HomePARIS: Tiro ku dhow 100 qof oo ku naf-waayey Weerarro Caawa gilgilay...

PARIS: Tiro ku dhow 100 qof oo ku naf-waayey Weerarro Caawa gilgilay Caasimadda Faransiiska

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Paris (SLpost)- Weerarro Is-daba-jooga ah oo lagu tilmaamay inay soo maleegeen kooxo Xag-jir ah, ayaa caawa Saqdii Dhexe gil-gilay magaalada Paris ee caasimadda Faransiiska, waxaana inta la ogyahay weerarrada ku naf-waayey ilaa 60 Qof, sida sheegeen saraakiisha ammaanka ee dalkaas.

Medical staff stand by victims in a Paris restaurant, Friday, Nov. 13, 2015. Two police officials say at least 11 people have been killed in shootouts and other violence around Paris. Police have reported shootouts in at least two restaurants in Paris. At least two explosions have been heard near the Stade de France stadium, and French media is reporting of a hostage-taking in the capital. (AP Photo/Thibault Camus)

11 ka mid ah dadkan ayaa lagu dilay Meherad laga cunteeyo, halka 15 kale ay ku dhinteen goob lagu caweeyo oo xafladi ka socotay, halkaas oo la sheegay in kooxo argagixiso ah af-duub ugu haysataan 100 qof oo kale. Sida ay sheegayaan wararka ay faafiyeen wakaaladaha wararka qaarkood, ilaa lix nin oo hubaysan ayaa gudaha ugu jira Goobta xafladdu ka socotay ee dadka afduubka loogu haysto, balse ma jiraan warar faahfaahsan oo ka soo baxay hay’adaha amaanka.

parisSida aanu ka soo xigannay wakaaladda Wararka ee AFP, laba qarax oo waaweyn ayaa laga maqlay barxadda hore ee garoonka kubadda Cagta Stade de France oo ay ka socotay Ciyaar dhexmaraysay Xulalka dalalka Faransiiska iyo Jarmalka, taas oo ku soo beegantay xilli ay ciyaartu dhammaatay oo ciyaartoygu ka sii baxeen garoonka, xilligaas oo ay ku soo beegmeen labada qarax ee bannaanka garoonka laga maqlay.

Wararku waxa ay intaas ku dareen in kooxaha lagu eedeeyey inay fuliyeen qaraxyadani ay magaalada Paris ka geysteen Lix weerar oo qorshaysan caawa, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ammaanka ee magaalada Paris. Madaxweynaha Faransiiska, ayaa kulan deg-deg ah isugu yeedhay golihiisa wasiiradda kaddib weerarran ka dhacay caasimadda dalkaas caawa.

Madaxweynaha Faransiiska  iyo Wasiirkiisa Arrimaha Gudaha ayaa la sheegay inuu ku jiray Garoonka Kubadda Cagta ee Ciyaartu ka socotay.

parissMadaxweynaha Faransiiska oo warbaahinta la hadlay, ayaa amray in la xidho dhammaan xuduudaha dalkaas inta ay socoto hawl-galka lagu baadhayo cidda weerrarada geysatay.

 

ciyaarta

la soco wixii warar ah ee ka soo kordha dhacdadan….

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories