HomeOloleyayaal ka dhan ah Xaaladda Suuriya oo Hadheeyey Shir-sannadeedka Waddamada G20

Ololeyayaal ka dhan ah Xaaladda Suuriya oo Hadheeyey Shir-sannadeedka Waddamada G20

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

St. Petersburg, 07 Sept, 2013 (Ogaal)-  Shirka waddamada wershadaha ku horumaray ee G20 ee ka socda magaalada  St. Petersburg ee dalka Ruushka, waxa ajandahiisa marin-habaabiyey isla markaana siyaasad qasan ka dhex abuuray xaaladda ka taagan dalka Suuriya oo dalka Maraykanka iyo xulafadiisa qaarkood dabada ka riixayaan weerar lagu qaado.

Hoggaamiyayaasha wadamada 20-ka ah ee ka horumaray dhinaca wax-soo-saarka wershadaha ee shirkaas isugu tagay, ayaan ilaa wakhtigan wax horumar ah ka gaadhin ujeeddada shirkooda loo qabtay, waxaana arrinta dalka Suuriya iyo weerar lagu qaado meel adag iska taagay waddanka loo martida yahay ee Ruushka, iyada oo madaxweynaha dalkaas, waxaana gudaha shirka ka dhex-bilaabmay dhex-dhexaadin iyo waan-waan loogu tagay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, taas oo lagu doonayo in xal lagaga gaadho kala aragti duwanaanshahooda ku wajahan arrinta dalka Suuriya, iyada oo hoggaamiyeyaasha shirka ka soo qayb-galay ay ku cadaadinayaan Maraykanka inuu ka laabto weerarka uu qorsheeyey ee Suuriya, haseyeeshee ma jiro is-afgarad arrintaas laga gaadhay.

G20 SUMMIT 2013Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa isku dayaya inuu taageero caalami ah uga helo bulshada caalamka weerar uu ku qaado dawladda Madaxweyne Bashaar Al-Assad ee Suuri  oo loo haysto inay shacabkeeda u adeegsata hubka Kiimikada, weerar bishii la soo dhaafay ka dhacay meel ku dhow caasimadda dalka ee Dimishiq.

Madaxweyne Barack Obama, ayaa shalay la kulmay madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping oo ka soo horjeeda weerar military oo lagu qaado Suuriya, kaas oo dalka Ruushka ay iska aragti ku yihiin in xalka qalalaasaha ka taagan Suuriya aanu ku habboonayn tallaabo milatari oo laga qaado, waxayna horey codka diidmada qayaxan ugu hor istaageen qaraaro la doonayey in cadaadis lagu saaro dawladda Madaxweyne Bashaar Al-Asad, kaas oo horaantii sannadkan la horgeeyey Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon, ayaa ka digay qalalaase ka dhasha weerar milatari oo lagu qaado dalka Suuriya, kaas oo uu ku tilmaamay inuu sii xumayn karo xaaladda gobolka Bariga Dhexe.

SOMALILANDPOST.NET

Conctact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories