HomeProf Cabdisalaan Yaasiin Oo Qaadacay Guddida Loo Xil Saaray Xalka Khilafaadka Doorashooyinka

Prof Cabdisalaan Yaasiin Oo Qaadacay Guddida Loo Xil Saaray Xalka Khilafaadka Doorashooyinka

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargeysa (SL.Post) Prof Cabdisalaan Yaasiin Maxamed oo ka mid ah masuuliyiinta Madasha Wada-tashiga ayaa ka hadlay qabsoomida Doorashooyinka, waxaanu sheegay in sabab keenaysa dib u dhaca Doorashooyinku aanay ilaa hadda jirin, waxaanu ku taliyey in Doorashooyinka wakhtigoodii lagu qabto, oo aanay ka dib dhicin.

 

musharrax-cabdisalaan-yaasiin-216x160

 

 

Prof Cabdisalaan Yaasiin Maxamed oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in Golaha Wakiiladu ay dayaceen waajibkoodii ahaa inay sameeyaan xeerkii lagu soo dooran lahaa Golihii bedeli lahaa, waxa kale oo uu ka hadlay Guddida loo sameeyey xalinta khilaafka ka dhalan kara Doorashooyinka waxaanu yidhi “In Doorashada la qabtaa wey fiican tahay, oo xiligeedii lagu qabtaa, oo waa lagu heshiiyey in Doorashada la qabto, waana inay Doorashadu u dhacdaa si xor iyo xalaal ah,haddii ay sidaas u dhacdana lagu murmi maayo, oo Doorashadii hore ee dhacday ee la doortay Axmed Siillaanyo laguma murmin, Doorashadii ka horeeysay ee 80-cod lagu kala helay muran yar baa ka dhacay balse markiiba wey dhammaatay, waxaana muhiim ah in Doorashadu qabsoonto oo dadku dareemo in aan lagu muran”.

 

Prof: Cabdisalaan Yaasiin mar uu ka hadlaayey Doorashooyinka iyo doorka ay ku leeyihiin Beesha Caalamku ayaa yidhi “Waxaynu qabsan karno in Beel Caalamka ayidno oo ay marag inoo noqdaan maaha, Beesha Caalamku xooga lacag ah ayey  bixiyaan, lacagtaasna haddii ay dawladdani dadaalayso oo lacagaha aynu waxyaabo kale aynu ku bixinayno ayaa inagaga filan, Beesha Caalamku marag bay leedahay, in Doorashada marag ka noqotana wey wanaagsan tahay”.

 

Prof Cabdisalaan Yaasiin mar uu ka hadlaayey Guddidan loo magacaabay inay ka hortaagan khilaafka ka dhalan kara Doorashooyinka ayaa yidhi “Waxaynu leenahay Komishan Doorasho oo ilaalinaya Doorashadii, oo waa Komishan madax banaan, waxaynu leenahay Guddi Anshax oo Xisbiyada oo dhami isku raaceen, waxaynu leenahay Maxkamad Dastuuriya oo haddii muran yimaado  ay tahay in muranka Dastuurka waafajiso, oo waa kuwaa imikaba Xisbiyadu isla tagayaan,Doorashada qabsoomideeda iyo qaabka ay u dhacayso Komishanka ayaa ka masuul ah, marka lagu dhawaaqayo Komishanka ayaa ka masuul ah, dhinaca Amaanka iyo Nabadgalyadana Xukuumadda ayaa ka masuul ah, haddii muran yimaadana Maxkamad Dastuuriya ayaa jirta ee sababta Guddidan loo magacaabayo ayaan garan la ahay, mana garanayo waxa looga baahan yahay Guddidan iyadoo Maxkamad Dastuuriyi jirto”

 

Prof Cabdisalaan Yaasiin ayaa mar uu ka hadlaayey arinta Saami-qaybsiga ayaa yidhi “Saami-qaybsigu markii horeba wuxuu u yaalay Barlamaanka, wakhtigii Rayaale, haddii aan qaanun la ahayn oo Rayaale xalkaas keenay in 2005-tii ilaa maanta in qanuun lagu dooran lahaa Golahan Golihii bedeli lahaa ayey ahayd, in la sameeyn kari waayo qanuunkii lagu dooran lahaa Barlamaanka  fashilaadeeda cid kale ma leh ee Barlamaanka ayaa leh, mana ahayn inay Madaxweynaha u gudbiyaan oo ay yidhaahdan soo samee qanuunkii saami qaybsiga, waxaana qabaa haddii arintan daacad laga yahay may qaadateen todoba cisho laakiin Barlamaankani ma doonayo inuu tago oo meesha waxa lagu bartay in Mushahar lagu qaato, oo sannadkii 12aad ayey Mushahar qaadanayaan Guurtiduna 20-sanno ayey mushahar qaadanayaan, oo qofku isaga oo aan shaqo qabanayn haddii uu mushahar qaadanayo ma doonayo inuu ka tago, balse waxa jira kuwii iyagu doonayey inay bedelaan, oo haddii ay Xisbiyadu isa soo tageen inuu Madaxweynuhu go’aan ka soo gaadho saami qaybsiga sidii Rayaale waxay ila tahay inay caqbali doonaan go’aanka uu ka soo gaadho, walibana waxay yidhaahdeen waanu ka baqanay haddii aanu Xisbiyadii nahay, Faysal Cali Waraabena waa kii yidhi xal maanu waayin ee xiniyo ayaanu weynay,Madaxweynuhu sida uu yeelo ayeynu eegi doono, waxaana soo jeedin lahaa in labada Doorasho mar la wada qabto oo Madaxweynuhuna ka dhaadhiciyo dadka ka cabanaya saami qaybsiga in arinka saami qaybsigu u yaalo Barlamaanka cusub”

 

 

Somalilandpost.Hargeysa

 

 

 

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories