HomeObama oo Difaacay Talaabaddii Turkigu Ku soo Riday Diyaaradda Ruushka

Obama oo Difaacay Talaabaddii Turkigu Ku soo Riday Diyaaradda Ruushka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama ayaa difaacay tallaabadii dowladda Turkiga ay kusoo rideen shalay mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka Ruushka, xilli madxweynaha Ruushka Putin uu sheegay inay cawaaqib-xumo ka dhalan doonto diyaaradda lasoo riday.

Barack Obama ayaa sheegay in Turkiga uu xaq u leeyahay inuu difaacdo dhulkiisa, isagoo xusay inay Turkiga uu madax-banaan yahay, tallaabadii uu qaadanayna ay ahayd mid uu ku ilaashanayay xorriyadiisa dhuleed.

Sidoo kale, Obama iyo madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyib Erdogan ayaa ku wada-hadlay taleefoon, waxaana Obama uu xusay inay muhiim tahay in xiisadda la dajiyo, isla markaana la helo warbixin rasmi ah oo ku saabsan sida wax u dhaceen.

Madaxweynaha Turkiga Recep Erdogan ayaa dhankiisa difaacay tallaabadii ay kusoo rideen diyaaraddii dagaal ee uu Ruushku lahaa, wuxuuna ku tilmaamay inay kusoo xadgudbeen hawadooda.

Dhanka kale, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon ayaa isagana xusay walaac uu ka qabo diyaaradda laga soo riday Ruushka, wuxuuna ku baaqay in la qaboojiyo xiisadda oo aanu dhicin wax gacan-ka-hadal ah.

Isbahaysiga NATO oo uu Turkigu qayb ka yahay ayaa ugu baaqday Turkiga iyo Ruushka inay xaalada dajiyaan, iyadoo isbahaysigu uu sheegay inay si dhow ula socon doonto dhaq-dhaqaaqyada labada dhinac.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa ka digay cawaaqib-xumo ka dhalan karta diyaaraddii laga soo riday, wuxuuna sheegay inay ahayd diyaaraddii laga soo riday mid lagu dhabar-jabinayo howlgalkooda Suuriya.

 

 

 

 

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories