HomeOddoroska Nayruuska Sannadka Cusub Ee 2021-Ka - Qaybta 2aad

Oddoroska Nayruuska Sannadka Cusub Ee 2021-Ka – Qaybta 2aad

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

blankNolosha Dadku waxay ku sugan yihiin:-  Dhinaca nolosha waxa la wajihi doonaa kala doorashada wajiyada cusub, wajiyadii hore iyo hal-abuurnimada, haddaba waxa isweydiin muddan, in aynu isweydiino waa xagee jihada saxda ah ee aynu u soconaa, xageebaynu taaganahay iyo xageebaynu ka nimid?

Waxa la dareemi doona dhinaca aqoonta in jahligii hore uu ka daran yahay jahliga maanta jira, waa jahli sita waraaqo shahaadooyin ah oo aanay waxbaba  ugaga hooseyn oo aan waxtar lahayn, haddana waxay isku haystaan kuwo cilmi iyo aqoon leh. Runtana Allaa Og.

Dhinaca Dhaqaalaha:-  Maaliyadda iyo dhaqaalaha suuqyadu  waxa ku iman doona khaladaad badan, waxaana fuuli doona culays macquul ah, halka qaybaha qaarkood sida, maalgashiguna uu kor u kobci doono,  waxa kale oo goobo badan isku badeli doonaan dhismayaal dhaadheer,  wadooyinka hareerahooduna  waxay isku badeli doonaan goob lagu cunteeyo, goobaha wax lagu kaydiyo iyo dukaamada suuqyada ee wax laga iibsado (shoping malls) waxay isku badeli doonaan hoy.

Ganacsiga barwaaqo sooranka ah waxaa ka mid noqon doona sida, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, maraakiibta iyo gaadiidka, waxaana taageero badan hello-doona,  baabuurta duulaysa  ee mustaqbalka dhaw,  qalabka lagu nadiifiyo tamarta hawada, biyaha, qalabka caafimadka ee curiya hawada qaadashada macmalka ah, qalabka wax lagu kulayliyo, qaboojiyayaasha, isgaadhsiinta, qalabka madadaaladda, qalabka sirdoonka iyo qalabka fududeeya dib u hagaajinta dabeecadda deegaanka, sida, dib u beerista , si kastaba ha noqotee, dadku waxay raadinayaan habkii ay ku gaadhi lahaayeen isku filnaasho buuxda, madaxbanaani iyo nolol wnaagsan.

Waxa kale oo loo eegaa dhinaca wada-noolaanshaha, xeeladdaha, , raadinta dheelitirka, qiyaasta, xaaladdaha dareen quruxoon iyo xuubka hawada. Runtana Allaa Og.

 

Faraxa Dayaxa Burjigan waxa loo eegi jiray Afartan waji ee kala ah:-

Wajiga Koowaad- Dheel-dheelka, maaweellada, farshaxanka, quruxda, jacaylka, guurka, qoysnimada, haweenimadda, dharka dumarka, dhaqanka soo jireenka ah, rayraynta, riyaaqa, faraxa,  galmada, lacagta, dawanka qoob ka ciyaarka, wadanoolaanshaha, xidhiidhka isdhexgalka bulshada, xarumaha bulshada, quruxda labiska, haweenka, iskaashiga, ansaarta, kaftanka, xumaanta, qoysnimada, caddaaladda, shaashaarida, naxaastsa, baahida, daadka iyo qoolleyda.

Wajiga Labaad :-  Ciidammada, hiliblayaasha, budhcad badeedka, dagaalka, dilka, dhiigga, muranka, tamarta, gaadiidka,  farsamo-yaqaanada dhismayaasha, halyeeyga, maamulka sare, maldahaada, hamadda, taranka, madadaalada,  cayaaraha, qalliinka, tubaakada, toonta, fooxa, qoryaha, cuduradda, caabuqa, birta, mindiyaha, qufulada, qalabka wax lagu kuleyliyo, tuubooyinka qasabadaha,  qalabka lagu jaro timaha

Wajiga Saddexaadna:-  Cilmiga Beeraha, cilmiga raadraaca isirka, xasiloonida, maamulka,amarka,miinooyinka, dhimashada, caqabadaha, qirashada xadeysan, xakameynta nafta, waayo-araga, nashqadaha, lafaha, xoolaha,saanta xoolaha, adeegga arrimaha bulshada, sandaladda, wakhtiga gabal-dhaca, xiliga da’da aabaha, taariikhda, dhaqanka,  dhulka hoostiisa, carmasha,  xakamaynta nafta.

Wajiga Afaraadna :- Jacayl, hamiga, awood, gubasho, carruurta, liinta, lacagta birta ah, dastuurka, geesinimada, hal-abuurka, sharafta, maroorsiga, boqorada, tamarta, bixinta, xogta wararka, aabaha, oo ololaysay, dab, khamaarka, deeqsinimada, dahabka, kibirkam caafimaadka, maamuus oo, kulul, ninkeeda, aqoonsiga, qofnimada, , wax-yaabaha la isku qurxiyo, farxada, qosolka, nolosha, iftiinka, iyo libaaxa, magnanimity, nasabka fiican, faanka, oranji, hamiha, daayeerro, buuqa, caannimadda, wanaaga, awood, iyo kibirka, iyo barwaaqo, himiladda,, qoyska boqortooyada , xog la’aanta, lafdhabarta, ruuxda xooga, madaxa, koboca, diirranaan iyo dardaaranka.

Dadku waxay ku sugan yihiin wakhtigan jooga:- Dadku waxay noqdan wakhtigan kuwo caadifadaysan oo soo jiidasho badan, hawl-kar ah, daacada ah, waayo-arag ah garta goyn yaqaan, gudoon jilicsan, fahmo yar, dareen gaaban, firfircoon, dulqaad leh,  qunyar socd ah, haasaawe badan,  af-gaaban, degan, akhlaaq leh, ,tixgalin badan,  hal-adeyg leh,  aqoon xarago badan oo jecel dharka qurxoon.

Dhinaca Awoodaha wuxuu si gaara u khuseeyaa:   Curint xidhiidhka iskaashiga iyo heshiisyadda.

Arrimaha Gaarka ahna:– In aanu daryeelku noqonin lacag laa’aan,  ficil celinta shisheeyuhu waxay yeelataa saameyn, sidaa darted, waxa suuro-gal ah in aanay qaarkood qaadanin waxaan ahayn awood ka xoog-weyn.

Wuxuu jecel yahay: Nabadda, fahamka, bogaadinta, akhlaaqda wanaagsan, dhawaaqa dawanka dananka leh, qoob ka ciyaarka, codadka u gaar ah shimbiraha, milicsiga muraayaddaha, dhadhanka wanaagsan, is sharraxida,, taxadirka, macmacaanka, madadaaladda iyo codkarnimada.

Wuxuu neceb yahay:-  Qiimaha guusha,  waxshinimada, dhaqanka xun, rabshadaha, waayida booska.. Runtana Allaa Og…….La soco………….

 

Maxamed Faarax Qoti

Astrologist, Philosopher and Author.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories