HomeOlolaha loogu Jiro Shir-guddoonka Golaha Wakiillada oo marxalad Xaasaasi ah u gudbay

Ololaha loogu Jiro Shir-guddoonka Golaha Wakiillada oo marxalad Xaasaasi ah u gudbay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Ololaha loogu jiro qofka noqonaya Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Marxalad cusub u gudbay.

Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI oo isku dhinac ah, ayaa doonaya in Guddoomiyaha Golaha Wakiillada loo doorto Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo Gobolka Sool uga soo baxay Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, halka Xisbiga haya talada Somaliland ee KULMIYE uu doonayo in Guddoomiyaha Golaha Wakiillada loo doorto Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir oo ka soo baxay Gobolka Sool.

blankLabada xisbi Mucaarad ee WADDANI iyo UCID ayaa haysta aqlabiyadda Xildhibaannada Golaha Wakiillada oo dhan 52, taasaana keentay inay ku hamiyaan in Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu noqdo Xubin Mucaarad, laakiin Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE oo haysta 30 Mudane ayaa isaguna doonaya in Guddoomiyaha Golahaasi noqdo Xubin Muxaafid ah, taasi su’aalo badan dhalisay, maaddaama oo la iswaydiin karo habka uu arrintaasi u marayo, inkasta oo ay jiri karaan Xildhibaano ka soo baxay Mucaaradka oo aragi ahaan taabacsan in Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) uu noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada.

Is-riix-riixaa siyaasadeed awgeed, ayaa waxa soo baxay Xildhibaano ka mid ah Xisbiyada Mucaarad oo sheegaya in Masuuliyiin Xisbiga Kulmiye ka mid ahi u soo bandhigeen Lacago, si ay codkooda u siiyaan Yaasiin Faratoon oo Muxaafidku la doonayo Guddoomiye-nimada Golaha Wakiillada.

Sheekh Siciid Ismaaciil Sokeeye oo ka mid ah Xildhibaannada cusub ee dhawaan loo doortay Golaha Wakiillada oo Shalay khudbaddii Jimcaha ku soo hadal-qaaday Tartanka loogu jiro Guddoomiye-nimada Golaha Wakiillada, ayaa Xukuumadda ku eedeeyay inay doonayso inay laaluushto Xildhibaannada ka soo baxay Xisbiyada Mucaaradka ah “Malaayiin bay maraysaa Laaluushkii, in Cod la iibsado, si Baarlamaankeenii iyo Goleyaashii deegaankeena loogu dhiso Xaaraan, iyadoo la leeyahay waxaas baa lagu siinayaa ee Codka na sii.”

Xildhibaan Khadar Cali Xakiin oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada ee ka soo baxay Gobolka Sanaag oo isaguna la hadlay Telefiishanka SAHAN, ayaa sheegay in loo soo bandhigay lacag, si Codkiisa u siiyo Yaasiin Faratoon oo Kulmiye u wado Guddoomiye-nimada Golaha Wakiillada “Xildhibaannadii doorashadooda dhibka loo soo maray goormay la mid noqdeen Xoolaha daabaxa ah ee Sayladda taagan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxa lagu odhanayaa Xukuumaddu waxay doonaysaa inay soo iibsato 12 Xildhibaan, waxaan leeyahay ma jiro Xildhibaan Iib ahi, waxa jira Rag sheeganaya inay Madaxweynaha Gacan-yarayaaal u yihiin oo ay yihiin Mukhalasiin, waxaan leeyahay Madaxweyne ma adigaa dirsaday, haddaad Madaxweyne Adigu dirtay fadhiisi, Waayo? tani waxay ceebaynaysaa doorashadii wanaagsanayd ee inoo dhacday..”

@Geeska

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories