HomeOrodyahanka reer Somaliland ee Maxamed Farah (Mo Farah) si diiran dalka loogu...

Orodyahanka reer Somaliland ee Maxamed Farah (Mo Farah) si diiran dalka loogu soo dhaweeyay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Berbera, (SLpost)- Orodyahanka caalamiga ah ee Maxamed Faarax (Mo Farah) ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay dalka, Madaarka Magaalada Berbera oo uu shalay ka soo degay, waxa ku soo dhaweeyay masuuliyiin sar sare oo ka tirsan xukuumadda, maamulka gobolka Saaxil, Golaha deegaanka ee Berbera, masuuliyiin tira badan, xildhibaano, aqoon yahano iyo dadweyne aad u tira badan, kuwaas oo sitay sawiradan ciyaar yahankan.

blankOrodyahankan oo safarkiisa ay ku wehelinayeen, xaaskiisa, gabadh yar oo uu dhalay iyo fanaanka Sir Maxamuud Cumar, waxa albaabka diyaarada ku qaabilay wasiirka wasaarada dhalinyarada, dhaqanka iyo ciyaaraha Somaliland Md. Cabdi Siciid Faahiye, waxaanu wasiirku sheegay in dalkiisi hooyo ay shacbi iyo dawladba gacmo furan ku soo dhawaynayaan.

Wasiirka dhaqanka, dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland waxa uu ka waramay qiimaha dhulka hooyo leeyahay waxaanu xusay in wasaarada dhalinyarada ciyaaraha iyo dhaqanku ay ku hawlan tahay sidii ay u soo saari lahayd ciyaar yahano sida Maxamed Faarax oo kale, noqda heer caalmi korna u qaada magaca iyo sumcada Somaliland.

blankWasiirku waxa uu muujiyay sida ay u rajaynayaan in Maxamed Faarax uu kala qayb qaato horumarinta dhaliyarada iyo ciyaaraha iyo kor u qaadida guud ahaan arrimaha ciyaaraha ee Somaliland.

Wasiirka duulista hawada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo isna erayo soo dhawayn u badan halkaa ka jeediyay ayaa sheegay sida shakhsiyaad sida Mo Farah oo kale ahii ay qayb uga qaadan karaan hirgalinta iyo ka midho dhalinta himilada shacabka Somaliland ee lagu doonayo sidii dalkani u heli lahaa madax banaani taam ah oo uu beesha caalamka kaga mid noqdo, sidoo kale waxa uu ku booriyay in Maxamed Faarax isagoo adeegsanaya sumcadiisa uu qayb ka noqdo sidii dalkan iyo qadiyadiisa dunida loo gaadhsiin lahaa, ugu danbayntiina waxa uu uga mahad naqay wadaniyadii iyo geesinimadii uu sameeyay ee uu calanka Somaliland kula soo baxay mar uu ka qayb galayay tartan orod caalami ah.

blankOrodyahanka Reer Somaliland isla markaana u safta dalka Ingiriiska Maxamed Faarax oo isna hadal kooban halkaa ka jeediyay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay, imaatinka dalkiisi hooyo, isla markaana uu aad uga mahad celinayo soo dhawaynta diiran ee lagu qaabilay, taas oo dareen gaar ah ku abuurtay, waxa kale oo uu sheegay sida uu diyaar ugu yahay inuu hiil iyo hooba la garab istaago dalkiisa hooyo.

Intaa ka dib waxa orodyahanka loo soo galbiyay dhinaca caasimadda dalka ee Hargeysa, oo dadweyne aad u tira badan iyo dhalinyaro u badan kuwa ciyaaraha kala duwan ee dalku ku sugayeen duleedka magaalada oo ay kaga hortageen halkaas oo mar kale si balaadhan loogu soo dhaweeyay.

Orodyahanka Maxamed Faarax waxa uu kaalinta koowaad ka galay tartankii orodka dheer ee Maratonka ee dhawaan lagu qabtay dalka Kuuriya, sidoo kale waxa uu kaalinta labaad ka galay tartankii orodka dheer ee Magaalada London lagu qabtay dhawaan. Waxa uu u saftaa dalka Ingriiska hasa yeeshee waxa uu dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland oo uu markii ugu horaysay yimi, tan iyo intii uu noqday orod yahanka caalamiga ah.

Somalilandpost News Desk

Kaafi20@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories