wariye ka tirsan Telefishanka Somali Channel isaga oo ku sugan magaalada Buuhoodle.

Dhinaca kale, wararka laga helayo deegaamada hoos yimaadda gobolka Buuhoodle, ayaa sheegay wefti uu hoggaaminayo Prof Cali Khaliif Galeydh oo ka soo kicitimay magaalada Saax-dheer inay soo gaadheen deegaanka Marqaan oo ka tirsan Buuhoodle oo u dhexeeya labada magaalo, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyey isaga iyo xubnaha kale ee ku weheliya socdaalkiisa, halkaas oo loogu sameeyey marti-qaad dadka deegaanku ku qaabileen, waxaana la filayaa inuu magaalada Buuhoodle kaga daba-tago Saaxiibkii Indho-sheel oo ay ka soo wada-firxadeen magaalada Taleex ee gobolka Sool ka hor intii aanay gaadhin magaalada Saaxdheer.

Ciidamada Qaranka oo laba todobaad ka hor gacanta ku dhigay degmada Taleex, ayaa la sheegay inay maalinimadii Khamiista ee todobaadkii hore ka soo baxeen magaaladas, ka dib markii kulan dhexmaray Wasiirro Xukuumadda ka tirsan iyo Madax-dhaqameedka Deegaanku si wada-jir ah u qarameeyeen 150 malleeshiyo-beeleed deegaanka ah oo ka mid noqday Milatariga Somaliland, kuwaas oo ciidamada Qaranka ee hore ugu sugnaa kala wareegay gacan-ku-haynta amniga iyo kala-dambaynta magaaladaas.

Ciidamada Qaranku waxa ay dib ugu soo ruqaansadeen fadhiisimo ay ku leeyihiin magaalada Xuddun oo 106 KM dhinaca Woqooyi-Galbeed kaga beegan degmada Taleex oo ay ka wada-tirsan yihiin gobolka Sool.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories