HomePARKING:Dhulka sow Anigu Ma Lihi! – W/Q: Ceelaabe

PARKING:Dhulka sow Anigu Ma Lihi! – W/Q: Ceelaabe

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Dhulkaa inagu Yar,Wadooyinkaa Cidhiidhi ah,Baabuurtuna wey inagu soo badaneysaa.Dedaalka Wado sameynta iyo Dhagax dhigiduna Dhinac Ayuu ka socdaa.Caro kaawada iyo Daamurka durba Daadku qaadayaana Waa mid meelo badan lagu Shubaayo.Waxkasta oo la hayaana waa Nimco mar haddii shalay aaney Jirin.Baabuurta Joogta wadanka sida kuwa socda ama Macradka soo Yaaalana Weli Wadooyinkii ay ku kala baahi lahaayeen Ayaan wada Dhisneyn,Gacan kastaana waxa ay rabtaa wakhtigan in ay baabuur Kaxeyso.

Baabuurta la Dhigo ama lagaga tago Meel Khaldan ama aan Habooneyn Ayaa Dad badan ka cadheysiiya.Wadooyinka oo markii horeba inagu Yaraa Ayaa haddana waxa lagu soo Xidhey Meherado wadada ku Jira iyo baabuur rabta in ay wadada iska dhex istaagto ama lagaga tago intaba.Jidka oo markii hore Yaraa Ayaa Meherad iyo baabuur ka soo Horeeyaana sii yareeyeen.Waa loo baahan yahay gaadhi gaar ahaan qof kasta oo Shaqeeya laakiin meeshii la dhigi lahaa Ayaa dad badan ku ah culeys joogto ah.

Jidad buuxa,Saxmad,Wadooyin aan Dhisneyn oo burbursan,Ganaaxa Dadka sharciga wado marista jabiya oo aan Jirin,Dadka baabuurta iska fuulaya oo soo badanaya,Magalaada oo noqoneysa mid dad badani ku soo qulqulaayo,Shilalka,Taraafiig xumo Jirta,Dulqaadka dadka Jidka maraya shicib iyo Darawalba,Dadka baabuurta wada oo aan laheyn Aqoon Jid maris ay ku wada socdaan,Barxado baabuurta la dhigto oo lacag lagu dhigo oo aan Jirin,Dhismaha ama Qorshaha Magaalada lagu dhiso oo aaney ka muuqanin Fikir la xidhiidha sida loo heli karo Jidad qaada baabuurtan iwm Ayaa si weyn u muuqda loona arkayaa.

Baabuur la dhigo meelo khaldan,lagu sheekeysanaayo,lagaga tagaayo,weliba Askariga caayaya,Darawalnimo isku buuq ah oo aad kala kulmeyso Cay iyo Hadalo markasta Kulul,Tagaasida yar yar ee Wakhtigan oo meherado badan la soo hordhigo,Dhismayaasha ganacsiga oo ku soo badanaya magaalada oo qaarkood aan laheyn Barxad baabuurta la soo dhigo wadadana ku Jira ayaa Dhinaca kale laga hadlayaa.

Waxaan In badan Arkey Madax wadooyinka meelo khaldan baabuurtooda kaga taga.Jidka madaxtooyada waxa haad dhan xidhey Baabuurta barlamaanka ama guuritda oo la raaciyo afaafka hore ee guryaha labada gole,Baabuurtaasi waxa ay Yareeyaan Baaxada labada haad ee wadada cid leh ha laga qaadana arki Meysid.Madaxda Qaarkodna marka ay Jidka marayaan sida Madaxweynaha waxa la xidhaa Jidad badan oo sababa Saxmad iyo Cidhiidhi aan kala socon saacado badan.

wuxuu ii sheegay in Maalin dhaweyd isaga oo  dan u lahaa Xawaalada Lacagta ee  Dahabshiil  Markii uu ku leexday Halkaasi uu la hadlay Taraafiig meesha taagnaa,Taraafiigu wuxuu u sheegay Darawalkaasi baabuurka waday oo aanu saaxiib nahay in aanu halkan dhigin baabuurkiisa isla markaasina meel sax ah la doonto,si wadadu aaney isku xidhin oo ay Mamnuuc tahay in halkan oo kale la dhigo,Markii uu amarkii ka qaatey ee uu hore uga socdey Halkii hore Ayaa waxa soo galay soona istaagey meeshii baabuur uu saaran yahay Nin siyaasi ahi,Taaraafiigii Ayaa gartey ninkii siyaasiga ahaa,Wuxuuna u ogolaadey in uu istaago halkii uu markii hore ka kaxeeyey ninka muwaadinka ah isaga oo uga dhigaaya in ay tahay meel aan baaburta la dhigin,Sharciga qaban waayey madaxda ee wado Jebinta ama sharci jebinta ah Muwaadinkana lagu qaadaayo Ayaan garan waayey.Taraafiig Qoorta kula Jira baabuurta uu garanaayo kana Raadinaaya Shaah iyo shaxaad Ayaana sharciga wadooyinka gacanta ku heysta.Badanaa madax wadankeena ah oo wadooyinka si khaldan u soo gala,baabuurtoodana meelo khaldan dhiga,Dadkana wadooynka ka xidha,Askartuna ay wax kasta u jebiso.

Sheekadan danbe waxa isku dhacaya Ninkii muwaadinka ahaa iyo Taraafiigii ka dhaqaajiyey meesha haddana ninka Siyaasiga ah u ogolaadey in uu dhigto baabuurka.Meeshii uu markii hore taraafiigu yidhi waa Sharci daro in la dhigo baabuur Ayuu u ogolaadey in uu dhigto Ninka Siyaasiga ah ee uu garanaayo ama  Dawlada ku Jira oo Laba kun oo Shilin mararka qaar u tuuraya.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories