HomeParis: Somaliland oo ka Qayb-gashay Shirweynaha Caalamiga ah ee Nabadda Adduunka

Paris: Somaliland oo ka Qayb-gashay Shirweynaha Caalamiga ah ee Nabadda Adduunka

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Paris (SLpost)- Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Faransiiska Danjire Cali Ismaaciil Xasan, ayaa ka qayb-galay shir caalami ah oo arrimaha Nabadda lagaga hadlay, kaas oo toddobaadkan ka dhacay magaalada Paris ee xarunta dalka France.

Shirkan oo noqonaya markii afraad, ayaa qabsoomay intii u dhaxaysay 11 ilaa 13-kii bishan November, waxaana ka qayb-galay 2,400 qof oo ka kala socday in ka badan 45 waddan iyo hay’ado caalami ah oo ay ku jiraan Baanka Adduunka, Hay’adda Lacagta dunida iyo hay’ado kale.

blankShirka oo lagu magacaabo Paris Peace Forum ayaa muddadii uu socday lagaga hadlay xaaladaha ka taagan dalalka Geeska Afrika, gaar ahaan waddamada Itoobiya iyo Sudan. Waxa sidoo kale lagaga hadlay xaaladaha nabadgelyo ee ka taagan dalalka Galbeedka Afrika.

Safiirka Somaliland u fadhiya magaaladda Paris Cali Ismaaciil Xasan oo shirka ka hadlay, ayaa ergooyinkii ka qayb-galay shirka warbixin ka siiyey xaaladda Nabadgelyo ee Somaliland, nidaamka Dimuqraadiyadeed iyo doorashooyinka ka qabsoomay.

Safiirka ayaa sidoo kale ka warbixiyey kaalinta dhaqaale, ganacsi iyo isu-socodka Somaliland ku leedahay gobolka Geeska Afrika, isaga oo wufuudiia shirkaas kasoo qayb gashay u sheegay in madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ugu baaqay in wada-xaajood lagu dhammeeyo khilaafka ka Geeska Afrika.

blankShirka Afraad ee Paris Peace Forum waxa ka qayb-galay qaar ka mid ah madaxda adduunka oo ay ka mid yihiin madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, waxaana goob-joog ka ahaa madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka Kamala Harris, Madaxweynaha Nayjeeriya Mahamadu Buhari, Ra’iisal-wasaaraha Bangladesh Sheekh Xasiina, kuwaas oo shirkaas ka jeediyey khudbado ku saabsan la-dagaalanka sinnaan la’aanta, wax ka-qabashada cimilada adduuka ee sii xumaanaysa, Xaaladda Xannuunka COVID-19 ee adduunka iyo Xuquuqda Aadamaha.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories