HomeNuxurka Waxyaabaha lagaga hadlay Kulan Dhexmaray Ergayga Qaramada Midoobay iyo Shir-guddoonka Golaha...

Nuxurka Waxyaabaha lagaga hadlay Kulan Dhexmaray Ergayga Qaramada Midoobay iyo Shir-guddoonka Golaha Wakiillada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Waxa saaka uu kulan ku dhexmaray Xarunta Golaha Wakiilada Shirgudoonka Golaha Wakiilada oo uu weheliyo Xoghayaha Guud ee Goluhu iyo wafti uu hogaaminayo Madaxa UN-ka Hawlgalka Somalia iyo Somaliland Nicolas kay.

Kulankan oo ahaa mid arimo farabadan laysla soo qaaday ayaa waxaa furay shirka Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane C/raxman maxamed C/laahi (Cirro) kaas oo kala hadlay u qaybsanaha arimo farabadan oo ay ka mid ahaayeen:

shirguddoon_KayUgu horayn waxa uu Guddoomiyuhu kala hadlay Qadiyada Somaliland isaga oo carabka ku adkeeyay in aan marnaba arinta Somaliland Madaxbanaanideedu ay tahay mid aan inaba wax gor-gortan laga galayn.

Waxa kale oo uu Gudoomiyuhu u waramay in Somaliland ay hayso wadada horumarka iyo Dimuquraadiyanta taas oo loo baahanyahay in kor loo sii qaado.

Waxa sidoo kale uu sheegay in ay jiraan arimo u baahan in wax laga qabto oo Somaliland hada culays wayn ku ah taas oo ay kamid tahay shaqo la’aanta dhaliyarada Somaliland oo badankoodu aan maanta wax shaqo ah heli Karin.

Xaga nabadgelyada ayuu sidoo kale Gudoomiyuhu sheegay in ay u baahanyihiin in UN-tu wax kala qabato, sidoo kale arinta doorashooyinka ayuu sheegay Gudoomiyuhu in ay Somaliland ka caawiyaan oo ay u soo diraan Goobjoogayaal. Waxa kale oo uu ka waramay Gudoomiyuhu in Xeerkii diiwaangelinta ay ansixiyeen Golaha wasiiradu iyadoo dhawaana la horkeeni doono Goleyaasha sharci dejinta oo lagu dhamayn doono mudo Saddex todobaad ah.

Dhinaca kale waxaa uu Gudoomiyuhu kala hadlay in khilaafaadka Xaga Xuduudaha ee ka dhaxeeya Somaliland iyo wadamada jaarka ah, uu aaminsanyahay in lagu dhameeyo sida ugu wanaagsan ee wada hadal ah. Sidoo kale waxa uu Gudoomiyuhu ku u cadeeyay in ay taageersanyihiin wada hadalada Somaliland iyo Somalia oo ilaa hada arimaha laga gaadhay ay ka mid tahay arinta Xaga hawada taas oo hada dawlada Somalia ay ka baxday taas oo uu Gudoomiyuhu sheegay in loo baahanyahay in la hirgaliyo, si ay wadahadaladu hore ugu sii socdaan. Iyo in loo baahanyahay in la balaadhiyo kasoo qayb galayaasha shirarka sidii ay markii horeba ku bilaabmeen taas oo ay kasoo qayb gali jireen wadamo kale meesha shirka lagu qabanayo.

Intaas kadib waxaa isna hadalka la wareegay Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Wakiilada mudane Cali yusuf Axmed oo isna ka waramay Qadiyada Somaliland iyo sida ay lama taabtaanka u tahay, waxa uu sheegay in waxyaalaha ay Somaliland ay nabadgalyada u tahay ay ka mid tahay inay maanta Xoriyada buuxda haysato oo ay ka go’day Somalia, kadib markii midawgii Somalia ay Somaliland ku khasaartay ee ay kala kulantay Xasuuq.

Sidoo kale waxaa uu Gudoomiye Cali yusuf tusaale usoo qaatay in ay maanta jiraan wadamo si nabadgelyo ah u kala go’ay sida wadankii la odhan jiray Checkslovakia oo hada noqday Check Republic iyo Slovakia sida la arkayna ay hada ka wanaagsanaadeen markii laysku jiray, waxa kale oo uu Gudoomiyuhu soo qaatay in aanay suuragal ahayn in dadkii isku qoomiyad ahiba ay hal dal yeeshaan taasna aanay ahayn wax suuro galaya.

Intaas kadiba waxaa hadalka lagu wareejiyay Madaxa hawlgalka Qaramada midoobay ee Somalia/Somaliland kaas oo ugu horayn sheegay in Xafiiskiisu uu leeyahay laba qaybood qaybta siyaasada iyo qayb bini’aadam nimo, iyadoo uu sheegay in qaybta siyaasadu anaanay ka shaqaynin Somaliland, balse UN-tu ay Somaliland joogtay mudo aad u dheer isla markaana ay Somaliland kala shaqaynaysay arimaha bini’aadamnimada.

Waxa uu sheegay in UNSOM ay leedahay qaybo faa’iido u yeelankara Somaliland oo ay doonayaan inay kala shaqeeyaan sida:

  • Arimaha Gender-ka
  • Saxaafada
  • Arimaha Bini’aadamnimada
  • Dhismaha hay’adaha Dawladeed
  • Nabadgelyada
  • Cadaalada
  • Police-ka

Sidoo kale waxa uu Nicolas kay ku aamay Somaliland nidaamka dimuquraadiyadeed ee ka jira Somaliland kaas oo uu sheegay inay tusaale u tahay wadamo farabadan oo ay somaliyana ku jirto.

Waxa uu sheegay inay dhiirigalinayaan wadahadalada Somaliland iyo Somalia iyagoo ku dadaali doonaan in arimaha kasoo baxa si la fuliyo. Balse uu isagu usoo diran doono dad uga soo warama xafiiskiisa arimah doorashada.

Arinta xaga Goobjoogayaasha wax uu sheegay in xafiiskiisani aanu go’aamin Karin xafiiskiisu balse ay tahay in Xubnaha Qaramada midoobay ay ogolaadaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay dhiirigalinayaa wadahadalada Turkiga dhawaan in dhakhso loo bilaabana ay ka shaqaynayaan isagoo sheegay in arinta Gudoomiyuhu ka dhawaajiyay ee ah in la balaadhiyo goob joogayaashana laga hadli doono.

Sidaas ayuu kusoo gabagaboobay kulankii shirgudoonka Golaha Wakiilada iyo Madaxa Xafiiska UNSOM.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories