HomeNuxurka Warqad Uu Madaxweyne Siilaanyo Shalay U Qoray Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Nuxurka Warqad Uu Madaxweyne Siilaanyo Shalay U Qoray Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shalay warqad qoraal ah u gudbiyay guddiga doorashooyinka qaranka, taas oo uu kaga dalbaday inay hirgeliyeen dib u dhigista diiwaangelinta cod bixiyayaasha ee bisha ah.

1

Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaali, Madaxweyne Silaanyo wuxuu guddiga doorashooyinka ugu horayn uga mahadceliyay sida ay uga soo baxeen hawsha baaxadda leh ee diiwaangelinta cod bixiyayaasha oo uu qoraalkiisa ku xusay in wejigii hore oo uu ku qiyaasay 50% lagu guulaystay, rajona uu ka qabo in qaybta dambe guul laga gaadho, isagoo soo hadal qaaday in casharo badan laga bartay diiwaangelintan cod bixiyayaasha.

Sida ay xoguhu Geeska Afrika u xaqiijiyeen, Madaxweyne Siilaanyo wuxuu qoraalkiisa ku sheegay in aqlabiyada dhinacyada ay khusayso diiwaangelintu ay isla qaateen dib u dhigista diiwaangelinta, isagoo xusay in shirguddoonka labada gole baarlamaan iyo labada xisbi ee UCID iyo KULMIYE ay aqbaleen in diiwaangelinta abaarta jirta darteed dib loogu dhigo. Wuxuu sidoo kale Madaxweyne Siilaanyo qoraalkiisa ku sheegay in xisbiga Waddani aanu la qaadan soo jeedintan dib u dhigista diiwaangelinta, waxase uu sheegay inuu xisbigaas ku boorinayo inay aqbalaan arrintan oo uu ku tilmaamay dan qaran.

Madaxweyne Siilaanyo, sida ay xogahani tilmaameen wuxuu kaloo qoraalkiisa ku sheegay inay ka go’antahay inay doorashooyinka Madaxtooyada iyo Baarlamaanku ku qabsoomeen wakhtiga loo asteeyay ee uu isaguna digreetada ku soo saaray, maxkamada sarena ta’kiidisay.

Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu kaloo ka dalbaday golaha wakiilada in kaabis iyo wax ka bedel lagu sameelyo xeerka doorashooyinka ee khuseeya soo saarista natiijada diiwaangelinta cod bixiyayaasha.

Xigasho Geeska Afrika

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories