HomeOodweyne: Guddiga Qandaraasyada oo Kormeeray Mashaariic laga hirgeliyey Caasimadda Daad-madheedh

Oodweyne: Guddiga Qandaraasyada oo Kormeeray Mashaariic laga hirgeliyey Caasimadda Daad-madheedh

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Oodweyne (SLpost)- Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud iyo Xubno ka tirsan Guddigaas, ayaa maanta gaadhay magaalada Oodweyne ee Xarunta gobolka Daad-madheedh, waxaanay guddigu kormeer indho-indhayn ku sameeyeen mashaariic kala duwan oo xukuumaddu ka hirgelisay degmada Oodweyne.

blankWeftiga Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada oo maalmihii u dambeeyey ku gudo-jiray kormeer ay ugu kuur-galayaan mashaariic kala duwan oo laga kharashka ku baxay laga maalgeliyey miisaaniyadda Qaranka oo gobollada dalka laga hirgeliyey, ayaa maanta indhahooda ku soo arkay qaabka loo fuliyey iyo habsami-u-socodka saddex mashruuc oo laga hirgeliyey degmadaas, qaarkoodna socdaan, kuwaas oo ay ka mid yihiin Dhismaha Maxkamadda Gobolka Daad-madheedh, Dhismaha Xabsiga Oodweyne iyo Garoonka Kubadda Cagta ee magaalada oo dhismihiisu socdo.

Weftiga Guddiga Qandaraasyada waxa habsami-u-socodka mashaariicda faahfaahin ka siiyey Guddoomiyaha Gobolka Daadmadheedh Nuux Cismaan Guuleed iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Cabdiraxmaan Xasan Cumar.

Warkan oo faahfaahsan iyo Hadallada masuuliyiinta, kaga bogo Muuqaalka Hoose

 

Kormeerka Weftiga Guddiga Qandaraasyada iyo Gobollada ay soo mareen

Ujeeddada kormeerka weftigan waxa ay masuuliyiinta Guddiga Qandaraasyadu ku sheegeen mid ay ugu kuur-galayaan isla markaana ku xaqiijiyeen habsami-u-socodka iyo tayada mashaariicdan oo laga maal-gelinayo miisaaniyadda dowladda, kuwaas oo ay fulinayaan shirkado waddani ah oo laga dhex-xushay tartan ay Guddiga Qandaraasyadu qabteen.

Weftiga Guddiga Qandaraasyada Qaranka waxa ay toddobaadkii hore kormeerkooda guud ka bilaabeen gobolka Sanaag gaar ahaan degmooyinka Gar-Adag iyo Ceerigaabo oo ay ka socdaan ama laga fuliyey mashaariic tiro badan oo xukuumaddu maalgelisay, iyagoo sidoo kale safarkooda indho-indhaynta ah kutagay magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool.

Weftiga ayaa 28-kii December, 2020 kormeerkooda ka bilaabeen Dhismaha Xarunta Jaamacadda degmada Garadag oo inteeda badan la dhammeystiray, waxaanay halkaas warbixin kaga dhegaysteen maamulka degmada oo xog-warran ka siiyey habsami-u-socodka dhismaha jaamacadda.

Sidoo kale, waxa ay weftiga Guddiga Qandaraasyada Qaranku Salaasadii toddobaadkii hore oo ku beegnayd 29-kii December ee sannadkii hore gaadheen degmada Ceerigaabo, waxaanay si gooni-gooni ah kormeer ugu sameeyeen dhowr mashruuc oo xukuumaddu ka hirgelisay magaalada. Mashaariicda oo dhismeyaal u badan waxa ka mid ah Dhismaha Aqalka Madaxtooyada ee Ceerigaabo, Dhismaha Xarunta Xeer-ilaalinta Gobolka, Dhismaha Garoonka Kubadda Cagta, Dhismaha Deyrka Jaamacadda Sanaag University ee magaalada Ceerigaabo, Xarunta Ciidanka Birmadka iyo Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Ceerigaabo.

Maalintii Arbacada ee Toddobaadkii hore, waxa ay weftiga Guddiga Qandaraasyadu gaadheen magaalada Laascaanood, halkaas oo kulan ay la yeesheen maamulka gobolka kaddib ay kormeerkooda ku indho-indheeyeen mashaariic kala duwan oo xukuumaddu ka hirgelisay degmada Laascaanood, kuwaas oo ay ka mid yihiinkuwaas oo ay ka mid yihiin dhismaha Xarunta Dab-demiska ee Laascaanood iyo Dib-u-habayn lagu sameeyey Garoonka kubadda Cagta ee magaaladaas.

Weftiga oo ku gudo-jira safarkooda ay ku kormeerayaan mashaariicaha xukuumaddu hirgelisay oo ay guddi ahaan uga masuul yihiin bixintooda iyo hubintoodaba, ayaa Khamiistii dorraad oo ku beegnayd 31-kii December kormeer ku sameeyey dhowr mashruuc oo xukuumaddu ka hirgelisay magaalada Burco, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhismeyaal lagu kordhiyey Cusbitaalka Burco, Dhismaha Garoonka Kubadda Cagta ee Burco, Dib-u-dhis iyo Dayac-tir lagu sameeyey Biriishka magaalada Burco iyo Mashaariic kale.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories