HomeOGEYSIIS: Maalinta Suugaanta iyo Dhaqanka Soomaalida ee Magaalada GOTENBERG, Iswiidhan, 01.06.2013

OGEYSIIS: Maalinta Suugaanta iyo Dhaqanka Soomaalida ee Magaalada GOTENBERG, Iswiidhan, 01.06.2013

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

ogeysiisDhammaan dadweynaha ku hadla afka Soomaaliga iyo inta xiisaysa afka iyo dhaqanka Soomaalida ee ku dhaqan magaalada Göteborg iyo agagaarkeedaba  waxa la ogeysiinayaa in 01.06.2013 lagu qaban doono magaalada Göteborg kulan suugaaneed balaadhan oo lagu soo marti qaaday qorayaal iyo suugaanyahanno ka kala socda magaalada Stockholm iyo magaalada Göteborg. Maalintan ayaa noqon doonta maalin xiiso badan oo ay qorayaashu madasha ku soo bandhigi doonaa buugaagtooda iyo waliba suugaan kala duwan. Martida maalintaasina waxaa ka mid ah:
1. Qoraaga Maxamed Xirsi Guuleed ( Abdibashir ) ayaa madasha ku soo bandhigi doona suugaantiisa kala duwan iyo  guud ahaan buugaagtiisa, gaar ahaanna buuggiisa u danbeeyay ee Aan ooyee albaabka ii xidha. Kaasi oo uu ku kaydiyay suugaan badan oo ku saabsan halgankii ay Soomaalidu u soo martay xorriyadda.
Maxamed waxa uu sidoo kale maalintaasi inala wadaagi doonaa cashar kooban oo ku saabsan dhaqanka iyo hiddaha Soomaalida.
2.  Qoraaga Sayid Maxamed Yuusuf ( Dhegey ) ayaa isna maalintaasi dadweynaha la wadaagi doona casharkooban oo ku saabsan taariikhda afka Soomaaliga iyo waliba buugaagtiisa. Isagoo diirradda saari doona buuggiisa Socdaalkii Dheeraa, oo ka hadlaya duruufihii iyo waayihii ay dadka Soomaalidu ku sugnayd wakhtigii colaadaha ee 1988.
3. Abwaan Mubaarig Qoorubaxay, oo ah abwaan suugaantiisu nooshahay ayaa maalintaas isna si mugweyn leh u soo bandhigi doona suugaantiisa, isagoo maalintaasi dadweynaha la wadaagi doona suugaantiisii u danbaysay.
4. Qoraaga Muuse Maxamuud Ciise ( Dalmar ) ayaa isna maalintaasi madasha ku soo bandhigi doona riwaayaddiisa cusub ee Tayo-beelka Carruurtu Waalid Buu Tebeyaa. Riwaayaddan oo ka hadlaysa wacyiga iyo duruufaha nololeed ee qoyska Soomaaliyeed ee qurbaha ku dhaqan. Muuse ayaa sidoo kale maalintaasi dadweynaha la wadaagi doona sheekooyin-suugaaneed ka hadlaya qaybaha kala duwan ee nolosha bulshada.
5. Qoraaga Bile Xaashi ayaa sidoo kale maalintaasi munaasibadda ku soo bandhigi doona buugaagtiisa, isagoo waliba si gaar ah maalintaasi dadka ula wadaagi doona buuggiisa cusub ee Shan Habeen.

Maalintan ayaa noqon doonta mid xiiso badan, waxaana  jiri doono wakhti ay dadweynuhu ku soo gudbiyaan wixii talo, tusaale iyo su’aalaba ah.

Ha moogaan hana ka maqnaan haddii Raxmaanku inagu simo.

Wixii faahfaahin ah kala xidhiidh.
Bile Xaashi. 0702638557
bile03@hotmail.com
Muuse Dalmar: 0762490979
xajidalmar@gmail.com
www.bilehashi.se
www.hiddodhowr.com
www.hiddodhowr.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories