HomeProf Axmed Ismaaciil Samatar oo Sheegay in Qabyaaladdu ay Muftaax u Noqotay...

Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo Sheegay in Qabyaaladdu ay Muftaax u Noqotay Siyaasadda Somaliland

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa(SLpost)-Prof Axmed Ismaaciil Samatar ayaa ka hadlay  tartankii xisbiga kulmiye,isagoo sheegay inuu  warwar wayn ka hayo ka hadal la’aanta arrimaha waawayn ee Somaliland, waxaanu sheegay in Somaliland qabyaaladdu xoog waynaatay.

“Haddii ay doorasho dhacdo, iyadoo aannay dagaal iyo cadho dhicin, waa wax khayr ah, dimuqraadiyadda iyo dagaalku way kala fogyihiin, in inta afka laga doodo hadan cod lagu kala baxo, laakin waxa ka hooseeya dheecaan badan kuwaasi oo sababi kara naafo” ayuu yidhi Prof Samatar.

Waxaanu sheegay in madaxwaynaha looga baahan yahay inuu bulshada isku hayo oo uu wadda hoggaamiyo.

“Madaxwaynuhu waa inuu garto inuu umadda oo dhan madax u yahay oo aanu xisbi ku koobnayn,markaa xisbiga iyo maamulkisa lagu xidho labada su’aalood ee waddan kasta horyaala,oo ah waddanka maxaa u dan ah? Halkee taagan yahay waddanku? Yaa halkan ka dhaaqaajin kara, Danta xisbiga danta qaranka ayaa ka wayn,haddii xisbigii kulmiye ka baxaan dad magaca ku leh oo maroodiyaashiisii ah warwar wayn ayay keenaysaa oo xisbigii hoosta ka dhaawacan yahay, xisbiguba inuu burburo way suurto gali kartaa”Prof Axmed Samatar.

Prof Axmed ismaaciil Samatar waxa uu sheegay in siyaasadii Somaliland isku rogtay mid qabyaaladeed,taasi oo dadkii kala fogaysay.

”Saddex sanadood baan somaliland ku noqnoqonayay; midda warwarka wayni iga hayaa waxa ay tahay inaanan arag saddexdaa sanadood cid ka hadlaysa ama ka doodaysa arimaha waawayn ee somaliland Maanta ku gudban; oo ay ugu horayso wadankii oo aad iyo aad, aad moodo in ay gudihiisa ku jirto Qabyaalad fool xun oo dadkii sii kala fogaynaysa oo siyaasidiiba muftaaxeedii ay noqotay qabyaalad uun laga sheekaysanayo; reer hebel baa halkan maray, reer hebel baa kan ah, reer hebel baan kan doonaya iyo reer hebel baa halkan ku shiray” ayuu yidhi Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo BBC-da la hadlay

Shirwaynihii xisbiga Kulmiye ayaa maanta lagu doortay murrashaxa madaxwayne iyo ku xigeen ee doorasahda 2017-ka oo ay u tartami doonaan Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Saylici.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories