HomeObama Oo Si Ka Baxsan Baratakoolka Guriga Cad Ee Soo Dhoweynta Martida...

Obama Oo Si Ka Baxsan Baratakoolka Guriga Cad Ee Soo Dhoweynta Martida U Qaabilay Boqorka Sucuudiga

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Washington (SLpost)- Baratakoolka (Anshaxa) soo dhoweynta madaxa ee Guriga Cad ee Maraykanka ayaa madaxweynaha dalka faraya in martida uu Guriga Cad ku soo dhoweynayo uu ku qaabilo xafiiska  madaxweynaha ee Oval Office ka loo yaqaanno, kadibna inta aanay madaxweynaha iyo martidiisu kulanka rasmiga ah gelin uu halkaas ku soo dhoweeyo ereyo niyadwanaag iyo furfurnaan muujinayana.

Picture77-300x169

Haddaba markii dhowaan uu boqorka dalka Sucuudiga Boqor Salmaan Cabdalcasiis booqday Guriga Cad ayaa uu madaxweyne Obama jebiyey baratakoolkaas, waxa aanu boqorka kaga hortagay afaafka hore ee kadinka waaxda galbeed ee Guriga Cad, tallaabadaas oo lagu tilmaamay mid dhif ku ah habka soo dhoweynta madaxda ee Guriga Cad. Sawir-qaade Mark Noller oo Talefishanka CBS ee Maraykanka u jooga Guriga Cad ayaa sawirro uu bartiisa Twitter ku faafiyey waxaa ka muuqda Madaxweyne Barak Obama ooo ilbidhiqsiyo ka hor intii aanu qaabilin boqorka ka sii baxaya kadinka hore ee Guriga Cad si uu uga hortago boqor Salmaan iyo sawir labaad oo muujinaya boqorka iyo madaxweynaha oo ku soo wada socda dhismaha Guriga Cad.

Noller oo ka faalloonaya tallaabadaas uu Obama ku jabiyey Baratakoolka Guriga Cad ayaa ku qoray bartiisa Twitter ka, “Caado ma’ay ahaan jirin” Waxa aanu intaas ku sii daray, “Madaxweyne Obama oo ka muuqda barxadda Galbeed ee Guriga Cad si uu boqor Salmaan ugu soo dhoweeyo Guriga Cad” Mar kale ayaa uu saxafigan ka hawlgala gudaha Guriga Cad qoray, “Dhif ayaa ay dhacday in aan tan oo kale arkaa”

Si kastaba ha ahaato ee tallaabadan uu Obama ku jebiyey baratakoolka soo dhoweynta madaxda ee u dejisnaa Guriga Cad ayaa ay dad badani ku macneeyeen farriin siyaasi ah oo uu Obama uu ku muujinayo muhiimadda ay booqashada boqorku u leedahay Washington.

Warkan oo uu Geeska Afrika soo ururiyey ayaa lagu sheegay qodobbo kale oo aan caadi ahaan looga baran Guriga Cad ee Maraykanka oo uu Obama ku kacay markii uu soo dhoweynayey boqor Salmaan Cabdalcasiis, waxaana ka mid ahaa:

  1. Boqorka oo laga ilaaliyey in uu dul maro sibidhka ama dhulka oo aanay waxba ka xigin, meel kasta oo uu marayana loo dhigay roog cas, taas oo caadi ahaan aan laga isticmaalin Guriga Cad, madaxda timaadaana ay si caadi ah dhulka isaga dul socdaan.
  2. Amniga magaalada Washington oo aad loo adkeeyey si aan looga baran marka ay madaxda kale ee dunidu soo booqdaan Guriga Cad.
  3. Hudheellada la dejiyey boqorka iyo waftiga uu hoggaaminayo oo ka hor intii aanu boqorku iman qurxin iyo dib-u-cusboonaysiin lagu sameeyey.
  4. Warbaahinta dalka Maraykanka oo kaalin iyo fursad aad u weyn laga siiyey tebinta wararka safarka boqorka, taas oo aan hore u dhici jirin.

Dada siyaasadda Maraykanka u dhuun-daloolaa ayaa arrintan ku macneeyeen in Guriga Cad uu doonayey in muwaadiniinta caadiga ah ee Maraykan ay fahmaan muhiimadda uu Sucuudigu u leeyahay dalkooda iyo kaalinta mugga leh ee uu ku leeyahay bariga dhexe.

Xigasho Geeska Afrika

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories