HomeNuxurka Warqad Saleebaan-Gaal dhiggiisa Wakiillada kaga dalbaday Sixitaan Sharci iyo Jawaabta Guddoomiye...

Nuxurka Warqad Saleebaan-Gaal dhiggiisa Wakiillada kaga dalbaday Sixitaan Sharci iyo Jawaabta Guddoomiye Cirro ku celiyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, ayaa shalay qoraal kaga jawaabay warqad Guddoomiyaha Golaha Guurtidu kaga dalbaday wax-ka-beddel iyo sixid lagu sameeyo Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo todobaadkii hore Guurtidu Hakad gelisay meelmarintiisa ka dib markii Golaha Wakiillada oo xeerkan ansixiyey u gudbiyeen Aqalka Odayaasha.

Shir-guddoonka Golaha Guurtida Guurtida Somaliland, ayaa tallaabada ay xeerka ku hakiyeen ku sababeeyey, ka dib markii sida ay sheegeen uu soo baxay kala-duwanaansho u dhexeeya nuqulka xeerka loo gudbiyey Guurti ahaan iyo Nuqulkii ay ansixiyeen Golaha Wakiillada, iyada oo la fasaxay muddo 45 maalmood ah Golaha oo ku gudo-jiray ka-doodista Ajandayaasha Kalfadhigooda.

Cirro iyo Saleebaan-gaalWarqad uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, laguna socodsiiyey shir-guddoonka Wakiillada, Ujeeddadiisu ahayd wax-ka-beddel iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha ee Xeer Lr. 37/2007, waxa uu ku war-geliyey inay inay kala duwan yihiin nuqullada xeerka Guurtida loo gudbiyey iyo kii ay mudaneyaasha Wakiilladu hore u ansixiyeen.

Warqadda Guddoomiye Saleebaan u diray Shir-guddoonka Wakiillada oo nuqul ka mid ah Wargeyska Himilo helay, waxa uu ka codsaday shir-guddoonka Wakiillada inay soo gudbiyaan nuqulka rasmiga ah ee mudaneyaasha wakiilladu ansixiyeen.

Warqadda Guddoomiye Saleebaan u qoray Shir-guddoonka Wakiillada, waxa ay u qornayd sida tan:- “Wax ka beddelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta codbixiyeyaasha Xeer Lr. 37/2007 ee aad Golaha u soo gudbiseen, kuna lafaaqan halkani iyo kii aad Golaha ka ansixiseen farqi ayaa u dhexeeya sida ku cad qodobbada 7aad, farqaddiisa 2aad, 25aad iyo 26aad.

Sidaa daraasadeedna, waxa la idinka codsanayaa in aad is-waafajisaan, soo gudbisaan nuqul rasmi ah oo ah kii Golaha ka ansaxay,” sidaas ayuu guddoomiye Saleebaan ku sheegay qoraalkeeda.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, ayaa markii ay warqaddaasi gaadhay, waxa uu dhiggiisa golaha Guurtidu u qoray warqad uu kaga jawaabayo dalabka guddoomiye Saleebaan.

In kasta oo aanay noo suurto-galin inaanu helno qoraalka Guddoomiye Cirro ugu jawaabay Saleebaan-gaal, haddana waxa noo suurta-gashay inaanu helno xogta warqaddaasi xambaarsanayd aanu wax ka weydiinnay xildhibaano ka tirsan golaha Wakiillada.

“Warqad buu qoray Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu uu sida Sharciga ah ee Golayaashu isugu gudbiyaan Warqadaha uu ugaga jawaabay qoraalka Shir-guddoonka Guurtida. Waxaanan ogahay inay Guddoomiyaha Wakiillada Cabdiraxmaan-Cirro iyo Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan ay is-arkeen oo way isu yimaaddeen qoraalladaas ka dib, si fiicanna isu-afgarteen, laakiin faahfaahin intaa dheer oo aan ka sheegi karaa ma jirto hadda.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland oo Himilo wax ka weydiiyey waxa uu kala socdo Qoraallada ay is-weydaarsadeen shalay Shir-gudoonka Guurtida iyo Wakiilladu.

Xildbibaan kale oo ka tirsan golaha Wakiillada, ayaa nuxurka ay xambaarsanayd jawaabka guddoomiye Cirro siyaabo kala duwan u fasiray. “Qoraalka Ujeeddadiisu waxa weeye ama ay ahayd wax ka beddel, kaabis, oggolaansho iyo diidmaba wuu leeyahay, iyo qodobka 78-aad buu ka hadlayaa ee hab-raaca Golayaasha Xeer-dejinta.” Sidaana waxa yidhi Xildhibaanka oo Himilo wax ka weydiiyey qoraalka Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu isla shalay u qoray Dhiggiisa Guurtida.

@HIMILO

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories