HomeObama Oo Si Xun Qoomameeyay Hawl-gal Diyaaradihiisu Ku Dileen Laba La-hayste Oo...

Obama Oo Si Xun Qoomameeyay Hawl-gal Diyaaradihiisu Ku Dileen Laba La-hayste Oo Al-qaacida Gacanta Ugu Jiray

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Madaxweyne ahaan iyo hogaamiye ciidan ahaan waan qaadanayaa masuuliyada qaladkaas ay noloshooda ku waayeen Warren iyo Giovanni.”Hostages

Washington, (SLP)- Xukuumadda Washington ayaa si murugaysan u tidhi, “Waa wax aad looga xumaado dhimashada laba la-hayste oo ururka Al-qaacida gacanta ugu jiray, kuwaasoo ku dhintay hawl-gal lagu beegsanayay kooxdaas, kaasoo ka dhacay xuduudda  u dhexaysa Afghanistan iyo Pakistan horaantii sannadkan”

Aqalka cad ee looga arrimiyo Mareykan ayaa sheegay maanta in Warren Weinstein oo u dhashay Mareykanka iyo Giovanni Lo Porto oo u dhashay Talyaaniga ay diyaaradaha aan ciddi wadin ee loo yaqaan drones oo hawl-gal ay ku beegsanayaan Al-qaacida si kama’ ah ugu dileen.

Madaxweyne Barack Obama ayaa sheegay in Mareykanku kala shaqeynayay Talyaaniga sidii Weinstein iyo Lo Porto loo soo badbaadin lahaa. “Sida ay sheegeen warbixinaha sirdoonku waxa hawl-galkaas ka dhanka ahaa Al-qaacida si kama’ ah ugu dhintay Warren iyo Giovanni bishii January,” ayuu yidhi Obama.

“Madaxweyne ahaan iyo hogaamiye ciidan ahaan waan qaadanayaa masuuliyada hawl-galkaas sida lama filaanka ah ay noloshooda ugu waayeen Warren iyo Giovanni.”

“Waa dhacdo aad u qadhaadh, in qalad noocaas oo kale ahi uu dhaco.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Weinstein oo u dhashay dalka Mareykan ayay ururka Al-qaacida ka qabteen August 2011-kii bariga Pakistan ee Lahore, ka dib markii ay ku weerareen gurigiisa.

Lo Porto oo  39 sanno jir ayaa isaguna ahaa shaqaale dhinaca gargaarka ah, isla markaana sanadkii 2012-kii ay Al-qaacida ka qabteen Pakistan.

Sidoo kale Aqalka cad ee Mareykanka ayaa sheegay in hawl-galkaas ay ku dileen hogaamiye ka tirsan ururka Al-qaacida, kaasoo lagu magacaabo, Ahmed Farouq.

 

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories