HomeOdayaal Iyo Waxgarad taageeray Qorshaha Maalgeshi ee Dekedda Berbera

Odayaal Iyo Waxgarad taageeray Qorshaha Maalgeshi ee Dekedda Berbera

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda gobollada Maroodi-jeex iyo Saaxil, ayaa ka hadlay xaaladda dekeda magaalada Berbera oo muddooyinkii u dambeeyay la isla dhexmarayay in xukuumadda talada haysaa ay ku wareejinayso shirkado ajaanib ah.

Odayaasha iyo Wax-garadka oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxa ay baaqyo u direen xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, axsaabta iyo guud ahaan shacabka Somaliland, iyagoo xisbiyada ku dhaliilay qaabka mucaaradnimadooda iyo dhaliilaha ay xukuumadda u jeediyaan.

weweeUgu horeyn waxa madashaas k ahadlay guddoomiyaha Awal Galbeed Yuusuf Cilmi Ayaanle (Daba-lule), waxaanu yidhi, “Arrin muddooyinkan dambe soo noqnoqonaysay oo mudakarnimadii siyaasadd iyo mudakarnimadii wax sheega in badan inaga khal-khalisay ayaanu anaguna doonaynaa maanta (shalay) inaanu aragtidayada ka dhiibano, markaa anigu waxaan ka hadlayaa saddex qodob, ka ugu horeeyaa waxa weeye arrintan dekeda Berbera ee la wadhfinayo ee suuqa la wareejinayo, dalka waxaynu u igmanay madaxweyne, xukuumad, maamuleyaal iyo maareeyeyaal loo magacaabay, cid maanta dalkan uga lexejeclo badan Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ma jirto, labada gole hortooda waa kii ka sheegay in afar shirkadood ay soo qorteen codsi, afartaas shirkadood tii Somaliland dadkeeda iyo dalkeeda anfacaysa ayaynu qaadanaynaa buu yidhi, maareeyaha dekeduna maalin uu la shirayay muruq-maalka dekeda waxa uu sheegay in tii ina anfacda afartaas shirkadood oo uu sheegay in weliba loo soo kireeyay cid inaga eegta oo baadha ayaynu u dhiibaynaa. Wax bari hore dacaayad laga dhigi jiraybaa maanta dhaboobay, wuxuu yidhi ninbaa hore u yidhi, “gubad kaan gubi doono, biciidka daaqi doona ee aan dili doono, suunkaan ka jeexi doono, sabeentaan ka iibin doono, sumalkay dhali doonto adaa umulee cabbuu yidhi, cabbi maayo bay tidhi” waa arrin sannado badani ka hadhsan yihiin, maantana inagaa halkaa marayna, markaa shirkadda lala heshiiyo ee timaada imisa sano ayay ku dhisaysaa deked tan imika jirta leeg? Waa waxaan inoo soo dhaweyn, cidda ina maal-geshaynaysaa markay dhamaystirto waxay inagu maal-geshaynayso ayuun baa heshiiskii markaa jiray la macaamilayaa, kaasoo noqonaya maxaa kharash ah ee shirkaddan ka galay dekedeena iyo sidaynu u siinaa, markaa waxay noqonaysaa sannado badan oo aan cayinayn.”

Guddoomiyaha Awal Galbeed oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyay. “ Ma jirto shirkad la siinayo dekeda Berbera, iyada oo aan waxba inoo qaban, waxaan leeyahay nin weliba ha u diyaar garoobo siyaasadda la isma siinayee siduu guul u keeni lahaa, guusha la keenayaa waa ninka ay ummadu u aragto inuu dantooda oo uu wanaagsan yahay ayay dadku codkooda siinayaan, laakiin ka caytamayana siin maayaan, ka guul-wadaha ahna siin maayaan, markaa kuwa guul-wadayaasha ah ee xukuumadda ka tirsanna waxaan leeyahay dadka ha ina nacsiinina.”

Oday Ismaaciil Seed ayaa isagana waxa hadalkiisii ka mid ahaa. “Arrintan dekeda ee laga hadlayo, waynu ognahay oo dekeda maamul baa inoo jooga, dawladna waynu leenahay, dawladdana qaarkood ha dhaliilaan oo ha yidhaahdaan meeshaan doonayaaye, laakiin waxa siyaasadda la yidhaahdaa waa iskuule ha soo bartaan oo ha bislaadaan.”

Waxa kale oo halkaas ka hadlay Cabdiraxmaan Cali Daahir waxaana ka mid ahaa hadalkiisii. “Waxaan leeyahay mucaaradka waad arkaysaan xisbigii Kulmiye bari iyo sida loogu soo dhaweeya, galbeed-na diyaar baanu u nahay inaanu sidaa iyo si kasii weyn ugu soo dhaweyno.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories