HomeOromada Iyo Hab-Dhaqanka Xun Ee Bulshada Ay Ku Hayaan

Oromada Iyo Hab-Dhaqanka Xun Ee Bulshada Ay Ku Hayaan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Aan salaamo dhamaan akhristayaasha oo aan idhaahdo ramadaan karim, kuna soo dhaweeyo mid kamid ah qoraaladayda ku saabsan Habdhaqanka wanaagsan ee dadkeena, misana jaleeco dhib wakhtiyo badan kusoo noqnoqnayasa bulshadeena oo kusaabsan dad badan oo soo gelooti ah oo ku soo badanaaya wadankeena gaar ahaan caasimada Hargaysa, waad fahamaysaan dadka aan u jeedo sidaad ku aragtay cinwaanka waa dad inooga yimi itoobiyada aynu jaarka nahay ee xidhiidhka inaga dhexeeyaa yahay in ay ingu soo fasaxaan Dadkooda siiba kuwooda danyarta ah, aan afka ku balaadhiyo oo aan idhaahdo waa OROMADA.

HAMSELagasoo bilaabo soo geddo noqoshadii dalka, iyo faafidii nabadgelyada somaliland waxaa dalka sanadba sanadka ka dambeeya ku soo badanaayey in qoomiyada OROMO ee dalka itoobiya kusoo baddanayeen wadanka kuwaas oo iyaga oo raxan raxan ah uga soo gudbaaya xuduudaha dalku la leeyahay itoobiya, Hadaan astaamaha dadkan sheego waa kuwo koox-koox u socoda oo u badan dumar iyo caruur kuwaas oo leh astaamo laga naxo, waxaan kawadaa waxaa ka muuqda dushooda daal faro baddan, hugga ay sitaan maaha kuwo magaalo lugu joogo, nadaafadooda jidhka iyo dharkuba waa kuwo xaalada degdeg ah qofka arkaa ku qaadi lahaa oo cusbitaal iyo dhakhaatiir loola carari lahaa, dadka noocan ahi waa kuwo sanadadii ugu dambeeyey ku soo badanaayey caasimada dalka.

Haddaba su’aasha dadka shacabka ahi is weydiinayaan ayaa ah Dawlada itoobiya ma waxaan heshiis ku nahay In ay inugu soo dayso dadkeeda kuwa ugu liita? Laakiinse Maxay dawlada somaliland wax uga qaban weyday dadkan xuduudaha kasoo gelaaya? Xuduudihii somaliland ma waxay noqdeen kuwo iska furan oo cid kastaa kasoo gudubto?

“Wakhtigu waa subax aan saacada ku qiyaasay 6:30 subax nimo waxaan ku kalahaayey goobta aan ka shaqeeyo oo aan suuqa weyn ee magaalada hargesa sidaas uga fogayn, waxaan waddada ku soo maray kooxo dad itoobiyaan ah(Orom) oo aan tiradooda ku qiyaasay ilaa 15 qof dadkani waa dumar da’a ahaan aan ku qiyaasay tan ugu yar in ay tahay 40 jir, dhamaantood laba kamid ah moyaane waxay sitaan baco, iyo ullo ay ku tukubayaan, waxaa ka muuqata diif, tabcaan, iyo daal aad u faro baddan, laakiin se way sheekaysanayeen oo sidaan dareemay way faraxsanaayeen, waxaan is idhi malaha siday u sheekaysanayeen waxaad moodaa in ay dhaqaalaha waddanka u tashanayaan, is idhi way is qaybinayaan oo goobtaas ay marayaan bay ku kala dhaqaaqayaan si mid waliba suuqa dhinac ay ka gasho, Aniga oo tii layaaban ayaa waxaan soo gaadhay goobtii shaqada laakiin inyar ka hor waxaan arkay nin da’a ah oo dharka uu xidhanyahay aan sidaas u sii duug ahayn, misana intaanu ila haddal ka hor waxaan islahaa waa mid kamid ah odayaashii dalka, laakiin markii uu lacag i wayadiistay ayaan dareemay in uu yaha nin OROM ah oo kasoo jeeda itoobiya, Waxaan isku dayey in aan kawaraysto siday dadka oromad ahi u yimadaan somaliland iyo ujeedada safarkooda, sheekadii na dhex martayana waxay u dhacaday sida tan waxaan itoobiya kasoo racnaa baabuur, in kastoo ay jiraan dad lugta ku soo gala dalka, baabuurtaas waxaan baddanka iska dhignaa dad shaqo tag ah oo magaalooyinka xuduudka wax ka iibsanay, dawlad iyo ciidanka amaanka ee xuduuduhu wax su’aal ah nagama waydiiyaan ujeedada socodkayga iyo halka aanu tegayno, markay ugub baddantahay waa marka askari na eego, ujeedada aan hargaysa u nimi waa meel dhisan oo shaqooyin baddani kajiraan, waxaan kalahaa subaxa hore waxaan helaa wixii ilahay dadka igasiiyo, waxaan maraa meherad kasta oo suuqa ku taal,waxaan weydiiyey xadiga lacagta uu ka helo maalin socodkiisaas, kolba waxbaan ka helaa laakiin baddanka 150,000 slsh ah baan ka helaa,bal malee lacagtan uu ii sheegay waa mid qofka ka shaqeeya sharkadaha waaaweyn ee dalku aanu qaadan maalintii, waxaan weydiiyey sababta uu dalkiisii uga yimi Haa halkaasi waa dal la is cabudhinayo, oo waxba lanooma ogola dawlada ayaa maamusha,”Haddaba akhriste waad aragtaa in oromada dalka ku soo badanaysaa ay kaaga sheekaynayaa waxyaabo baddan oo dalkeena khalkhal gelin kar amaanka somaliland ku faantana dhaawici kara, waxaan ka fahamay hadaladii ninkaas oromka ah in ciidamada xuduudku eegaan oo keli ah nin wadaadka ah, oo ay ooga shikyaan argagixso laakiin aanay eegin dadkan kaladuwan ee oromada ah ee dalka soo gelaaya.

Waa maxay doorka dawlada ka saaran ilaalinta xuduudka dalka? Nabad gelyada somaliland ma in Nin wadaad ah oo argagiso ah misana khamiis gashan oo gadh dheer la eego miyaa? Ma jirtaa shuruuc ay leeyihiin dadka dalka soo gelaya ee dhinaca xuduudahu?

Su’aalahan oo ah kuwo looga baahanyahay in faaqidaad iyo baadhis qoto dheer lugu saleeyo si loogo jawaabo ayaa waxaan kaga hadli doonaa mawduuca kan xiga Haduu rabi idmo,

Laakiin dawladu miyaanay ogayn nadaafad darada iyo caafimaad darrada ay oromadu ku soo kordhisay caasimadii dalka? Hadii aad marto waddooyinka waaweyn ee dalka gergeradooda ama meelaha baaburta la dhigto waxaad ku arkaysaa boqolaal oromo caruur iyo dumar ah oo nadaafadii goobta ay fadhiyeen beddelay misan caruurta ay wataan ay ku saxaroonayaan waddooyinka dhinacaydiisa, Miyeeyna dadkeenu lahayn diir ka damqada dhaqan xumada OROMAD? Miyaanay dawladeenu lahayn shuruuc lugu hago dadkan?Sidaan ka warqabno bulsho kasta oo meel ku dhaqani waxay leeyihiin dad danyar ah(sabool ah) oo la nool dadkaas, bal malee muwaadin dadkeenii danyarta ahaa ee qaban jiray shaqooyinka hoose ee nolol maalimeedkooda kalasoo bixi jiray meesha ay ku dambeeyeen, waxaa shaqadii ay hayeen ka qaaday dad shaqo tag ah, waxaan xogogaal ah ahay in dadka suuqa ku ganacsada ee haysta meherada dhib wayn ku qabaan socodka baddan ee OROMADA, oo Meherad(xarun ganacsi) kasta oo caasimada ku taal waxaa bishii soo mar celcelis ahaan dad aan ku qiyaasay 500 qof taasin waxay sheegaysaa in maalin kasta in kabadan 15 qofi soo maraan, ogow oo 1% (boqolkiiba hal) dadkan kamid aha ayaa lagayabaa in ay yihiin dadkii waddanka u dhashay ee baahid haysay.

 

MAHADSANID

Hamse Bashe Muhumed

H.shaadhey

E-mail:Xamse18@gmail.com

Hargeisa Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories