HomePakistan: 54-jir 36 Carruur ah Dhalay oo Isu-diyaarinaya Guurka Xaaskiisii Afraad iyo...

Pakistan: 54-jir 36 Carruur ah Dhalay oo Isu-diyaarinaya Guurka Xaaskiisii Afraad iyo Xog-warran uu ka bixiyey Doodda ka Dhex-taagan Xaasaskiisa

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

54-jirkan oo lagu magacaabo Gulzar Khan waxa uu khaati ka taagan yahay bixinta kharashka Gaadiidka ay ku safraan qoyskiisa 100-ka Qof gaadhaya, taas oo ka hor-taagan inuu diyaariyo Lacagtii uu ka bixin lahaa Guurka Xaaskii Afraad oo uu baadi-doon ugu jiro.  – WARBIXIN – AFP

PAK (1)Gulzan Khan waxa uu ka mid yahay boqolaal Kun oo Qoys oo ka qaxay Gobolka Qabiilooyinku ay ku nool yihiin ee North Waziristan oo ku yaala Woqooyi-bariga dalka Pakistan, halkaas oo dagaallo ku dhex-marayaan Milatariga dalkaas iyo Kooxda Taliban.

Hawl-gallada Milatariga Pakistan ka fulinayaan gobolkaas, waxa ay sababtay inuu ka baxsado Guri 35 qol ka kooban oo ku yaala tuulada SHAWA ee gobolka North Waziristan oo ay ku wada-noolaayeen 100 xubnood oo Qoyskiisa ah oo ay ku jiraan Xaasaskiisa, Carruurtiisa iyo Carruur uu awow u yahay.

Wadaadkan 54-ka ahi waxa uu khaatiyaan ka joogaa bixinta kharashka gaadiidka ay ku guureen, taas oo meesha ka saartay lacag uu u qorsheeyey inuu ku guursado Xaas Afraad oo diyaar u ahayd inay ku biirto saddexdiisa xaas ee hore.

“Lacagtii aan keydsaday waxay ku baxday inaan qoyskayga u raaro Tuulada Bannu, waxaanan immika bilaabay inaan urursado lacag kale si aanu u aan u gaadho yoolkeyga,” ayuu yidhi Odaygan oo ka warbixiyey saamaynta dagaallada Taliban ku kala kiciyeen Qorshe uu ku doonayey inuu ku guursado Haweenay Afraad.
In kasta oo Diinta Islaamku u oggoshahay inuu yeesho Xaas Afraad, isaguna uu danaynayo in tafiirtiisu badato, haddana Mr Khan waxa uu ku sababeeyey guurka uu mar kale u holladay cadaadis kaga yimi xaasaskiisa oo u ku war-geliyey inaanay sii wadi karin dhalmada ubad kale.

“Waxaan qorshaynayey inaan yeesho Xaas Afraad maxaa yeelay xaasaskayga ayaa icuno qabateeyey iina sheegay in aanay doonayn inay dhalaan ubad kale.

Iima ogola inaan u dhawaado, laakiin rabitaankaygu waxa uu yahay inaany fuliyo damacayga,”ayuu yidhi Mr Khan.

Mr Khan waxa uu ahaa 17-jir markii loo guuriyey Inaadeer-tii Shawa oo 14-jir uu kula aqal-galay. Waxay ay Isku dhaleen Siddeed Hablood iyo Afar Wiil, laakiin Siddeed sanno ka dib, waxa uu haddana guursaday xaaskiisa labaad iyaga oo 17-jir ah.

PAK (2)“Kumaan qanacsanayn intaas waxaanan u baahday inaan ka sii badiyo – waxaan u jeedaa Jacaylak,” ayuu yidhi Khan oo wakhti uu ku sugnaa guri 17 qol ah oo ku yaala tuulada Bannu ugu warramayey wariiye ka tirsan wakaaladda wararka ee AFP.

Guurta saddexaad ee Mr Khan ayuu ku yimi ka dib markii uu dumaalay haweenay uu ka qabay walaalkii oo ku geeriyooday dagaal dhexmaray qabiilkiisa iyo beel kale, wakhtigaas oo ku beegnaa hal bil ka dib markii uu guursaday Xaaskiisa labaad.

Laba ka mid ah wiilashiisa ayaa taksiilayaal ka ah magaalada Dubai, kuwaas oo lacagta ay u diraan kaalin weyn kaga jirto nolol-maalmeedka Qoyska.

“Innamadaydu waxa ay bil walba ii soo diraan 500 Dollar oo aanu dhammaantayo kuwada tiirsanahay,” ayuu hadalkiisa raaciyey.

Khan waxa uu sheegay inaanu jirin wax muran ah oo dhexmara saddexiisa xaaska oo dhammaantood kuwada nool hal guri, laakiin waxa uu qiray inuu muddo dheer la soo halgamayey inuu kala saaro Carruurta iyo hooyada dhashay.

“Waxaan kuu sheegi karaa inuu yahay ama inay tahay carruurtayda, laakiin ma kala saari karo dhammaantood xaasaskayga ta hooyada u ah,” ayuu yidhi Mr Khan

Dalka Pakistan oo tirada Shacabka ku nool lagu qiyaaso 180 Milyan, waxa sannad kasta ku kordha boqolkiiba laba, sida ay shaacisay Hay’addaha UNPF oo qaramada Midoobay u qaabilsan tirakoobka.

Khubarada dhaqaalaha iyo deegaanka, ayaa ka digay in haddii wax laga beddeli waayo korodhka shacabka, in ay dhici karto in kheyraadka dalkaas, gaar ahaan biyuhu, ay ku filnaan waayaan Shacabka.

Haseyeeshee, wiilka uu dhalay Khan oo 14-jir ah, ayaan aaminsanayn baqdinta noocaas ah.

“Haddii Alle Qaddaro, waxaan guursan doonaa dhowr haween ah, waxaanan doonayaa inaan dhalo carruur ka badan inta aabahay dhalay,” ayuu yidhi wiilka uu dhalay Khan oo lagu magacaabo Ghufran.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories