HomeNuxurka Warqad Xambaarsan Ashkato ka dhan ah Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Xisbiga...

Nuxurka Warqad Xambaarsan Ashkato ka dhan ah Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Xisbiga UCID u Gudbiyey Madaxweynaha Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa madaxweynaha Somaliland u gudbiyey dacwad ka dhan ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Md Cali Maxamed Waran-cadde oo ay ku eedeeyeen inuu ku kacay tallaabo dhabar-jab ku ah Siyaasadda Dalka.

Waxa sidaas lagu xusay Warqad madaxweynaha looga ashkatoonayo dhaliilo wasiirka Arimaha Guduhu u jeediyey Xisbiyada Mucaaradka, ciwaanna looga dhigay “Dacwad ku xadgudub sharci (Wasiirka Arimaha Gudaha JSL)”, oo uu ku saxeexan yahan Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe.

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Md Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa labada Xisbi ee UCID iyo Waddani ku eedeeyey inaanay mucaaradnimadoodu ku koobneyn siyaasadda Gudaha ee dalka, balse ay jirto farogelin dibadeed oo ay u adeegayaan.

FAYSAL-NEWONEXisbiga UCID waxa uu Madaxweynaha Somaliland ka dalbaday inuu Shacabka u caddeeyo inuu wasiirkiisa Arrimaha Gudaha la qabo aragtidiisa uu ku tilmaamay Axsaabta Mucaaradka, taas oo sida ay tilmaameen haddii aan wax laga qaban qas iyo jah-wareer ku abuuri karto deggenaanshaha iyo dimuqraadiyadda dalka.

War-saxaafadeedkaas, ayaa isaga oo dhammaysitran u qornaa sidan: “Marka hore salaan qadarin iyo karaamo leh ayaanu kuu soo gudbinaynaa.

Waxaanu kula socodsiinaynaa Mudane Madaxweyne inuu Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cali Maxamed Warancade uu ka sii daayay warbaahinta waraysi dhabar jab ku ah hab-dhaqanka siyaasada dalka oo uu dusha uga tuuray xisbiyada mucaaridka ah ee qaranka.Waxayna noqotay lama filaan iyo u qaadan-waa.Nuxurka waraysigaasi waxuu ku soo ururaayaa laba arrimood:

1.Xisbiyada mucaaridka ah ee Qaranku inay yihiin Qaran dumis oo laga soo abaabulo, lagana soo maal geliyo Somaliya.

2.Hay’adaha amniga iyo sirdoonku inay ku hawlan-yihiin dabagalka iyo xuuraanka dhaq-dhaqaaqa xisbiyada mucaaridka iyo xuquuqda iyo xoriyaadka shacabka JSL. Taas oo toos uga hor-imanaysa dastuurka qaranka Jamhuuriyada Somaliland ee amniga iyo nabadgelyada.

Annagoo kalsooni kugu qabna Mudane Madaxweyne,waxa aanu kaa filaynaa inaad shacabka u cadayso inaanad la qabin aragtida wasiirka arrimaha gudaha oo abuuri karta qas ka yimaada shacabka iyo hab-socodka dimuqraadiyada ee aynu ku dhaqano.

Sidaa darteed Mudane Madaxweyne,waxa aanu kaaga fadhinaa inaad:

A) Shacabka u cadayso inaan xisbiyada mucaaridka ah laga soo abaabulin,lagana soo maal-gelin Somaliya.

B) Xisbiyada mucaaridka ah ee qaranku inay leeyihiin awood,qadarin iyo karaamo la mid ah xisbul-xaakimka.

Ugu dambayntii, waxannu xisbi ahaan kaa dhawraynaa tallaabo waafaqsan sharciga, Distoorka iyo danta guud ee qaran, in aad ka qaaddo deel-qaafka  Wasiirka Arrimaha Gudaha. Haddii kale waxad dariiqa u furaysa inuu lumo ku- dhaqanka sharcigu (rule of law), madaxda xukuumadduna u dhaqmaan sidii xukunkii digtaatooriga ahaa ee la iska xoreeyey.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories