HomeNuxurka Warqad Uu Warancade U Qoray Madaxweyne Siilaanyo Oo Uu Ku Sheegay...

Nuxurka Warqad Uu Warancade U Qoray Madaxweyne Siilaanyo Oo Uu Ku Sheegay Inaanu Qaban Karin Xilka Wakiilnimo, Kagana Dalbaday Xil Cusub

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa  (SL.Post) Wasiirkii  hore ee arrimaha gudaha Md. Cali Maxamed Warancade, ayaa Madaxweyne Siilaanyo si rasmi ah u weydiistay inuu ka aqbalo codsi uu ku weydiistay inuu u magacaabo la taliye islamarkaana uu ka aqbalo inaanu qaban karin xilka wakiilka Somaliland ee Itoobiya oo hore loogu magacaabay.

warancade11-jpg

Warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in Cali Warancade uu maalmo ka hor Madaxweyne Siilaanyo oo uu si toos ah ugu tagay uu u gudbiyay dhambaal uu ku sheegay inaanu wakhti xaadirkan qaban karin xilkaas sababo u gaar ah darteed. Sidaas darteed uu Madaxweyne Siilaanyo ka codsanayo inuu u magacaabo xil la taliye, si aanu uga bixin gudaha dalka, sidoo kalena uu ka aqbalo inaanu xilkaas wakiilnimo wakhtigan qaban karin.

 

Cali Warancade, ayaa sidoo kale wuxuu warku sheegay inuu Madaxweyne Siilaanyo u gudbiyay tallo ku saabsan lixda goobood ee waqooyiga Hargeysa.

 

Ma jirto wax jawaab ah oo uu Madaxweyne Siilaanyo ilaa hadda ka bixiyay dalabka Cali Maxamed Warancade, waxaanay u muuqataa in Madaxweyne Siilaanyo samaynayo la tashiyo ku saabsan go’aanka uu ka gaadhi doono codsiyada Cali Warancade.

 

Cali Warancade, ayaa go’aankan gaadhay ka dib la tashiyo uu la sameeyay taageerayaashiisa oo u muuqda inay ku qanciyeen inaanu qaban xilkaas wakiilka Itoobiya oo uu markii hore si cad u sheegay inuu isagu Madaxweynaha ka dalbaday qabashada xilkaas islamarkaana uu aqbalay.

 

 

 

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories