HomePremier Bank oo soo gebo-gebeeyey Mashruuc Dhalinyarada Fekerkooda & Maskaxdooda lagu Dhuuqay...

Premier Bank oo soo gebo-gebeeyey Mashruuc Dhalinyarada Fekerkooda & Maskaxdooda lagu Dhuuqay iyo Qaabka loo maamulay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Baanka Premier Bank oo ka mid ah Bangiyada Madaxa-bannaan ee ka hawl-gala Somaliland, ayaa caawa soo geba-gebeeyay mawduuc loo bixiyay ‘Hal-abuurka Ganacsiga ee Ardayda Jaamacaddaha Somaliland’, kaasoo ay ka qaybgaleen Tobanaan dhalinyaro ah oo danaynayey barnaamijkaa.

blank

In ka badan 40 dhalinyarada Jaamacddaha dalka waxa ka qaybgalay tartankaa oo lagu bixinayay maalgelin dhan $ 10,000 (Toban kun oo dollar), lacagtaa oo ay sheegeen in la siinayo qofka ku guulaysta fekreda ganacsi ee ay ku qancaan dadka barnaamijkan daadihinayay.

 

blank

 

Barnaamijkan, ayaa u muuqday mid feker ahaan aad loo soo dhoweeyay, balse waxa markiiba ka dhashay doodo iyo su’aalo la xidhiidha sababta intaas oo dhalinyaro ah oo dabacan shaqo la’aanta ka taagan dalka iyo duruufaha dhaqaale loogaga faa’idaysanayo fekerkooda iyo maskaxahooda ee loo soo dhexdhigay dhalinyarada intaa leeg qadar lacag ah oo aan ka badnayn toban kun oo dollar.

blank

Waxayna dadka inta badan la socday barnaamijka ee dusha kala socday is weydiinayeen sababta marka horeba si furan loogu shaacin waayay tartanka Barnaamijka iyo shuruudaha lagu soo xulayay ka qaybgalayaasha oo aan cidna ka war qabin.

 

Sidoo kale waxa shaki iyo dareen dhalisay mudadii socday Barnaamijku oo ahayd xogtiisa looga dhigay mid qarsoodi ah oo aan daah-furnayn maadaama ay tahay tartan iyo sababta warbaahinta looga mamnucay, taas oo abuurtay shaki iyo dareen kale oo ay ka qabeen ka qaybgalayaasha iyo dad ka indhah ku hayay ku dhowaad saddex todobaad oo uu socday.

blank

Arrimaha kale ee lays weydiiyay, ayaa ahaa sababta ay uga badatay kharashka ku baxay qadarka lacagta yar ee la siinayo qofka guulaystay.

 

Labada dhalinyarada ah ee ku guulaystay maalgelinta $ 10,000 dollar,ayaa wadaagaya mashruuca maalgelinta qadarkaa lacageed, taas oo saluug weyn laga muujiyay markii lasoo gebagebeeyay munaasibada tartankaa oo caawa xaflad loogu qabtay magaalada hargeysa, balse waxa intii munaasibada lagu jiray soo baxday in barnaamijkan kusoo gebageboobay tuhun iyo wax isdaba marin in ay jiraan, iyadoo masraxa laga soo hadal qaaday in guulaystayaasha ay ka mid tahay gabadh, balse lama xaadirin magaca gabadhaa.

blank

LA SOCO Qormo taxane ah oo xambaarsan Baadhitaano la xidhiidha Barmaamijkaa oo u muuqday mid dhalinyarada shaqo la’aanta iyo dhibaatooyinka dhaqaale ee haysta looga faa;idaystay maskaxahooda iyo ujeedad ka danbaysa xogo dheeraad ah iyo baadhitaano la sameeyay oo wax badan daaha ka faydaya.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories