HomePakistan iyo India oo Muddo Badan Kadib Heshiis Hor-dhac ah Gaadhay

Pakistan iyo India oo Muddo Badan Kadib Heshiis Hor-dhac ah Gaadhay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Islamabad(SLpost) – Pakistan iyo India ayaa ku heshiiyey inay sii wadaan wadahadallo mug weyn oo lagaga hadlayo arrimaha ay labada dhinac isku hayaan, kaddib kala fogaansho jiray 7 sanno. Go’aanka ayaa waxaa Islamabad kaga dhawaaqay wasiirada arrimaha dibadda ee labada dal.

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa hormar ay sameeyeen labada dal ee deriska ah, isla markaana haysta hubka nukliyeerka ah, ayna colaaddi u dhexeysay muddada dheer.

War qoraal ah oo ay si wadajir ah usoo saareen labada dhinac ayaa lagu sheegay in ay ku heshiiyeen dib u bilaabida wadahadalada ku aaddan dhammaan arrimaha waaweyn ee ay isku hayaan, gaar ahaan muranka salka ku haya gobolka Kashmir iyo weerarrada argagixiso ee xuduudaha isaga gudba.

Wadahadaladii ugu dambeeyay ayaa burburay sanadkii 2008, kaddib markii mintidiin ka tallaabay Pakistan ay weerarro ka fuliyeen magaalada Mumbai ee India.

Warka qoraalka ah ayaa lagu sheegay in Pakistan ay India u xaqiijisay in ay dedejin doonto maxkamadeynta minditiinta lagu eedeeeyay in ay qorsheeyeen weerarradaasi.

Heshiiskan ayaa kusoo beegmaya todobaad kaddib markii ra’iisul wasaarayaasha labada dal, Narendra Modi iyo Nawaz Sharif, ay isku arkeen hareeraha shirka caalamiga ah ee looga hadlayo cimilada adduunka ee ka socda magaalada Paris.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories