HomeOrod-yahanka Caanka Ah Ee Mo Farah Oo Soo Dhawayn Meeqaamkeedu Sareeyo Kala...

Orod-yahanka Caanka Ah Ee Mo Farah Oo Soo Dhawayn Meeqaamkeedu Sareeyo Kala Kulmay Maamulka iyo Dadwaynaha Reer Gabiley

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Gabiley, (SLpost)-Maamullada heer Gobol iyo heer Degmo ee Gobolka Gabiley iyo waliba Dadwayne aad u tiro badan ayaa maanta soo dhawayn meeqaamkeedu sarreeyo ku qaabiley Orod-yahanka caanka ah ee dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, una orda Dalka Ingiriiska ee Moi Farah, oo socdaal kooban oo Saacaado qaatay ku yimid Xarunta Gobolka Gabiley ee Gabiley.

blankOrod-yahankan oo soo gaadhay Magaalada Gabiley Galinkii hore ee maanta(Shalay), isaga oo ay wehelinayeen xubno ka tirsan Caa’iladiisa, iyo Qaraabadiisu, ayaa Dadwaynaha soo dhaweeyey kaga hor tageen Duleedka Bari ee Magaalada, halkaas oo ay qaybaha kala duwan ee Bulshadu isu hareero tubeen Jidka Laamida ah ee dhex marta min cidhifka bari ilaa gudaha Magaalada, Iyaga(Waftiga) oo ay galbinayaan ku dhawaad Kontameeyo noocyada kala duwan ee gaadiidka.

blankMoi Farah iyo Xubnaha wehelinayey oo abaaro 11:00am Barqanimo ee saaka(shalay) soo gaadhay Xarunta Dawlada/Hoose ee Gabiley ayaa Badhasaab ku xigeenka Gobolka Gabiley Cali Cabdi C/laahi iyo Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Gabiley Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis ku qaabileen Xafiiska Maayarka oo ay hadallo soo dhawayn iyo dhiiri-galin iskugu jira uga jeediyeen Orodyahanka Moi Farah iyo Martidii kale ee la socotayba.

Badhasaab ku xigeenka Gobolka Gabiley oo ugu horreyn halkaa ka hadlay ayaa si wayn ugu soo dhaweeyey Orodyahanka Moi Farah, in uu soo booqdo Deegaankiisii iyo Dalkiisaba,  Isaga(Badhasaabka) oo arrintaa ka hadlaya waxa uu yidhi:-“Aad iyo aad ayaan Orodyahanka Moi Farah ugu soo dhawaynayaa Gobolkiisa iyo Deegaankiisa, waxaanan leeyahay ku soo dhawow Dadkaagii. Waxa kale oo ii farxad ah in Maanta Annaga(Gabiley) oo qayb ka ah Tartamada Ciyaaraha Gobolada ee lanagu daray, kuna gudo jirna diyaar garawgeeda in Orod-yahanka Maxamed Faaraxna ku soo beegmay. Waxaanan ka codsanaynaa in uu qalbiga ku hayo Gobolkan iyo Isboortigiisa in uu sare u soo qaado oo wixii uu ka qaban karo uu ka qabto, haday tahay Garoomo, iyo haday tahay Tobobaroba”. Ayaa ka mid ahaa hadalladii Badhasaab-ku-xigeenka Gobolka Cali Cabdi C/laahi .

blankMaayarka Magaalada Gabiley Marwo Khadra Xaaji Gaydh oo Iyaduna munaasibadaa soo dhawaynta ah ka hadashay ayaa sheegtay in Magaalada ay ku nool yihiin Sideed kun oo Ubad ah oo naawilaya in ay mar uun gaadhaan martabada Moi Farah gaadhay oo kale, loogana baahan yahay Orodyahanka Moi Farah in uu gacan qabto, Iyada oo arrintaa ka hadlaysa waxay tidhi:-“Orod-yahanka Moi Farah waxaan la socodsiinayaa in ay Magaalada ku nool yihiin Sideed kun oo Orodyahan oo niyada ku haya in ay mar uun gaadhaan heerka Maxamed Faarax gaadhay, markaa waxaanu ku dhiiri-galinaynaa Orodyahankani in uu gacan ka gaysto sidii uu wax ula qaban lahaa Sideedaa kun ee dhalinyarada ah ee hiigsanaya Isaga(Orodyahanka), waxanan u soo jeedinayaa in uu wax la qabto”. Ayay tidhi Marwo Khadra Xaaji Gaydh.

Waxa kale oo Isaguna munaasibadaa soo dhawaynta ka hadlay Boqor Muxumed Geele Seed oo ka tirsan Hogaamiye Dhaqameedka Gobolka Gabiley, kuna hadlay Afka Odayaasha Deegaanka Gabiley oo hadallo dhiiri galin iyo soo dhawayn halkaa uga jeediyey Orodyahanka Moi Farah iyo Xubnaha la socday.

Orodyahanka Moi Farah oo Isaguna halkaa erayo kooban ka soo jeediyey ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay Soo dhawayntan heerka sare ah ee loo sameeyey. Waxaanu sheegay in uu aad iyo aad ugu Mahad-celinayo Maamulka sida wayn u qaabiley iyo Dadwaynihii faraha badnaa ee kaga hor yimid duleedka Magaalada.

Ma’aha markii ugu horreysay ee Orodyahankan Dalka Ingiriiska u Orda ee dhalasho ahaana ka soo jeeda Somaliland gaar ahaan Gobolka Gabiley ee uu booqasho ku yimaado Magaalada Gabiley ee Xarunta Gobolka Gabiley. Balse waa markii labaad ee uu soo gaadho. Iyada oo socdaalkan socdaalkii ka horeeyey ay ahayd badhtamihii 2009kii wakhtigaa oo uu qorsheeyey in uu tartan Orodada ah ku qabto Magaalada Gabiley. Wallow, anay qabsoomin.  Hadana waxa laga dhur-sugayaa tallaabooyinka sanadkan uga qorshaysan Magaalada Gabiley ee Xarunta Gobolka Gabiley.

Somalilandpost.net

C/Risaaq Axmed Hayaan (Ilka-case)

Gabiley, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories