HomeOlolaha Doorashooyinka Somaliland oo bilaabmay iyo Wacdarihii maanta ee Xisbiga UCID

Ololaha Doorashooyinka Somaliland oo bilaabmay iyo Wacdarihii maanta ee Xisbiga UCID

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guud ahaan gobollada Somaliland, waxa maanta si rasmi ah uga bilaabmay Ololaha Doorashooyinka isku-sidkan ee Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada oo la filayo inay dalka ka qabsoonto 31-ka bishan May.

Xisbiga UCID, ayaa maanta bilaabay kaltanka ololaha doorashada ee Xisbiyada Qaranka oo mid kasta loo qoondeeyey inuu muddo laba maalmood ah ololihiisa qabsado, waxaanu ololuhu socon doonaa ilaa 28-ka bishan May, sida ku xusan Jadlka Ololaha Doorashada oo Komishanku shaaciyey Toddobaadkii hore.

blankMasuuliyiiinta, murashaxiinta iyo taageerayaasha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, ayaa maanta isu-soo-baxyo qayb ka ah ololaha doorashada ka sameeyey fagaarayeyaasha dadweynaha ee guud ahaan gobollada dalka.

Gobollada xisbiga mucaaridka ee UCID taageerayaashiisu ay dhoola tuska ololaha doorashada isku sidkan ee wakiillada iyo deegaanka ka sameeyeen isla markaana wac-daraha ka muujiyeen waxa ka mid ah ahaa gobollada Maroodijeex, Togdheer Awdal, Sanaag, iyo Sool.

blankMurashaxiinta u tartamaya Doorashada Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada oo ay weheliyaan Taageeraal tiro badan oo ku gaashaaman astaanta murashaxiinta iyo Calanka Xisbiga UCID, ayaa isugu yimi Beerta Xoriyadda ee magaalada Hargeysa, waxaana khudbado kala duwan ka jeediyey masuuliyiinta Xisbiga iyo Murashaxiinta soo bandhigay qorsheyaashooda wax-qabad ee ay ku doonayaan in lagu doorto.

Sidoo kale, murashaxiinta iyo masuuliyiinta Xisbiga UCID, waxa ay taageerayaasha xisbiga kula hadleen xafiisyada ay murashixiintu ku leeyihiin gobolada iyo degmooyinka dalka, iyagoo ka dalbanayey inay codkooda siiyaan maalinta Doorashada.

Magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer, waxa ololaha murashaxiinta iyo taageerayaashooda kala qayb-galay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo ay weheliyaan masuuliyiin sar-sare oo xisbiga ka tirsan.

blankSidoo kale, ololaha Doorashadda waxa uu xisbiga UCID iyo taageerayaashiisu isu-soo-baxyo ka sameeyeen Magaalooyinka Saylac, Gebilay, Baligubadle, Sallaxley, Oodweyne, Caynaba, Ceel Afweyne iyo deegaamo kale, kuwaas oo dhammaantood ku dhammaaday si nabad-gelyo ah.

Ololaha Xisbiga UCID waxa u hadhay hal maalin oo murashaxiintu taageerayaashooda kula hadli doonaan xafiisyada ay ku leeyihiin magaalooyinka dalka, taas oo ku beegan 26-ka bishan May.

Maalinta Berri ah oo ku beegan 24-ka May 2021 waxa ololaha u leh Xisbiga Kulmiye iyo Murashaxiintiisa oo la filayo inay taageerayaashooda kala hadlay fagaarooyinka magaalooyinka dalka.

Sida ku xusan Jadwadalka Ololaha ee Guddiga Doorashooyinku shaaciyeey, waxa xisbiyada iyo taageerayaashooda loo oggol yahay inay isu-soo-baxa ololaha qabsadaan inta u dhaxaysa 7:00 subaxnimo ilaa 6:00 galabnimo ee maalinta loo asteeyey.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpos.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories