HomeOlole lagu Wacyigelinayo badbaadinta shinnida oo laga Fuliyey Gabiley

Olole lagu Wacyigelinayo badbaadinta shinnida oo laga Fuliyey Gabiley

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Gabiley (SLpost)- Ololaha wacyigelinta badbaadinta shinnida, ayaa Jimcihii shallay laga fuliyey magaalo-madaxda gobolka Gabiley ee Gabiley, iyadoo deegaannkaasina ka mid yahay meelaha shinnida lagu dhaqdo ee Somaliland ka tirsan.

Ololahan oo 10kii bishan October lagaga dhawaaqay magaalada Hargeysa, ayaa ku aaddan in dadku ku baraarugaan badbaadinta shinnida oo hudheelada cuntada iyo maqaaxiyaha shaaha ku dhimata, isla markaana dad badani iska saaraan cabsida ah in shinnadu tahay cadaw ah oo wax cuna, balse ay tahay noole yar oo ilaahay karaameeyey, samaysana malab dadka dawo u ah.

Fikirka ololaha oo uu lahaa suxufiga Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare), ayaa waxa ku taageeray dhalinyaro iyo dad kale oo dareemay in ololahani badbaada iyo daryeelka shinnida uu muhiin u yahay.

Lix xubnood oo ka mid ah dhalinyaro isu xilqaamay wacyigelinta badbaadinta shinnida ayaa shallay gelinkii hore magaalada Gabiley hawsha wacyigelinta ka fuliyey, iyagoo booqday isla markaana munaasibad kooban ku dhex qabtay xarun shinnida lagu dhaqdo oo Gabiley ku dhex taalla. Xubnahaas oo kala ah Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare), Xamse Cumar-ku-joog, Huda Cali Banfas, Xamse Cali Jeesto, Cumar Cali Xasan (Serbiya) iyo Cabdiweli Maxamed Gaaxnuug.olole6

Xubnaha oo badankoodu halkaa ka hadleen ayaa waxay sheegeen inay farxad weyn u tahay inay ololaha gaadhsiiyaan magaalada Gabiley, iyagoo si gaar ah u sheegay in ololahani uu yahay mid tabaruc ku dhisan oo ilaahay dartii loo fulinayo, si shinnidu nabad iyo badbaado u hesho.olole3

Xasan Muxumed Cabdillaahi oo muddo siddeed iyo toban sano ah ka soo shaqaynayay hawlaha shinnidda oo xubnaha ololahana ku soo dhaweeyey Gabiley, ayaa si weyn u taageeray ololaha isla markaana sheegay inuu kaalin mug leh ka qaadan doono.

Waxa kale oo uu sheegay inuu tan iyo markii ololaha la shaaciyey uu sugayay inuu mar uun la kulmi doono xubnaha ololaha, isagoo tilmaamay in ololahani yahay mid aad loogu baahnaa oo dadkana baranaya muhiimada shinnada.

Waxaana uu caddeeyey inuu ololaha door laxaad leh ka qaadan doono uuna gaadhsiin doono deegaanka Gabiley ololaha badbaadinta shinnida iyo daryeelkeeda ba.

Xasan ayaa xubnaha booqday ee xaruntiisa shinnidda ugu tegay wuxuu ku casuumay malabka shinnida weliba nooca loo yaqaanno xabag-barsheedka.olole5 olole4

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories