HomeOddoroska Nayruuska Sannadka Cusub ee 2021-Ka

Oddoroska Nayruuska Sannadka Cusub ee 2021-Ka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

blankEebbaa iska leh garasho, cilmi iyo aqoon, isagaanay u sugnaatay xukunka kownkan, qaddarkiis iyo maamulkiisa cidina lama wadaagto, duniduna waxay ku joogtaa amarka awoodda Eebbe, waxaanu ku tilmaamay Aadamihiisa intuu ku manaystay wax kooban.

Haddana, aadamuhu ma daayo saadaasha iyo odoroska mustaqbalka, waxaanay jeclaystaan in ay wax ka ogaadaan wakhtiga fooda ku soo haya ee la xidhiidha waayahooda, balse, umay fiirsan dhibta ku jirta ogaanshahoodaasi, sababtoo ah, uma-adkeysan karaan haddii ay xogogaal u noqon lahaayeen ayaamaha ku soo foolka leh noloshooda saamiga ay ku leeyihiin farxad iyo naxdin.

Balse, ku-dhaqanka saadaasha xiddigaha waa mid ku saleysan qaab-nololeedka  bulshaweyntu ugu sahamiyaan beerahooda, xoolahooda iyo noloshoodaba, waxaana arrimaha saadaasha xiddigaha wax laga weydiiyaa dad khibrad gaar-ah u leh arrimaha xiddigiska iyo saadaasha, taasoo ay ku falanqeeyaan isbeddelka cimillada, hawada, bad-maaxidda, dowladaha, iwm.

Haddaba, aynu male Aadame ku male’awaalno, Odoroska mustaqbalka saadaasha Sannadka Cusub ee 2021-ka, Dadka ku xeelka-dheer leh cilmiga odoroska xidigaha waxay odhan jireen “Waxaanu u eegnay Mooro, Meere iyo Maalin, markaa Moorada Sannadkan 2021-ka wuxuu ku beegmay Moorada Nayruus Jimcaad oo loo nisbeeyo astaanta toddobaad ee  burjiga miisaanka ee ku aadan muddada u dhaxaysa 23/9-22/10,  godadka dayaxu  maro ku leedahay  Garbo, Bayaxow iyo Godan, waana xilliga kala wareega xagaaga iyo Deyrta,  waa lab Hawaa’iya, oo maalinle ah,  jihadiisu waa waqooyi, wuxuu leeyahay kulayl iyo qoyaan badan.

Dhinaca Siyaasadda Aduunka Gaar ahaan Somaliland:-Waxay dad badan isweydiinayaan natiijada ka dhalan doonta doorashooyinka gollaha wakiilada iyo gollaha deegaanka Jamhuuriyadda Somaliland ee sannadkan 2021-ka,  waxa laga yaabaa in shaqsiyaadka ugu codk badan  murasharaxiinta tartamaysa xubnaha labada golle ay la kumi doonaan billowga ugu horeeya caqab, ama horjoogsi,.waxaana laga yaabaa in aanay dhameysan doonin muddo xilloodkooda, waxa kale oo la filan jiray dadaka cod-bixiyayaasha ay yaraan doonto tiradoodu, taasoo ay sababi doonto qaabkii loo soo xushay murasharaxiinta u tartameysa xubnaha gollaha wakiiladda iyo gollaha deegaanka,  doorasho qabyaaladeysan oo ku saleysneyd qabiil, qabiil la tartamaya, isla markaana aan lagu dhaqmin hab-raacayaddii loo dajiyey xisbiyadda ee lagu qiimeyn jiray xulashada murasharaxiinta uga tartamaysa golaha wakiilada iyo golaha deegaanka, waana sababaha keenidoona in niyad jab ku yimaado codbixiyayaasha, ha loo duceeyo wadanoollaanshaha iyo nabada marka loo dareero codeynta.

Sidoo kale, waxa sii jiitami doona loollanka siyaasadeed ka dhex-aloosmaya fikradaha muxaafidiinta iyo kuwa aaminsan fikradaha mucaaridka,  illaa iyo inta laga gaadhayo isku-tanaasul ka yimaada labada dhinac fikradaha ay kala aaminsan yihiin, dimuquraadiyadda iyo sinaantu waxay noqon doontaa mid dheelitiran oo adag, inkastoo mararka qaarkood  ay yeelan doonaan awooddo qarsoon oo ay ujeedooyinkoodu aanay wanaagsaneyn, waxaana loo adeegsan doonaa maskaxaha dadweynaha nidaamkii lagu xakameyn lahaa hadafkaas, waxaana guulaysan doona cadaaladda.

Guud ahaan, waxaynu haysanaa xulashooyin badan oo aynu ku kala dooran karayno sidii aynu u badeli lahayn isbadeladii dhacay sannadihii aynu soo dhaafnay, sidoo kalena, curinta cusub ee hal-abuurka, balanka iyo isku tanaasulku wuu ka fiicnaan doonaan sannadihii aynu soo dhaafnay, waa haddii si buuxda loo xoojiyo isku duubnida ruuxiga  iyo dabeecada ruuxiga ah, waxa kale oo la dareemi doonaa farxad badan, waa haddii diirada la saaro illaha walxaha maadiga ah ee dhinaca abniga, waxa muhiim ah in aad looga feejignado walxaha maadiga ah ee loo isticmaalo qaraxyada.

Xaqiiqdii waxa si adag loo qaban doonaa fikradaha ku dhisan dimuquraadiyadda, waxaana muhiim ah in si miyir-qab ah looga feejignaado, isla markaana diirada la saaro dhex-dhexaadnimada, waa in la horumariyaa qaab-dhismeedka ugu wanaagsan awooddaha maskaxaha iyo dareennada Aadamaha, wax muhiim ah in la illaaliyo wararka iskhilaafsan ee u qulqulaya sida mowjadaha.

Dhinaca Dowladaha:- Waxa hoos u dhigay saameyntii ay keeni lahayd kacdoonadii iyo dhaqdhaqaaqyadii xooggagii xagjirnimada ahaa ee ka dhalan lahaa dunida sannadkii 2020-ka, cawaaqibkii ka dhashay cudurkii Jiqlaha ee loo yaqaano “Covid 19 “  ee ku faafay dunida.

Dowladaha adduunka waxay gali doonaan hal-gan ku saabsan qaab-dhismeedka dowladdihii hore iyo kuwa cusub, waxaana laga cabsi qabaa in ay dowladdo badan ku dhacaan dowlad la’aan, waxaana la dareemi doonaa dib u hagaajinta sinaanta jinsiyaddaha, cadaaladda, wadajirka,  wadaagidda xoggaha, dhaqaalaha iyo wanaaga, waxaana loo guuri doonaa sidii si hufan oo daacadnimo ku dheehan tahay loo daahfuri lahaa xaqiiqooyinka himmilada la hiigsanaayo, waxa kale oo uu noqon doonaa hab-nolloleedku bulshadu mid fudud, sidaa awgeed, waa in aynu iska dhaafnaa nidaamka macmalka ah, habraacyada macmalka ah, agabka iyo farsamooyinkii la soo dhaafay ee loo isticmaalo xawaaraha isgaadhsiinta, socdaalka, waxbarashada iyo waayo-arragnimada.

 

Himmilada ay hiigsanayaan Madaxweynayaasha, waxa wiiqi doona hawlihii lagu horumarin lahaa adeegyada bulshada la xiaabtan la’aanta iyo masuuliyiinta ku yimid cugashada madaxweynaha oo aan ahayn mid leh qiimeyn iyo xulasho sare. Runtana Allaa Og…….La soco …………….

 

Maxamed Faarax Qoti

Dr. Astrologiest, PH.  PM. Philosopher and Author.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories