HomeObama Oo Ku Kaftamay In Qaar Badan Oo Ka Mid Ah Madaxda...

Obama Oo Ku Kaftamay In Qaar Badan Oo Ka Mid Ah Madaxda Dunidu Aanay Maskax Ahaan Fayoobayn

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...


Washington (SLpost)- Si is-kallifaad la’aan ah oo aan looga baran, aadna uga fog dunida siyaasadda ee kaftan la’aanta lagu yaqaanno ayaa uu Madaxweynaha Maraykakna Barack Obama dhowaan mar uu la hadlay barnaamijka maadays oo caan ah uga hadlay arrimo badan oo khuseeya nolosha iyo siyaasadda, waxa aanu sheegay in qaar badan oo madaxda dunida ka mid ah aanay maskaxdoodu fayoobayn. “Gebi ahaanba waa ay caqli beeleen”

Barnaamijka Comedians in cars getting coffee” Maajaajileeyayaal gaadhi ku dhex bunaynaya ayaa Obama uu dhinac fadhiyey Majaajilastaha isla markaana saxafiga ah ee Jerry Seinfeld oo ay wada saarnaayeen gaadhiga Jerry uu barnaamijkan u doortay oo ahaa Tagsi shidh keliya ah ahaa nooca loo yaqaanno Corvette Stingray, sancadiisii soo baxday sannadkii 1963 kii kaas oo ay ku soo dhex wareegeen Guriga Cad.

Obama waxa uu sheegay in muddadii Toddobada sano ka badnayd ee uu xilka hayey uu la kulmay madax aan maskax ahaan fayoobayn. Markii majaajilayste Jerry weydiiyey, tiradoodana waxa uu Obama ku jawaabay, “Aad baa ay u badan yihiin” isaga oo intaas ku sii daray, “Mar kasta oo ay sii dheeraato muddada ay xilka haynayaanna waxaa sii kordhaya suurtogalnimada in ay waashaan”

Majaajilaystaha iyo madaxweynaha oo gaadhiga markii ay ku soo wareegeen haddana wada fadhiistay qaybta bunka iyo cuntooyinka ee loogu talogalay shaqaalaha Guriga Cad waxa ay ka sheekaysteen dhibta iyo ceebaha ay leedahay in qofku uu caan noqdo, iyo sida ugu habboon ee qofku uu ula macaamili karo dadka damiinka ah (Ama Doqonnada) iyo weliba daqiiqadihii ugu adkaa ee soo maray sannadahaas uu madaxweynaha ayaa si kaftan ah su’aashaa dambe ee daqiiqadihii ugu adkaa kaga jawaabay, “Waa suurtogal in ay hadda tahay”

Barnaamijkan oo socda 20 daqiiqo oo keliya waxaa uu Jerry hadba ku waraystaa mid uun ka mid ah majaajilaystayaasha caanka ah, labaatanka daqiiqana bun ayaa ay ku wada dhex cabbaan gaadhiga. Barnaamijkan waxaa si gaar ah dadka uga yaabiyey sida iska furan ee uu Obama uga hadlay arrimo badan oo siyaasiyiinta ku adag, waxa uu ka sheekeeyey dabeecaddiisa shakhsiga ah oo ay ka mid tahay in marka uu aad u cadhoodo uu caytamo, in dharkiisa hoose ee uu leeyahay (Garan iyo Nigis) dhammaantood isku wada midab yihiin, in isagu uu gadhkiisa xiirto subax kasta ka hor inta aanu shaqada u soo bixin.

Obama oo ka sheekaynaya habeenkii ugu horreeyey ee uu Guriga Cad u hoyday ayaa sheegay in maalin munaasabado kala duwan (Dhaartii iyo Caleemo-saarkii) iyo hawlo badan daal leh kadib, “ayaa aan qolka soo galay oo inta aan hareeraha idhi, “Waar niyoow hudheelna ma’aha meeshu ee tol’oow xaggeed joogtaa?”

Ugu dambayntii Madaxweyne Obama waxa uu Jerry daawadsiiyey baabuurka madaxweynaha Maraykanka u gaarka ah oo lagu magacaabo The Beast (Bahalka), isaga oo iska dhigaya in uu u faanayana waxa uu ku yidhi, “Batam keliya oo aan taabto ayaa aan kula hadli karaa kooxda saaran Gujiska sida Nukliyeerka ee Maraykanka. Laakiin adigu taas oo kale ma lihid”

 Xigasho Geeska Afrika
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories