HomeOlole Nadaafadeed oo mar kale laga fuliyey Dooxa Hargeysa iyo Baaqa Maayarka...

Olole Nadaafadeed oo mar kale laga fuliyey Dooxa Hargeysa iyo Baaqa Maayarka Caasimadda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Maayarka Hargeysa oo ay weheliyaan xubno ka mid ah golaha deegaanka ee caasimadda, shaqaalaha Dawladda Hoose iyo Dadweyne iskood isu diray, ayaa maanta olole nadaafadeed ka fuliyay Dooxa weyn ee magaalada Hargeysa.

Waxa kale oo ololaha nadaafadeed ee maayarku horkacayey ka soo qayb-galay Qaar ka mid ah shirkadaha ganacsiga iyo Shaqaalaha Dowladda Hoose oo qayb laxaad leh ka geystay ololaha qashin-gurka oo markii labaad laga fuliyey Dooxa Hargeysa tan iyo intii xilalka loo dhaariyey Golaha Deegaanka Caasimadda.

blank
Ololaha Nadaafadda Dooxa Hargeysa

Ugu horreyn, waxa halkaas ka hadlay qaar ka mid ah xubnaha golaha deegaanka ee caasimadda Hargeysa oo sheegay in ujeeddada ay ololaha ka leeyihiin tahay sidii loo soo celin lahaa Asalkii hore ee uu ahaan jiray Dooxa Hargeysa oo dhibbane u noqday Suuqa Waaheen ee faras-magaalaha caasimadda oo uu dhinaca ku hayo.

Xildhibaannada Golaha Deegaanka Hargeysa, waxa ay sheegeen inay dowlad hoose ahaan sii wadayaan ololaha nadaafadda sidii ay hore ugu ballan-qaadeen uguna soo bandhigeen wax-qabadyadii ay ku ololeeyeen xilligii doorashada ee ahaa Hargeysa nadiif ah oo cagaaran.

Xoghayaha Dawladda Hoose ee Hargeysa Siciid Nuur Jaamac ayaa Shacabka caasimada ee Ololaha kala qayb-qaatay uga mahad-celiyey sida ay isu soo Xil-qaameen iyo Doorka ay ka qaateen ololaha nadiifinta Dooxa weyn ee Hargeysa oo muddo toddobaad gudihii ah markii labaad loo dareeray subaxnimadii hore ee Khamiista maanta.

Xoghaye Siciid Nuur waxa uu shacabka Hargeysa ku bogaadiyey sida ay ugu hoggaansameen awaamiir dowladda Hoose ka soo saartay toddobaadkii hore oo ahaa inaan qashin lagu qubin Dooxa Hargeysa.

Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge oo isaguna warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in Ololaha Qashin-gurka Dooxa Hargeysa bilow u yahay Olole nadaafadeed oo laga fulin doono degmooyinka Caasimaddu ka kooban oo uu sheegay in mid walba maamulkeeda iyo dadweynaha ku dhaqani ku hawlan yihiin is-abaabul ay ugu diyaar-garoobayaan fulinta ololahan.

Maayarka Caasimadda Hargeysa waxa uu u mahad-celiyey qaar ka mid ah shirkadaha ganacsiga gaarka loo leeyahay oo door laxaad leh ka geystay Ololaha nadaafadda dooxa Hargeysa, isagoo si gaar ah ugu mahad-celiyey shirkadda Oomaar Group.

Dhinaca kale, waxa uu Maayarku baaq qaylo-dhaan ah u diray Shacabka Hargeysa oo uu u soo jeediyey inay go’aan ka gaadhaan isticmaalka Bacda oo uu tilmaamay inay halis ku tahay bilicda iyo Nadaafadda Caasimadda.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories