HomePope Benedict XVI oo noqday Baadarigii Ugu Horeeyey ee xilka Iska Casila...

Pope Benedict XVI oo noqday Baadarigii Ugu Horeeyey ee xilka Iska Casila Mudo 600 sanno ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

VATICAN CITY (SLpost) – Hogaamiyaha ugu sareeyey diinta masiixiga Mahdabka kaatoliga ah ee Pope Benedict XVI ayaa Isniintii shallay si lama filaan ah ugu dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayay kaniisada Vetican-ka .

Benedict XVI oo da’diisu 85 jir tahay , ayaa is casilaadiisan ku sababeeyey is-dhimid xaga caafimaadka mid  jidh ahaan iyo mid maskaxeedba taas oo uu sheegay inaanay  u suuro gallinayn inuu sii wato gudashada waajibaadkii saarnaa “Tamar daro xaga adkaysiga ah oo ay sababtay da’dayda sii weynaanaysa ayaan suuro gal ka dhigayn inaan sii guto xilkii aan ka hayay xarunta,” ayaa kamid ahayd qoraalkii uu soo saaray hogaamiye diimeedku.

Pope Benedict XVI (MIDIG)
Pope Benedict XVI (MIDIG)

Dadka aaminsan diinta uu wadaadkani madaxda ka yahay oo tiradooda lagu qiyaaso inay kor u dhaafayaan hal bilyan oo qof, ayuu amakaag ku noqday dhawaaqa baadarigoodu, kuwaas oo fallanqayn ay ku sameeyeen ay usoo baxday in Fadeexado musuq oo hadheeyey kiniisada sanadihii ugu dambeeyey oo ahaa mudadii uu xilka hayay duqani ay qayb ka yihiin ka tagista shaqada ee Benedict.

Af-hayeenka kiniisada looga arimiyo Kaatoliyiinta dunida , Federico Lombardi, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in lagu qasbay baadarigu inuu xilka ka dego. “Wadaadku isaga goostay inuu is casilo kadib markuu qiimeeyey awoodiisa jidheed iyo maskaxeedba , isaga qoraalka akhriyey , kiniisaduna wey xussuusnaan doontaa dedaalkii mudadii uu xilka hayay.” Ayuu Lombardi ku yidhi shir jaraaid oo uu qabtay kadib markii warka Is-casilaada Baadarigu soo baxay.

Xil katagista wadaadkan ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee uu baadari isaga casilo xilkan  mudo 600 oo sanadood ah.

Pope Benedict XVI ayaa jagadan loo cimaamaday  isagoo da’diisu markaas ahayd 78 jir sanadii 2005, kadib markii uu geeriyooday wadaadkii isaga ka horeeyey ee Pope  John Pual II.

Wadaadada kiniisada maamulkeeda kujira ama wasiirada ka ah (Cardinals) oo tiradoodu tahay 118 xubnood , ayaa 67 kamid ah loo xulay inay soo go’aamiyeen baadarigii ku fadhiisan lahaa kursiga ugu sareeya Kiniisada Vetican , kuwaas oo qofkii buuxin lahaa keeni doona maalinta uu shaaciyey Benedict inuu xilka wareejinayo oo ah 28 ka bishan aynu ku jirno ee February.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories