HomeOday Maxamuud Aadan Dheri oo Wasiirka Duulista ku Bogaadiyey Isbeddelada Madaarada dalka...

Oday Maxamuud Aadan Dheri oo Wasiirka Duulista ku Bogaadiyey Isbeddelada Madaarada dalka iyo Baaq uu u jeediyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Oday Maxamuud Aadan Dheri oo ka mid ah Guddida Horumarinta Gobolka Togdheer, ayaa si weyn u bogaadiyey isbeddelka Horumarineed ee Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi ka hirgaliyey Madaarada Somaliland, gaar ahaan garoomada diyaaradaha ee Hargeysa iyo Berbera.

Oday Maxamuud Aadan Dheri oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa maanta ayaa sheegay in Wasiirka Duulista Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi uu xaqiijiyey isbedde muuqda oo la taaban karo, isla markaana uu mudan yahay billad sharaf Qaran.

IMG_1319“Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa nagu casuumay laba wiig horteed dad faro badan Madaxweynuhuna uu ku jiray casuumaaddaas oo Madaarka Berbera ayaa la furayey, sida xaqiiqda ah aniga oo laba qaybood ka tirsan oo qaybi tahay Guddida Jaamacadda Burco, qaybina ay tahay Gudidda waddada cusub ee Ceerigaabo, madaarkii Berbera markaanu tagnay wax cusub ayaanu aragnay, todoba sanno horteed ayaan xajka tagayoo halkuu madaarku joogay iyo halkii itaalkiisu uu ahaa sidii dhismuhu uu ahaa ayaan aad u xasuustay madaarkii oo isbeddelay oo Daaro waaweyn oo qurux badan oo beero faro badan loo sameeyay oo aad yaabayso quruxdooda oo diyaaraduhu soo dhawaanayso oo ay imanayso halkaa hortooda, ayaan la kulmay, markii la yidhi qoladan Kuwaydiyiinta ah ayaa idinka caawisay oo gacan ku lahayd ayaan is idhi tolow ma Carabtii ayaad joogtaa, ilayn daartan maad arag markii kuugu dambaysay ee aad Xajka qabataye,” ayuu yidhi Oday Maxamuud Aadan Dheri, waxaanu intaas ku daray, “Markaas taasi aad iyo aad ayey ii farax galisay, sida xaqiiqda ah Wasaaraddaasi sida ay u shaqaysay, iyo sidii warbixintii nala siiyey sidii iyo xayndaabkan dheer ee taarka ah ee madaarka Berbera sida loo sameeyey ee Wasaaraddu u samaysay oo uu Wasiirkuna hormood u ahaa, markaas ayaan hadana xasuustay todobadaas sano horteed, isla wakhtigaas Hal dhalaysa oo diyaaradi jiidhay, qoladaas lamaan socan ee laakiin falaydkii ka danbeeyay ayaan ahaa oo ay madaarka ku jiidhay, ayaan xasuustay iyo maanta sida xayndaabka loogu sameeyey ee aan xoolo iyo dad midna u soo galaynin, iyo daarta dhismaheedii, taas aad iyo aad ayaan ugu hambalyeeyay Wasaaradda duulista iyo Wasiirkaba.”

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Togdheer Oday Maxamuud Aadan Dheri waxa uu intaas ku daray, “waxaan arkay inta uu Maxamuud Xaashi ka dhisay ee madaarada Hargeysa iyo Berbera, dabadeedna waxan idhi Qoodhaa iyo xeradaa, Wasiirkan iyo shaqaalihiisuba waxa ku wanaagsan bilad geesi in la siiyo, dee anuu kolay idin siiyey sida xaqiiqada ah, Madaxweynuhuna idin sii oo waakii labada Madaarba furay, intaasi waa waxyaabaha aan aad u jeclaystay, ee afar sano iyo badhka ay dawladdan Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) uu ka madax yahay ay badashay wixii dawladii hore ee Siyaad Bare ay masaxday, daaraha ay dhiseen meesha madaarka Caasimadu sida uu yahay, iyo waxa laga qabtay waa wax qiimo badan, halka la fadhiisanaayo ee soo dhaweynta dadka, beeraha iyo mutulasha yar yar waxaad is odhanaysaa dee yurub ayaad joogtaa,” ayuu yidhi Maxamuud Aadan Dheri.

Waxa uu Oday Maxamuud Aadan Dheri baaq u jeediyey Wasiirka Duulista iyo Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi, “Markaa waxaan leeyahay Wasiirka iyo shaqaalahiisu aad iyo aad ayey shaqo wanaagsan u qabteen, hadaba Wasiirka Maxamuud Xaashi Cabdi Waxaan leeyahay, adeer Burcaa hadhay ilayn Caasimaddii labaad ayaanu nahaye, Burco goorma ayaad tagaysaan ilayn anagu inta kale waanu ka weyn nahaye,”ayuu yidhi Maxamuud Aadan Dheri.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories