HomeOlolaha Maalmaha Caafimaadka Carruurta oo Berri dalka ka Bilaabmaya

Ololaha Maalmaha Caafimaadka Carruurta oo Berri dalka ka Bilaabmaya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Munaasabad balaadhan oo maanta ka dhacday Hotel maansoor ee Magaalada Hargaysa ayaa  lagaga dhawaaqayey ololaha maalmaha Caafimaadka caruurta Somaliland oo maalinta berito si rasmi ah uga bilaaban doona guud ahaan Gobolada iyo Degmooyinka.

Ololaha maalmaha caafimaadka oo socon doona muddo labo iyo toban maalmood ah oo ah inta u dhexaysa 21 Oct ilaa 02 Nov ayaa waxuu ku saabsan yahay sida loo daryeelayo Hooyada ilmaheeda loona ilaalinayo caafimaadkooda sida ay baahisay Wakaaladda wararka Somaliland ee Solna.

Munaasabadan waxaa  ka soo qayb galay mas’uuliyiin ay ka mid yahiin Marwada madaxweynaha JSL Marwo aamina X Maxamuud Jirde (A Weris, wasiirka shaqada iyo Arimaha Bulshada  Md Maxamed maxamuud Barre (Garaad), wasiir ku xigeenka Caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qawdhan iyo mas’uuliyiin kale, goobjoog-na ay sidoo kale ka ahaayeen hay’adaha wada shaqaynta la leh wasaaradda caafimaadka ayaa Marwada madaxweynaha Somaliland waxay ku boorrisay bulshada Somaliland inay ka faa’iidaystaan maalmahan qaaliga ah ee loo qorsheeyey caafimaadka Hooyada iyo dhallaanka, taasoo qayb ka ah qorshayaasha caalamiga ah ee lagaga hortegayo cudurada faafa iyo nafaqo darada caruurta ku timaadda.

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxay tilmaantay in Warbaahiyaha Cusub ee Idaacada Radio hargaysa uu yahay ka keliya ee gudbin kara farriimaha Wacyigelineed sida kuwa caafimaadka isla markaana Reediyowgu ka duwan yahay warbaahiyayaasha kale oo Miyi iyo Magaaladaba gaadhsiin karo wixii bulshada u dana .

Marwo Nimco Xuseen qawdhan wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka oo iyana munaasabadaasi hadal kooban ka jeedisay iyadoo shaqaalaha ka hawlgalaya ololahan caafimaadkana fartay inay sidii loogu talo galay u gutaan waajibaadka ka saran fulinta hawshan muhiimka u ah bulshada Somaliland.

Somalilandpost.net/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories