HomeNuxurka War-murtiyeedyo Is-xambaar ah oo ka soo baxay Gunaanadka Shirkaha Beelaha Bariga...

Nuxurka War-murtiyeedyo Is-xambaar ah oo ka soo baxay Gunaanadka Shirkaha Beelaha Bariga iyo Galbeedka Burco

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

blankBurco (SLpost)- Waxa maanta si rasmi ah magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer lagu soo gebo-gabeeyey Shir-beeleed maalmihii u dambeeyey magaaladaas uga socday Beelaha Bariga iyo Galbeedka Burco, waxaana laga soo saaray laba war-murtiyeed oo ay si wadda jir ah u saxeexeen Suldaan Cabdilaahi Cali Muuse iyo Suldaan Maxamed Cabdiqaadir oo ah madax-dhaqameedka hoggaanka u haya labada beelood.

War-murtiyeedyada ka soo baxay shirka ayaa lagu xusay in ujeeddada ka dambaysa qabsoomidda shirka ay gundhig u yihiin Afar Qodob oo lagu kala sheegay inay kala yihiin Turxaan bixin iyo is laabxaadhasho, Dhammaystirka nabada gobolka Sanaag, Horumarinta deegaamada ay labada Beelood wada-degaan iyo Xaalada guud ee Dalka.

Labada War-murtiyeed ee ka soo baxay shirka, ayaa loo kala qaaday laba dhinac oo midkood gaar u yahay shirka iyo qodobbo ka hadlaya xaaladda guud ee dalku xilligan marayo.

War-murtiyeedka ka soo baxay Shirka ee lagaga hadlay arrimaha la xidhiidha danaha labada beelood oo ka kooban Lix Qodob, ayaa u qornaa sidan:-

1) Madaama aynu nahay dad muslim ah diinteena suubanina inoo jidaysay waxkasta oo wanaag iyo maslaxadi ku jirto aakhiro iyo aduunba ayna tahay xalka dhibaato kasta oo haysata bulshadeena lagaga bixi karro,isla markaana distoorkeenuna uu ku salaysan-yahay waa in Xukuumaddu hirgelisaa ku dhaqanka sharaceeda islaamka.

2)Waxa heshiis iyo is afgarad buuxa laga gaadhay wixii tabashooyin jiray beelaha dhexdooda, waxaanay ku dhammaysteen walaalnimo iyo Isfahan.

3)In la dhammaystiro wixii ka hadhsan nabadda Gobolka Sanaag ,arrintaasna waxa loo xil saaray guddi ka kooban 21 xubnood oo isugu jira, Salaadiin, Cuqaal iyo waxgarad, guddidaas oo aanay ku jirin ardaayaddii wax kale gaadheen .

4) Waxay labada beelood ay isla qateen in si wada jir ah wax looga qabto horumarinta deegaanada ay wada degaan , sidda, tacliinta,caafimaadka, waddooyinka iyo dhammaan-ba addeegyadda aasaasiga ah ,arrintan waxa loo magacaabay guddi guud oo ka kooban 25 xubnood .

5) Guddiyadda horumarinta ee heer gobol waxa kamid noqonaya beelaha kale ee deegaanka ah.

6) Si loo xaqiijiyo loona taabageliyo go’aamaddan Taariikhiga ah ee ka soo baxay shirkan waxa loo xil saaray guddiyadda labada beelood ah iyo hoggaanka dhaqanka.”

Waxa kale oo ay labada beelood war-murtiyeed ka soo saareen xaaladda guud ee dalka iyo duruufaha ku xeeran, waxaanu u dhignaa sidan:-

1. Waa in lawada ilaaliyo Qaranimadda iyo midnimada Somaliland
2. Golayaasha Qaranku waa in aanay ansixin xeerkasta oo ka hor imanaya shareecadda islaamka .

3. Shirku wuxuu ugu baaqayaa Golaha Guurtida inuu ansixiyo Guddidii Culimadda ee distuuriga ahayd .

4. Shirku wuxuu si buuxda u taageerayaa go’aankii ay wada qateen Xukuumadda iyo Axsaabta Qaranka ee ahaa in sanadkan gudihiisa 2020 la qabto doorashooyinka deegaanka iyo baarlamaanka.

5. Shirku wuxuu ugu baaqayaa Xukuumadda inay fuliso heshiiskii ay la gashay Khaatumo

6. Waxa kale oo uu shirku ugu baaqayaa Xukuumadda Somaliland inay si caddaalad iyo sinaan ah u qaybiso xilalka Dowliga ah iyo Mashaariicda horumarineed.

7. Si loo waajaho isbadeladda ka socda geeska iyo arrimaha masiiriga ah,waxaanu shirku ku talinayaa in Xukuumaddu wadda tashi mug leh ay kale yeelato,Golayaasha Qaranka, Axsaabta iyo qaybaha kale ee bulshadda, iyadoo la ilaalinayo dastuurka qaranka lana dhawrayo madaxbannaanida iyo midnimadda Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

8. Xanuunka caalamka ka dilaacay ee (Coronavirus ), shirku wuxuu ku talinayaa in illaahay la tala saarto , ducadda la badiyo taxadar Caafimaadna laga qaato.

9. Shirku wuxuu ugu baaqayaa dhammaan-ba derisyadda nabad ku wadda noolaansho.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-murtiyeedka ka soo baxay shirka beelaha Bariga iyo Galbeedka Burco.

 

Somalilandpost.net

Burco/Somaliland

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories