HomeProf. Cabdisalaam Yaasiin oo Madaxweynaha ku bogaadiyey Mawqifkiisa Shirka London, talooyin dhaxal-gal...

Prof. Cabdisalaam Yaasiin oo Madaxweynaha ku bogaadiyey Mawqifkiisa Shirka London, talooyin dhaxal-gal ahna u jeediyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
Cabdisalaan Yaasiin
Cabdisalaan Yaasiin

Hargeysa (SLpost)- Prof Cabdisalaam Yaasiin oo ka mid ah aqoonyahannada Somaliland, ayaa ku taageeray madaxweynaha go’aanka uu ku shaaciyey inaanay xukuumaddiisa ka qayb-geli doonin Shirka Soomaalida ee badhtamaha sannadkan ka qabsoomaya magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Prof Cabdisalaam Yaasiin waxa uu dhan kale talooyin dhaxal-gal u jeediyey madaxweynaha iyo xukuumaddiiisa, isaga oo ku booriyey inay dalka iyo dadka ku hagaan siyaasad aqoon iyo deggenaansho wadata, kana tarjumaysa rabitaanka Shacabka.

Qoraal uu warbaahinta soo gaadhsiiyey, ayaa u dhignaa sidan: “Maalinta Jimcaha, 15kii Maaris, markii uu Madaxweynaheenna iyo wefdigii la socday ka soo laabteen dalka Turkiga ee ay ka soo degeen Madaarka Hargeisa, warkii uu siiyay Madaxweynuhu warbaahinta wuxu ku cadeeyay inaanay Somaliland ka qay gelayn shirka May London lagu qabanayo. Shirkaas oo loo qabanyo Somalia. Somaliland ay tahay dal madaxbanaan oo maamulkiisa iyo taladiisa u madaxbanaan.

Anoo ah daljire Somaliland ah, hadalkaasi cad ee badheedhaha ah, waan ku taageerayaa Maaxweynaha iyo xukuumadiisa. Hase yeeshee, waxan warbaahinta u marinayaa talo ah inay arrintaas  ahaato DHAABAD aan marnaba laga dhaqaaqin.

Xukuumadan siyaasadii xukuumadii hore, ee ahayd inaan Somalia lala hadlin ilaa ay degto; haddii lala hadlayona, waxa laga wada hadlaa ay noqoto sidii laysu aqoonsan lahaa loona wada shaqayn lahaa, way bedeshay. Waxay ku bedeshay in la wada hadlo; iyada oo xukuumadani ku doodaysa in uu jidkaasi yahay kii isaqoonsiga iyo wada shaqaynta lagu heli lahaa.

Hase yeeshee, sanad ka dib, waxa cadaatay inaanay siyaasadii wada hadalku shaqaynin. Faro madhan Somaliland ka taagantahay. Sidee darteed, haddii ay xukuumadeeni garawsatay wada hadaladii loogu yeedahay inaan Somaliland dani ugu jirin, waay inay garawsigaa ku adkaysato. Halkaan aanay mar kale ka dhaqaaqin. Yaanay naanaystii idin raacin ahayd, “Wadaadow alaf wax buu leeyahay; iyo wax ma laha; labadaba adaa lagaa hayaa.”

Dadkan iyo dalkan aad u talisaan maanta, waxay soo maray taariikh iyo “xasuus wadareed” xanuun badan. Nabardiina waa qoyanyihiin; weli waa damqanyaan. Waa in miyir iyo aqoon lagu hogaamiyaa.

Dhihamasho iyo burbur ka dib, dawladdii ay dhisteen iyo xukuumaddii ay doorteen, oo raggii dalkan xoreeyay qaar ka mid ahi hogaaminayaan, oo u dhow, oo dhawaaqooda maqlaysa, ayay dhaliilayaan oo saluugsanyihiin. Tirsanayaanna inay baylihsay oo aanay dantooda iyo dantan guud wadin; ee ay dan gaar ah ku foogantahay. Haddii dal kale iyo dad kale la dhex dhigo, sidii dacday lixdankii, oo gobanimadii la tuuro, oo dawladnimaddii la waayo, sidii noqonayaan?

Su’aashaa jawaabteedu waa, ‘Waa soddon sanadood oo laga dhaxlay xasuus wadareed ah: dawlad la’aan, darxumo iyo dil.’ Waa inagu filantahay maamaahdu, ‘Mar I dage Alle ha dago; laba jeer I degena aanaa isdagaay. Yaynaan mar kale dagin dadkeenna iyo dalkeenna.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories