HomeProf Cali Khaliif Galaydh oo ku geeriyooday magaalada Jigjiga

Prof Cali Khaliif Galaydh oo ku geeriyooday magaalada Jigjiga

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Jigjiga (SLpost)- Allah ha u naxariistee waxa maanta magaalada Jigjiga ee Ismaamulka Soomaalida Ethiopia ku geeriyooday Prof Cali Khaliif Galeydh oo dhowrkii toddobaad ee u dambeeyey ku sugnaa magaaladaas.

Prof Galeydh ayaa la sheegay inuu u geeriyooday xannuun u jiifay labadii maalmood ee u dambeeyey. Marxuumka ayaa geeriyooday isagoo da’diisu ahayd 78-jir.

blankSiyaasi Galeydh, ayaa dhowr maalmood ka hor bixiyey waraysi dhinacyo kala duwan uu kaga hadlay oo uu siiyey Telefishan xaruntiisu tahay magaalada Jigjiga.

Cali Khaliif Galaydh ayaa hore usoo noqday Raysal-wasaarihii ugu horreeyey ee Soomaaliya xilligii uu madaxweynaha ahaa Cabdiqaasim Salaad Xasan oo sannadkii 2000 lagu soo doortay shirkii dib-u heshiisiinta ee magaalada Carta ee dalka Jabuuti.

Prof Galeydh ayaa sidoo kale noqday hoggaamiyaha maamulka Khaatumo oo markii dambe heshiis la gaadhay xukuumada Somaliland oo wada-hadallo u socdeen.

Marxuumka ayaa sida uu hore u sheegay markii dambe gudaha Somaliland ka bilaabay wax uu ku tilmaamay dabliiqi siyaasadeed oo uu ku doonayey in dib loo furo dastuurka Somaliland si wax looga beddelo saami-qaybsiga Gobolka Bariga dalka.

TAARIIKH NOLOLEEDKII MARXUUM CALI KHALIIF GALEYDH

Prof Cali Khaliif Galaydh waxa uu ku dhashay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool 15 October, 1941-kii, halkaas oo uu ku soo qaatay qaybihiisii hore ee noloshiisa dhalinyarnimo iyo waxbarashada aasaasiga ah.

Waxbarashadii dugsiga Sare waxa uu ku dhammeystay degmada Sheekh ee gobolka Saaxil sanadkii 1962-kii. Heerka aqoonta maaddiga ah waxa uu qeybo ka mid ah ku soo qaatay jaamacado dibadda ah ilaa uu ka dhammaystay waxbarashada heerka Shahaadada PHD. 1967-kii ilaa 1969-kii wuxuu shahaadada heerka labaad ku qaatay Jaamacadda Syracuse ee magaalada New York ee dalka Maraykanka.

blankDhowr sanno kaddib markii ay Soomaaliya xorriyadda qaadatay ayuu si weyn uga soo dhex muuqday saaxada siyaasadda, isagoo noqday Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya intii u dhaxeysay 1965-kii ilaa 1967-kii.

Intii u dhaxaysay 1980-kii ilaa 1982-kii wuxuu noqday Wasiirkii Warshadaha ee dowladdii Kacaanka.

Ka hor inta aan loo magacaabin xilka Raysal-Wasaaraha Soomaaliya sannadkii 2000, wuxuu noqday xildhibaan ka tirsan baarlamaankii lagu yagleelay shirkii Carta.

20-kii bishii August ee sanadkii 2012-kii, Cali Khaliif wuxuu ka mid ahaa xildhibaannadii loo doortay baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo uu ilaa hadda ka mid ahaa ka hor geeridiisa.

Sannadkii 2014-kii Cali Khaliif waxaa loo doortay madaxweynaha maamulkii la magac baxay Khaatumo.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories