HomeObama Oo Qaadacay Go’aanka Madaxweyne Donald Trump

Obama Oo Qaadacay Go’aanka Madaxweyne Donald Trump

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

(SL.Post) Madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama ayaa ka baxay aamusnaanta waxaana uu taageeray dadka banaanbaxyada wada kuwaas oo ka soo horjeeda go’aanka Madaxweynaha Maraykanka uu mamnuuc uga dhigey dadka Muslimiinta ah ee u dhashey 7 dal oo ku yaala Bariga Dhexe iyo Afrika in ay imaan karaan Maraykanka muddo 90 maalmood ah.

“Muwaadiniintu waxay muujinayaan awoodda uu dastuurku siinaayo ee ah in ay isu imaan karaan, kulamo qabsan karaan oo is abaabuli karaan si codkooda loo maqlo iyaga oo filan kara qiimaha Ameerika”ayuu yidhi afhayeen u hadley Obama oo lagu magacaabo Kevin Lewis.

Kevin Lewis ayaa sheegay in Obama iska fogeynaayo in dadka la fuquuqo iyada oo la eegayo diintooda, sida ay qortey Politico.

Trump oo waraysi siiyey Telefishanka ka hadla arrimaha Masiixiyiinta Christian Broadcasting Network ayaa sheegay dadka Kirishtaanka ah ee u dhashey dalka Siiriya in iyaga la soo dhaweynaayo taas oo muujineysa in go’aankiisu yahay mid diin gaar ah la fuquuqayo.

Inta badan Madaxweynayaasha xilka ka dega ee Maraykanka ayaan canaabereyn ama ka hadlin shaqooyinka Madaxweynaha xilka kala wareegay, inkasta oo Obama oo horey u sheegay in aanu dhaqankaas ilaalin doonin haddii uu arko wax khaldan uu hadlaayo.

Geesta kale, Donald Trump ayaa shaqada ka eryay xeer ilaaliyaha guud ee dalka Mareykanka , ka dib markii ay su’aal galisay sharcinimada mamnuucitaanka qaxootiga.

War qoraal ah oo ka soo baxay Aqalka Cad ee looga arrimiyo Maraykanka ayaa lagu sheegay in Yates “ay khiyaantay” waaxda cadaaladda

Sally Yates, oo madaxweynihii hore si kumeelgaadh ah ugu magacaabay in ay noqoto ku simaha xeer ilaaliyaha guud, ayaa sheegtay in aanay ku qanacsaneyn in amarka Trump ee uu ku mamnuucaya dadka ka yimaada todobo dal oo Muslim ah, uu yahay mid sharciga waafaqsan.

Warqad ay u dirtay qareennada wasaaradda cadaaladda Maraykanka, isla markaana lagu daabacay warbaahinta, ayay ku sheegtay in amarka Trump la horgeeyay maxkamado heerar kala duwan leh.

Madaxweyne Trump ayaa awood u leh xilka qaadista uu ku sameeyay Sally Yates, waxaana uu sugayaa in aqalka Senate uu u ansixiyo Jeff Sessions, oo uu jagadaasi u magacaabay.

 

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories