HomeNuxurka War-saxaafadeed ay soo saareen Kor-joogayaasha Caalamiga ah ee Doorashooyinka Somaliland

Nuxurka War-saxaafadeed ay soo saareen Kor-joogayaasha Caalamiga ah ee Doorashooyinka Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Kormeerayaal ahaan, kaalintayadu maaha keliya ololaha, maalinta codaynta iyo natiijada oo keliya, laakiin waxa kale oo noo muhiim ah xeerarka doorashooyinka iyo sida loo fulinayo” – Prof. Michael Walls

Hargeysa (SLpost)- Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, waxa soo gaadhay 12 xubnood oo ka mid ah kor-joogayaasha Caalamiga ah oo goob-joog ka noqon doona Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada oo la filayo inay dalka ka qabsoomaan 31-ka bishan May.

blankKooxdan ka tirsan Kor-joogayaasha Caalamiga ah oo Kormeeri Doona Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka iyo Wakiillada Somaliland, ayaa maanta kulan ka qaatay Guddiga Doorashooyinka Qaranka, waxaanay kulankaas kaddib soo saareen war-saxaafadeed ay kaga hadleen natiijada kulankaas, muhiimadda ay leeyihiin doorashooyinka Isku-sidkan ee Goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada iyo doorka ay kor-jooge ahaan ka qaadan doonaan Doorashooyinka.

War-saxaafadeedka oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta Somalilandpost.net, ayaa u qornaa sidan:-

“Guddiga Doorashooyinka Qaranku waxa ay martiqaadeen Kor-joogayaasha Caalamiga ah ee Doorashooyinka oo uu maalgeliyay Xafiiska Horumarinta iyo Barwaaqo Sooranka ee Dalka Ingiriisku. Kor-joogayaasha waxa soo qabanqaabisay Waaxda Horumarinta iyo Qorshaynta ee Jaamacadda UCL ee Magaalada London. Kor-joogayaasha Caalamiga ahi waxa ay kormeeri doonaan doorashooyinka si waafaqsan Heshiiska Mabaadii’da Caalamiga ah ee Kor-joogayaasha Caalamiga ah, kuwaas oo awoodda saaraya dhexdhexaadnimada kor-joogennimada.

Kormeerku waxa uu noqon doonaa saddex qaybood. Qaybta koobaad, toddobaadyada ka horreeya inta la gaadhayo maalinta codbixinta, waxa ay kor-joogayaashu qiimayn doonaan, arrimaha Sharciga, ololaha iyo u diyaar-garawga doorashooyinka, taas oo ay samayn doonaan khubaro caalami ah oo aan dalka joogin oo ay caawinayaan khubaro dalka gudihiisa ku sugan oo la shaqaynaya. Qaybta labaad waa maamulka kor-joogayaasha iyo kor-joogayaal muddo kooban joogi doona dalka kana kala imanaya dalalka Masar, Itoobiya, Faransiiska, Jarmalka, New Zealand, Koonfur Afrika, Ingiriiska, Maraykanka iyo Saambiya,  kuwaas oo kormeeri doona ololaha iyo u diyaargarawga doorashada toddobaadka ka horreeya doorashada. Waxa ay kormeeri doonaan cod bixinta, tirinta codadka iyo isu geynta tirada codadka ee meelo badan oo ka mid ah Somaliland intii suuragal ah. Doorashada ka dib waxa ay kormeerayaashu  la sii socon doonaan xaaladda iyaga oo ay la shaqaynayaan wakiillo maxali ah iyo daneeyayaasha arrimaha Somaliland. Kor-joogayaasha caalamiga ahi waxay ay soo saari doonan war-bixin iyo talooyin la xidhiidha doorashooyinka, muddo aan ka badnayn afar bilood doorashada ka dib.

blankTani waa doorashii shanaad ee ay ka qaybgelayaan Kor-joogayaal Caalami ah oo ka socda waaxda Horumarinta iyo Qorshaynta ee Jaamacadda UCL laga soo bilaabo sannadkii 2005. Waajibaadka Kor-joogayaasha Caalamiga ah waxa ka mid ah qiimaynta Xeerka guud ee Doorashooyinka Somaliland iyo Diiwaangelinta Cod bixiyayaasha iyo sida loo dhaqan geliyay. Doorashooyinku waa astaan muhiim ah oo muujinaysa dimuqraadiyadda Somaliland; dhowr goor oo dib u dhac ku yimid labada doorasho, tani waa markii ugu horraysay ee la isku sidko doorashada wakiillada iyo dawladaha hoose.

Professor Michael Walls oo ka socda waaxda Horumarinta iyo Qorshaynta ee Jaamacadda UCL, ahna madaxa Kor-joogayaasha Caalamiga ah ayaa yidhi isaga oo daba socda kulan wada shaqayneed oo ay maanta la yeesheen Guddida Doorashooyinka Qaranka:  “Doorasho kastaa waa muhiim, doorashooyinka imika dhacayaa iyada oo ah markii labaad ee ay Somaliland qabato doorashooyinka golaha wakiillada, waxa ay noqon doonaan Gole Wakiillo oo ku soo baxay codka dadwaynaha. Isku darista labada doorasho ee deegaanka iyo golaha wakiilladu waxa ay sii kordhinaysaa muhiimadda codka ee bulshada reer Somaliland. Kormeerayaal ahaan, kaalintayadu maaha keliya ololaha, maalinta codaynta iyo natiijada oo keliya, laakiin waxa kale oo noo muhiim ah xeerarka doorashooyinka iyo sida loo fulinayo”, sidaas waxa yidhi Prof Michael Walls.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories