HomePortugal: Madaxweyne Muuse Biixi oo Khudbad ka jeedin doona Shirweyne Caalami ah...

Portugal: Madaxweyne Muuse Biixi oo Khudbad ka jeedin doona Shirweyne Caalami ah oo Hoggaaminta Suubban iyo Xalka Khilaafaadka lagu falan-qeynayo

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Cascais (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagu marti-qaaday shirweyne Caalami ah oo ay ka qayb-galayaan hoggaamiyeyaasha adduunka qaarkood, kaas oo horaanta Sannadka soo socda ku qabsoomi doona magaalada Cascais ee dalka Portugal.

blankShirweynaha oo ah sannadle uu soo qaban-qaabiyey Golaha Horasis oo shaqadiisu qaban-qaabada shirweynahaal Caalami ah oo lagu gorfeeyo caqadaha ku gedaaman Hoggaaminta tolmoon ee dowladaha iyo shirkadaha ganacsi,  ayaa sannadkan lagu marti-qaaday madaxweyneyaal, Raysal-wasaareyaal iyo wasiirrada dalalka caalamka qaarkood, kuwaas oo khudbado la xidhiidha dhinaca hoggaaminta iyo maamulka ka jeedin doona shirweynaha sannadkan, waxaana madaxda sannadkan la soo marti-qaaday ka mid ah madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi

Shirweynaha Horasis oo sannadkan Hal-ku-dheg looga dhigay,  “Is-dul-taagista hoggaaminta go’aan-qaadashada leh xilliga Carqaladuhu jiraan”, waxa ka qayb-gali doona in ka badan 1000 hoggaamiyeyaasha caalamka oo la soo xushay, kuwaas oo ay ku jiraan dhowr ka mid ah madaxa dowladaha caalamka iyo Wasiirro muhiim ah, sida lagu sheegay war-murtiyeed ay soo saareen guddiga qaban-qaabada ee shirweynahan oo Somalilandpost.net soo xigatay.

Shir-sannadeedka Horasis oo socon doona 28-ka ilaa 31-ka bisha March ee 2020-ka, waxa shir-guddoomin doona madaxweynihii hore ee ururka Midowga Yurub José Manuel Barroso, iyadoo Madaxa dowladaha Caalamka ee lagu marti-qaaday inay khudbado ka jeediyaan shirkan ka mid yihiin Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi; Ra’iisal-wasaaraha waddanka Galbeedka Afrika ku yaalla ee Cape Verde, Mr. Ulisses Correia e Silva; Gabadha iska leh Dhaxaltooyada Boqortooyada Norway, Märtha Louise; Wasiirka Maalgeshiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha dalka Poland, Jerzy Kwiecinski iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga ee dalka Botswana, Unity Dow.

“Shirweynaha 2020 waxa uu qabsoomi doonaa xilli taariikhi ah oo ay adduunka soo food-saareen dagaallo aan joogsi lahayd iyo hoggaamintii toosnayd oo meesha ka sii baxaysa, Ergooyinka ka qayb-galaya shirka ayaa u muuqda inay ka hadli doonaan sida suurta-galka ah ee xal loogu helayo iyo inay soo jeediyaan dariiqa loo mari karo helista hoggaamin lagu waaro oo heerar caalami iyo mid deegaanba isugu jirta,” Sidaas ayaa lagu sheegay war-murtiyeedka oo intaas ku daray in su’aashi kali ah ee shirweynahani ka jawaabi doonaa tahay, Maxay kugu qaadan kartaa inaad noqoto hoggaamiye masuuliyad iyo Saamayn ku dhex leh Siyaasadda, Ganacsiga iyo Bulshada dhexdeeda?

Golaha Horasis, ayaa sannad kasta qaban-qaabiya madal ay ku kulmaan ama shirweyneyaal lagu marti-qaado hoggaamiyeyaasha dowladaha, shirkadaha ka dhisan dalalka kobacooda dhaqaale soo korayo ee caalamka si loogu falan-qeeyo mowduucyo kala duwan oo loo aqoonsaday inay muhiimad gaar ah leeyihiin sidii loo dhiirri-gelin lahaa kor-u-qaadistooda, waxaana madasha lagu soo marti-qaadaa oo khudbado ka jeediya shaqsiyaad iyo hoggaamiyeyaal loo arkay inay ka midho-dhaliyeen ama guul ka gaadheen, sida hoggaaminta, nabadda, Arrimaha haweenka iyo qodobbo kale.

Somalilandpost.net
somalilandpost@live.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories